Home » Warar »

Fariinta Bisha Barakeysan ee Soonka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Sanadka 1432 Hijra.

 

Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Caalamka waxaan u dirayaa Hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadanka oo ah bil fadli gaar ah u leh muslimiinta oo ay gudanayaan waajibaadka diiniga ah. Bisha barakeysan ee Ramadan oo caawa dhalatay waxaa waajib nagu wada ah inaan ku faraxno oo aan si kal iyo laab ah u soo dhoweyno.Bishan barakeysan ee Ramadan waa bishii Quraanka Kariimka ah uu soo degay, waana bil uu EEBE furo albaabada Janada, xerana albaabada Naarta. Sidaas daraadeed, waxaa waajib nagu ah inaan ka faa’iideysano bisha Ramadan oo aan badino cibaadooyinka, isla markaana aan ka fogaano dhammaan waxyaabaha uu EEBBE naga xaaraantinimeeyey (ama naga joojiyey), sida xanta, dilka iwm.

 

Halkan kadaawo warkii oo dhamaystiran ahna BDF

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.