Home » Warar »

Shirkii uu horeeyey ee ay golaha wasiiradu yeeshaan oo maanta dhacay

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen barnaamijka xukuumadda, shirka wadatashiga ah ee Soomaalida iyo arrimaha abaaraha baahsan ee dalka ka jira.Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u sheegay golaha cusub ee wasiirada in loo baahanyahay 12ka bilood ee soo socda laga howlgalo dhammaan howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo barnaamijka xukuumadda oo ay golaha baarlamaanku ansixiyeen. Arrimaah ay xukuumaddu mudnaanta siineyso ayaa ah Amniga, Dastuurka, Gar-gaarka Bani’aadanimo, Dib-u-heshiisiin dhameystiran iyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaarahu waxuu hordhigay golaha wasiirada qorshe-howleed laga diyaariyey barnaamijka xukuumadda, isla markaana uu ka codsaday dhammaan wasaaradahu inay qorshe-howleedkooda waafajiyaan barnaamijka xukuumadda isla markaana horkeenaan golaha wasiirada si looga wada tashto.Halkan kadawo sawiro dheeraad ah 

Ra’iisul Wasaaraha isagoo ka duulaya baahida deg-dega ah ee loo qabo sidii loo qaban lahaa kulan wadatashi guud oo dhammaan qeybaha bulshada soomaaliyeed ka soo qeybgalayaan oo ay fududeynayaan Qaramada Midoobay ayuu u xilsaaray guddi heer wasiir ah oo ka howlgala sidii kulanka wadatashiga ah uu u noqon lahaa mid miro dhala. Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo wasiirada wasaaradaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Haweenka, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Caafimaadka. Guddigan ayaa lagu wadaa inay la xiriiraan Qaramada Midoobay si loo dhameystiro qabanqaabada kulanka wadatashiga guud.

Halkan ka akhriso qoraalka oo PDF ah 

Golaha Wasiiradu waxey ka doodeen arrimaha abaaraha baahsan iyo macluusha ka dilaacday waddanka. Golahu waxey soo dhoweeyeen dadaalada aan kala go’a laheyn ee hay’adaha dastuuriga iyo qeybaha bulshada ay ka wadeen Muqdisho 4tii usbuuc ee la soo dhaafay, sida diyaarinta xerada Badbaado iyo hubinta in barakacayaasha la gaarsiiyey raashin iyo daawo. Sidoo kale waxaa la soo dhoweeyey Hay’ada Maareynta Musiibooyinka oo uu dhowaan Ra’iisul Wasaarahu magacaabay, loona rajeeyey inay howlaha baaxada leh ee horyaalla ay ku guuleystaan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay guddigii heer wasiir ee horey loo sameeyey ay sii shaqeeyaan oo ay la shaqeeyaan Hay’ada Maareynta Musiibooyinka iyagoo kormeer ku sameynaya howlaha gurmadka iyo gar-gaarka bani’aadanimo. Wasiirada ku jira guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraa iyo Barkacayaasha ayaa kala ah Wasiirada Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Howlaha Guud iyo Warfaafinta & Boostada iyo Isgaarsiinta.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in loo baahanyahay inay sii
shaqeeyaan guddiyadii golaha wasiirada ee horey u jiray sida guddiyada amniga, dhaqaalaha,
arrimaha bulshada iyo siyaasadda, si ay u sahlanaato in muddada 12ka bilood ah ay howlaha
muhiimka ah ee xukuumadda u qabsoomaan, una noqdaan kuwo miro-dhal ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.