Home » Warar »

Deeq katimi jaaliyada soomaliyeed ee Wadanka Denmark Magaalada Randers oo lagaarsiiyey dadkii abaaruhu halakeeyeen ee nawaaxiga Afgooye.

Denmark:Magaalada layiraahdo Randers ayaa waxay deeq soo gaasiisay walaalohooda ku dhibaataysan nawaaxiga Afgooye waxayna wakiisheen ALNAHREYN oo hayad quudisa agoomo.

Waxaa loo qaybiyey dad gaaraya ilaa 100 qof sida aaad arkaysaan dadkaasuna dhamaantood waxaa weeye dadkii abaaruhu halakeeyeen.dadkaasina waxay heleen afur inkastoo dhibaatada dalka taali ay weli cakirantahay hadana dadka soomaaliyeed ee u gurmanaya walaalahaa muslimiinta ah ayey kamid noqotay Jaalida reer Randers.

Dadkaa wax loo qaybiyey waxay ubadan yihiin dadka abaaruhu halakeeyeen oo xoolo dhaqato awal ahaa iminkana aan xoolo iyo waxay cunaan toona haysan iyadoo dadbadani ay ugeeriyoodeen gaajo iyo haraad hadana inta soo badbaadey mahaystaan waxay quutaan Boqlkan qof waxay kamid yihiin daka aanu gaarsiinay deeqdii nooga timi Jaaliyada Denmark,gaar ahaan magaalada Randers.

Halkan hoose kadaawo masawiro dheeraad ah.

Afgooye

alnahreyn@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.