Home » Warar »

Shacabka muqdisho oo isu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxa la filayaa in maalinta Berri ah haddii Eebbe Idmo ay dhalato Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan oo ah bil ay ka buuxaan Khayr fara badan , waxayna Bishaan ay ku soo beegantey Xilli ay dalka ka jiraan Abaaro saameeysey dad iyo duunyo iyadoo taasi ay jirto ayaa dadka soomaaliyeed waxay Saddexdii maalmood ay ku jireen diyaargarow ku aadan Bisha Barakeysan ee Ramadaan 
Waxaa la arkayaa Suuqyada laga iibsado Raashinka oo dad fara badan ay ku qulqulayaan kuwaas oo doonayao in iibsadaan Raashinkii ay ugu bixi lahaayeen Bisha Ramadaan , sidoo kal;e waxaa mashquul ah Shirkadaha Xawaaladaha oo aad arkeyso dad fara badan oo ku dhooban kuwaas oo wax ka sugaya dadkooda Dibadaha ku nool waxaa sii mashuuqliyey markii Shirkadda ugu weyneyd Inter -Net-ka laga isticmaalo Magaalada Muqdisho ee Global Inter-net ay soo wajahdey cilad kaga timid martkii GoobTii ay ku taaley ay ka dhacayaan dagaalo uy dhacayeeya dhinacyada ku hardamaya Magaalada Muqdisho waxayna Shirkadaas ku taaley Suuqa Bakaaraha
Wxaa kaloo xusid Mudan in dadka ay saameeyeen Abaaraha iyo dagaalada iyana la gaarsiinayo Deeqo fara badan kuwaas oo ka kala imaanaya Dalka Dibadiisa iyo Guddihiis waxaana la arkayey dadkaas oo loo qaqybinayo Raashin kala duwan iyo weliba lacag Kaash ah iyadoo maanta magaalada Muqdisho soo caga dgigatey Diyaarad laga leeyahay Dalka Kuweyt oo sidey Gargaar ay ugu tala gashey dadka Abaaraha ay saameeyeen waana diyaaradii Afaraad ee soo caga dhigata garoonlka Aadan Cadde ee magalada Muqdisho
waxaa labadii Todobaad ee ugu dameeyey waxaa dalka Soomaaliya soo gaarey gargaar fara badan hase yeeshee gargaarkaas iyo lacagahaas hoos uma dhigin qiimahii raashin balse waxaa hoose u dhac laga dareemey Qiimaha sarifka lacagaha Doolarka waxaa qiimaha raashinka halkii loor ee ay ku jirto 50 Kiil oo Bariis la kal siisanayey lacag gaareysa 35 Doolar halka loorkii Sonkor ah oo ay ku jirto 50 Kiilo la kala siisanayey 40 Doolar loorkii Bur oo ay ku jirto 50 Kiilo waxaa isagana la kala siisanayey 35 Doolar Baastada ayaa 10 kiilo waxaa la gala siisanayey 8 Doolar, Saliida waxaa iyana 5-tii Liitar laka la siisanyey 5 Doolar waxaa Boqolka Doolar lagu sarifayey Laba Milyan Sagaal Boqol iyo sideetan.


Bisha Ramadaan waa bishii Khayrka , Raxmada , Dambi dhaafka , Caafimaadka , Naar iska Xoreynta , Laylatul Qadarka ,Bishii Jihaadka , Bishii Furashada Makka , Bishii dagaalkii Badar , Bishii Sekaatu Fidri iyo Bishii Sadaqada iyo Quudinta Masaakiinta hadaba dadka soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa in ay laba jibaaraan Sadaqada Quudinta Masaakinta waxayna Bishaan ay ku soo beegantey Xilli ay dadka soomaaliyeed ay isugu darsameeen Sadded Shey oo Alla laga magan galo waa Colaad , Abaar iyo Cudduro marka waxaan Khayr Fara badan laga helayaa Ciidii Ilaah Wax siiyey in ay ka warqabaan dadka aan heli karin Wax ay ku Afuraan oo weliba la sii eego dadka Deriska ah ee aan heli karin wax ku afuraan ugu dambeeyn Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar ay ugu baaqdey Xarakadda Al-Shabaab , Ciidamada Shisheeye , iyo Dowladda Federaalka in ay ku dhwaaqaan Xabad joojin Saddex Bilood ah inta laga baxayo Abaaraha 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.