Home » Warar »

Soomaalida Ku Nool Gobolka Perth ee Dalka Australia oo Deeq Lacageed soo Gaasiiyey Bukaanadda ku jira Isbitaalada Madiina

Iyadoo Xawli ay ku socdaan Gargaarka la gaarsiinayo Dadka ay saameeyeen Abaaraha iyo Dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka jira Soomaaliya ayaa  Soomaalida ku noor Gobolka Perth  ee dalka Australia waxay  Deeq Balaaran soo gaarsiiyeeyn dadka ay  abaaraha iyo Dagaalada waxyeeleeyeen waxayna ugu horeyn Deeq lacageed gaarsiiyeen Isbitaalka  Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyada ugu badan Isbitaalada Muqdisho iyo Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan Bukaano fara badan oo  u badan Caruur

Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo ururriyeen Soomaaida Gobolka Perth ee Dalka Australia ayaa markii ay lacagtaas ururiyeen waxaa soo raacay laba xubnood oo degen Gobolkaas kuwaas oo loo soo wakiishey in ay dadka dhibaateysan gaarsiiyaan waxaana ka mid ah Xasan Shiikh Maxamed iyo Axmed Daahir Cabdulaahi  waxayna iyana  la kaashadeen  Saddex Hayadood oo kala ah Hayadda SOSCENSA  SSU iyo DPSD

Intii aysan bilaaban qaybinta Deeqdaas Lacageed ayaa waxaa  Warfaafdinta Xarunta Soscensa kula hadley Xasan Shiikh oo yri “Anigu ma nihin Hayad Gargaar bixisa  , Ma nihin Urur Deeq bixiya  ee waxaan nahay Soomaali dadkooda  dhibaateysan in ay u gargaaraan halkaa u yimid  waxaana Deeqdaan iska soo uruuriyey Gobol ka md Gobolada Wadanka Australia oo la yiraaho Perth iyagaana na soo wakiishey in aan Deeqdaan lacageed aan gaarsiino dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha iyo Dagaalada”

Markii ay gaareen Isbitaalka Madiina  ayaa waxaa isbtaalka Gudihiisa hadal kooban ka jeediyey Agaasimaha Ibitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo ugu horeyntii u mahadceliyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka PertH ee Australia sida ay ugu damqadeen Walaalahooda dhibaateysan isagoo ku booriyey in ay halkaa ka sii wadaan u gargaarida walaalahooda dhibaateysan

Xasan Shiikh iyo Axmed Daahir oo ka socdey Soomaalida Gobolka Perth ayaa iyagana  u mahadceliyey  Maamulka iyo Dhaqaatiirta isbitaalka Madiina sida ay ugu fududeeyeen in ay Deeqdaas gaarto dadkii loogu talagaley waxay aad uga Murugoodeen dhibaatada baaxadda lah ay qabaan dadka ku jira isbitaalka Madiina waxayna sheegeen in Deeqdaan aysan noqon doonin  midii ugu horeeysey ee ay soo dhiibaan Soomaalida Gobolka Perth balse ay jiri doonan Deeqo kale.

Halkan kadaawo sawiro dheeraad ah

Markii ay soo gaareen Isbitaalka Dhalaanka iyo Hooyada ee Banaadir waxaa halka ku soo dhaweeyey Agaasimaha qaybta Caruurta iyo Dhalaanka ee Isbitaalka Drs Luul Maxamed Maxamuud   oo ugu horeyn u mahadcelisey Walaalaha Soomaalieed ee Gobolka PertH  Deeqda lacageed ee ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda ku jira Isbitaalka Banaadir , waxay sheegtey in isbitaalka ay ku jiraan Caruur wax looga qaban waayey Dalka balse u baahan in laga bixiyo Tikidhka Diyaadaha ee dalka Suudaan maadama  Dhaqaatiir ku sugan dalkaas ay balan qaadeen in ay si lacag la’aan ah ku daaweyn doonaan

Xasan Shiikh iyo Axmed Daahir oo iyana halkaa ka Hadley markii ay gaarsiiyeen Deeqdaas lacageed ayaa sheegey in dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia ay gaarsiin doonaan in wax loo qabto Caruurta ku jirata isbitaalka ee wax looga qaban waayey Dalka Gudhiisa,waxayna u mahadceliyeen Maamulka Isbitaalka  sid ay uga gacan siiyeen qaybintaa Deeqdaas Lacageed.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.