Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Qatar Charity

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’ada Qatar Charity International oo ah hay’adii ugu horreysay ee caalami ah ee soo gaartay shacabka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho. Wafidgan oo ay ka mid ahaayeen Mohamed Ader-deor, Agaasimaha Gurmadka Deg-degga ah, Ali Mubarak Al-Kubaisi ahna Madaxa qeybta xiriirka deeqbixiyeyaasha, iyo Mohamed Hashim Omar oo ah Madaxa Mashaariicda Soomaaliya.Waxaa kaloo kulankan muhiimka ah joogey Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Mohamud Ahmed Nur (Tarzan).

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey wafidga Qatar Charity imaatinkooda Muqdisho iyo sidii ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gurmadeen shacabka soomaaliyeed. Wafdiga ayaa iyagana uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sidii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey iyo waqtigiisa qaaliga ah ee kulankii maanta. Wafidga ayaa warbixin kooban siiyey Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira kaalinta Qatar Charity iyo kaalmada ay soo gaarsiiyeen shacabka soomaaliyeed. Wafdigu waxey sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin inay soo gaaraan shacabka soomaaliyeed oo ay gar-gaar iyo gurmadba la soo gaaraan, waxeyna sheegeen inay qorsheynayaan inay sii kordhiyaan mucaawanadooda. Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan inay mashaariic kale ka fuliyaan waddanka Soomaaliya sida mashaariic waxbarasho, kuwo caafimaad iyo kuwa shaqo loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday in Qatar Charity ay wada gaaraan dhammaan shacabka soomaaliyeed iyo gobolada dalka oo ay macluul tii ugu xumeyd muddo 60 sano ah ka jirto. Waxuuna ka codsaday inay kaalin mug leh ay ka qaataan dadaalada loogu gurmanayo shacabka tabaaleysan.

 Halkan ka akhriso qoraalkii oo PDF ah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Qatar Charity "

  1. yaa n waxaan rabaa ra,yil caam inaan weydiiyo cid alla iyo cidii u leh aqoon, dhibta soo jireenta ah ee aan laheyn dhamaadka ee runtii inagu habsatay cida ka danbeysa iyo cida u ah aabaha? !!!
    Walaalayaal arintu waxa ey noqotay dukaanlihii albaabka dukaanka ku soo qortay maanta deyn ma,jiro bari haa !!
    miyeysan u ekeyn bari ineysan dhamaaneyn hadaan boorka meesha laga warejin ? !!!
    macnaha waxaa boorki nabada inoogu qoran hayeey al shabaab !!
    hayeey dowladii !!
    Ayadoo aan ka soo gudubnay hayey hogaamiya kooxeed !!
    Yaab walaalayaal iga bog siya goormee laga yaaba in boorkaasi nagala warejiyo yaase u macalin ah?
    Walaalayaal somali telk haleyga raali ahaado hadaan wax qalad ah halkaan ku qoray macnaha ayaa waxaan ahay somali qurbe ku jiray 32 sano, hadaba daalay dalkeygiina ubaahni walaahi marbaan iraahdaa ku dhamaaw baar lamaanka anigoo u arkay in ey yihiin kuwa iyagu majara habaabinaya somaliya dal iyo duunyaba.
    si ey umada iga danbeysaahi ugu noolaato xurnimo una yeeshaan maamul kala danbeyn iyo iyagoo soo celiya dhaqankii lagu yaqiin soamlidii hore .
    Walaahi sacadaan aan idinlahadlayo ilmaa ka socota in dhaheyga, waxa aan u ooyayaana waa dalkeygii oo aan dayactir heysan iyo dadkeygii somaliyeed meel kastey joogaan oo eysan heysan xushmadii ey lahaan jireen iyo dad nimadoodii iyop waliba shan geesloow calankeenii buluuga ahaa oo maanta kaba suuli raba aduunka,
    taasina jiritaankeena somalinimo ayey tireysaa ,
    maxaa haray mar hadii dalkii in la iibsado somali ku fakartay ,kuna dhaqaaqeen sida wabsaydyadu qorayaan waan ka xumahay, walaahi qwaan ka xumahay.
    sorry / naftii baaba ii diiday in aan sii wado
    qoraal waa lagu sii dari karaa waxaan ka
    tagay somaleey, gacmahana aan is qabsano
    dhibta waanu kabaxeynaa in shaa alaah.
    hayeey dowladi