Waxaa Magaalada Muqdisho weli soo gaaraya dad fara badan oo ka soo carerey ama ay saameeysey Abaaraha ka dilaacey Gobolo ka tirsan Soomaaliya waxaana dadkaan ay Abaarta Saameeysey u soo gurmaday Hayado kala Duwan, Dalal ka tirsan Dunida,Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Dibadiisa iyo Gudihiisa waxaa laba Xero oo ku taal Degmooyinka Hodan iyo Waaberi laga qaybiyey Deeq lacageed oo la gaarsiiyey,Xerada Degmada Hodan waxaa Deeqdaas la siiyey 420 Qoys Degmadda Waaberi waxaa la siiyey 300 oo Qoys
Deeqdaan Lacageed waxaa soo dhiibey Hayadda Horn Africa Developments Trust waxayna la kaashatey Masjidka Al Furqan Islamic Center ee Magaalada Manchester ee Dalka Ingiriiska waxaana fuliyey Hayadda lagu Magacaabo Somali Action Humanitarian Organization oo marka la soo gaabiyo loogu yeero SAHDO Waxayna iyadana la kaashatey Maamulada ka jira Degmooyinka Waaberi iyo Hodan.
Qoysaskii la siiyey ayaa si aad ah ugu baahnaa Deeqdaas lacageed Maadaama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan waxayna dadkii loo qaybiyey ugu baaqeen Intii soo dhiibtey iyo Intii ka qayb qaadatey qaybinta Lacagtaas inay sii labalaabaan Gargaarka noocaan oo kale ee la siinayo dadka ay abaaraha saameeyeen iyo dagaalada sIdoo kale Masuuliyiin ka socotey Hayada SAHDO oo iyana halkaa ka Hadley ayaa sheegey in deeqdaan aysan ahaan doonin midii ugu Dambeysey balse ay jiri doonaan Deeqo kale hase yeeshee ay gaarsiin doonaan Hayadihii soo dhiibey in ay sii wadaan deeqaha loogu talagaley dadka Abaaraha waxayna Hayadda u Mahadcelisey intii ku gacansiisey Bixinta Deeqdaas Lacageed.
Halkan kadaawo masawiro dheeraad ah
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.