Home » News »

Weli waxaa jira dad soomaaliyeed oo dadkooda iyo dalkoodaba jecel

Sida aan ogsoon nahay tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa soo ifbaxay kaalimo basdan oo u baahday in wax laga qabto kuwaas oo ay dowladu iyada dadka ka haqab tiri jirtay sida adeegyada bulshada dhinac walba haday ahaan lahayd caafimaad,waxbarasho IWM, hadaba arintan waxaa u istaagay hay’ado badan iyo ururo samafal kuwaas oo qaarkoodna ay yihiin dowli qaarna wadani ayaa waxay bilaabeen inkastoo aysan dhici karin in la buuxiyo kaalin dowlad banaysay hadana in aan bulshada dayac looga tagin.

Hay’adda samafalka ee SOMLI AEGEL EYED GROUP  (SOEEG) oo ka mid ah kuwa iskood isu xil qaamay ayna dhaqaajisay dareenka wadani nimo gartayna in qofkasta oo soomaali ah uu xil kasaaran yahay caruurta iyo hooyooyonka soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay ayaa sanadihii u danbeeyay ka waday gudaha dalka iyo dibadiisaba dadaalo loogu gargaarayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Halkan kadaawo sawiro dheeraad ah
Soeeg  ayaa dadaaladeedi ugu danbeyay waxaa ka mid ahaa iyada oo kaashanaysa NORWIGIAN REDCROSS (ICRS) in ay ka sameysay magaalada Darammen ee dalkan Norway dadaal lacago loogu aruurinayo dadka Soomaaliyed ee dhibaataysan sidaas oo kale madaxa soeeg ayaa wuxuu la shiray sida uu noo sheegay madax ka tirsan xizbiga shaqaalaha ee dalka Noeway isaga oo gaarsiiyay baaxada dhibaatada iyo qaabka ay tahay in wax looga qabto.
Hadaba madaxa hay’adda samafalka ee Soeeg ayaa wuxuu ku boorinayaa in bulshada Soomaaliyeed uu xil ka saaran yahay in ay u istaagaan in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka jira wuxuuna ugu baaqayaa madaxda dalka iyo kooxaha mucaaradka ah in ay wada hadlaan si ay u yaraato khatarta haysata shacabka iyo si ay u sahlanaato in gargaarka la gaaarsiiyo meel walba ee u joogo qof u baahan kaalmo.
Sidaas oo kale SOEEG waxay xasuusinaysaa shacabka in waajibku uusan gaar u lahayn qof ama hay’ad laakiin in ay tahay in qofwalba oo Soomaali ah uu quud maalmeedkiisa qayb ka mid ah u huro walaalihiis dhibaataysan iyo in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa sababaha keenay dhibaatadan joogtada ah taas oo ah muranka iyo faham la’aanta hana ogaaden soomaali in aysan waxba kala ahayn laakiin ay wax isku yihiin mana haboona in uu qof dhereg dareemo iyada oo ay jirto qof Soomaali ah oo baahi daremaya.
Guntii iyo gabagadii wuxuu inoo sheegay madaxa hay’adda samafalka ee Soeeg in dhawaan ay gaynayaan shixnado cuno ah goobaha ay dhibaatada ka jirto wuxuuna ilaahay uga baryay in uu samata bixiyo umaddan masiibadu ku habsatay.
WQ: Xasan Mohamed.
xasanali11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.