Home » Warar »

Deeq ay soo dhiibeen Falastiini​yiinta ku nool Magaalada Oslo -Nowray oo loo qaybiyay barakacaya​asha Abaaraha

Deeq ay soo dhiibeen Falastiiniyiinta ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa shalay oo Khamiis ahayd loo qaybiyay barkacayaasha abaaraha ee ku sugan deegaanka Maryan-gubay iyo deegaanno ku dhow oo ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose.
Kaalmadan oo ahayd lacag gaaraysa $7,000 (Toddoba kun oo Dollarka) ayaa loogu iibiyay barakacayaasha raashin iyo saliid, waxaana deeqdan ka faa’iideystay boqolaal qoys oo dhibaateysan.
Kamaal Maxamed Khayre oo ah wakiilka deeqdan gaarsiiyay barakacyaasha ayaa sheegay in raashinka ay gaarsiiyeen qoysaska dhibaateysan uu isugu jiray bariis iyo saliidda raashinka lagu karsado, waxaana goobjoog ka ahaa qaybinta deeqdan C/xakiin Xuseen Kaahiye oo ka yimid dalka Norway.
Dadka deeqdan ka faa’iideystay ayaa waxay isugu jireen, haween, caruur iyo dad waayeel ah, iyadoo mas’uuliyiinta deegaannada laga qaybiyay deeqdan ay aad uga mahadceliyay walaalaha Falastiiniyiinta ah ee deeqdan soo dhiibay.
“Aad ayaan u dhibaateysanayn – waayo abaaraha gobolkan ku dhuftay waxay la tageen xoolihii ay nolosheennu ku tiirsanayd, sidoo kalena beerihii ayaa iyaguna noo bixi waayay, taasna ayaana keentay inaan u baahanno kaalmo,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadkii gargaarka loo qaybiyay.
Jaaliyadda Falastiin ee ku nool dalka Norway ayaa noqonaysa jaaliyaddii ugu horreysay oo aan Soomaali ahayn oo gargaar lasoo gaara dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku dhibaateysan Soomaaliya.

 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.