Home » Warar »

Maxaa kala soctaa xaalada nololeed ee Qoxootiga soomaaliyeed ee wadanka Malta

Jaziirada maalta waxaa ku nool muhaajiriin soomaaliyeed oo fara badan oo gaarayay ilaa sanadii 2003.waxaa sanadkaan 2009 ka dhacayay dhacdooyin iyo isbedelo waaweyn oo quseeyay nolosha dadka muhaajiriinta kale duwan haba ugu badnaadaane kuwa madow. waxa aynu wareysi la yeelanay mudane caadil maxamed axmed oo ka mid ah shaqaalaha xafiiska gudiga qaxootiga ee dalka malta kaasoo hoos yimaada wasaarada caadalada iyo arimaha gudaha dalka malta. caadil waa tarjubaan luqadaha ingiriisiga carabiga iyo soomaaliga sidoo kale macalin.waxa uu muddo kaga soo shaqeynaayay howshaani tarjubaan nimada xafiiskani isagoo subax walba howshisa xafiiseed ay tahay tarjumida dacwadaha (keesaska) dadka dalbanaya maganyalyo in la siiyo ama loo aqoonsado qaxootinimo.caadil waxaa uu inta badan ka soo shaqeeyay arimaha magangalyo doonka muhaajiriin u kala dhashay suudaan(daarfoor),masar,ciraaq,falastiin,kurdish,iyo soomaali farabadan.waxa uu sidoo kale u shaqeeyaa hey’ada SOS MALTA isagoo xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn la leeyahay hey’adaho kala duwan oo ay kamid tahay hey’ada MSF MALTA,JRS MALTA,UNHCR,emmigrants commission,Fondazzjoni Suret il-Bniedem,migrants solidarity movement,migrants health unit iyo hey’ada OIWAS.waxa ay fursada inoo saamaxday in aynu wax ka weydiino mudana caadil arimo badan oo ku saabsan muhaajiriinta qaasatan kuwa madow iyo soomaalida iyo arimo kale oo la xiriira howlihiisa shaqo ee ku saabsan qaxootiga.

SU’AAL: bishii shanaad ee sanadkaani waxaa isdaldalay wiil soomaaliyeed oo ku noolaa jaziirada laga soo bilaabo 2008.isla bishaasi waxa dhaawacyo loo geystya wiilal soomaaliyeed sidoo kale ayadoo bishii lixaad la dilay wiil dhalinyaro oo uu dhashay dalka sudan waxaana ugu dambeen bishii todobaad dhawaacyo xun loo geystay abdi fitah mohamed kadib markii ay weerareen rag maaltees ah oo aan la garaneyn hebtooda xili habeen ah isagoo u socdo HALFAR halkii uu ku noolaa hadaba maxay ahaayeen sababahaasi?-

JAWAABL:dhacdada koowaad ee marxuumka isdaldalay waxaa loo sababaa daruufaha qalafsan iyo xaalada nololeed oo ay ku nool yihiin dadka muhaajiriinta ah inkastoo heerka ay gaarsiisan tahay ee is dilka ah ay tahay mid aan la aqbali karin hadaynu nahay dad islaam ah sidoo kale mujtamaca aynu ku dhex nool nahay oo ah kirishtan iyo dastuurka dalka oo dhigaya in ay sharci daro tahay in uu qof is dilo am is daldalo taasoo sabab u aheyd xitaa in aanay saxaafada gudaha dalka qaar ama sida badan aanay waxba ka qorin falka is dilka wiilkani soomaliyeed taasoo markii an kala hadlay saxaafada gudaha jaziirada malta ay ii sheegeen in aanay waxba ka qorin karin marka loo eego dastuurka dalka. dhacdada labaad ee dhaawacyada loo geystay dhalinyarada soomaaliyeed waxa ay tahay mid salka ku heyso arimo bulshadeed ayadoo mar walba ay dhacaan tacadiyo loo geysto xuquuqda dadka muhaajiriinta (violences against immigrants rights) inta badana ciidanka booliska ayaa dhex gala.dhacdaada sadexaad ee ka dhacday paceville taaso lagu dilay ismaciil abuubkar 29 may ee sanadkaan xili habeen ah isagoo laga hor istaagay in uu galo baar lagu caweeyo waxaa la wareegay ciidanka booliska oo baaris ku hayo ayadoo loo xiray ruuxii geystay falkaa dhaawaca oo uu marxuumku u dhintay kadib markii la dhigay isbitalka dhawaac ka soo gaaray madaxa sidoo kale dowladu waxay talaabo wax ku ool ah qaaday oo ku aadan arinka marxuumka suudaaniga ah kadib markii ay ogolaatay in la qabto isu soo bax weyn 13 bishii lixaad dhamaan muhaajiriintuna ay xaq u leeyihiin in ay codkooda oo xor ah mideysana ay ku hadlaan kana dhidhiyaan waxii dhibtooda ah ayadoo tan arinka cabdifitaaxna uu ahaa mid si aad ah loga wada naxo maadaama lagu tilmaamay fal gardaro oo naceyb iyo midab kala sooc xambaarsan waxaana in badan ka hadlay saxaafada anigoo mahadcelin gaar ah u diraya bahda wargeysyada THE SUNDAY TIMES iyo THE TIMES oo in badan wax ka qoray sidoo kale sagaal urur oo cambaareeyay falkaa iyo falalka la mid ka ah kana codsaday dowlada malta in ay aanay ka aamusin waxna ka qabato-

SU’AAL: waxaa jirtay in horaantii bishii shanaad ee sanadkaan aad la shaqeyneysaay waqfdi ka socday ururka ilaalinta xuquuqda aadanah ( human rights watch ) maxey ku saabsaneed booqashadooda jaziirada dalka malta?-

JAWAAB: indho indheyn iyo u kuurgalid heerka xuquuqda aadanaha iyo tacadiya loo geysto dadka muhaajiriinta, qaxootiga, magangalya doonka sidoo kale dadka xabsiyada ku jira iyo xeryaha.ma aheyn meelihii ay booqdeen malta oo kaliya waxaa kaloo ka mid ahaa turkiga Gariiga qubrus,jaziirada sicily iyo wadamo kale oo ka tirsan wadamada sida xad dhaafka ah ay muhaajiriinta u gaaraan si’ ay yurub uga sii talabaan.waxa aynu booqanay xeryaha xiran (detention centers) ee lagu hayo dadka bada ka soo gala (boat people) ama cirka ku yimada laakiin sharci daro lagu soo qabto ee howshoodu aanay weli soo dhamaan sida xerada TA’KANDIYA, SAFI barracks oo ay ku yaalaan WARE HOUSE 1/2,BLOCK B,block C 1/2/3 SIdOO kale xerada lyster barracks(HALFAR) oo ay ku yaalan teendhooyinka kadibna waxa ayn u booqanay dhamaan xeryaha furan (open centers) oo ay ku noolyihiin dadka debeda jooga ee sharciyada la siiyay ama loo diiday laakiin soo dhameystay mudada xabsiga sida teendhooyinka halfaar(HALFAR TENT VILLAGE), hangarka oo ay yaalaan guryaha konteenarada(mobile houses) waxa ayna indhaheenu qabanayeen garaashkii weynaa ee dayaaradaha kaasoo la xiray dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay laakiin dib loo furay kadib markii la dejiyay dhalinyaro laga soo celiyay dalal kaloo yurub ah kadib markii ay iska dhiibeen si ay u helaan nolol dhaanta tan jaziirada laakiin markii laga soo helay farahii malta dib loo soo celiyay ayadoo la eegayo xeerka DUBLIN2 –

malt2

Sidoo kale halka qoysasku degen yihiin(HALFAR FAMILIY OPEN CENTER) iyo halka gabdhaha singalada ah. waxaan sidoo kale booqanay mid kamid ah xeryaha ugu waaween kuwa debeda kaasoo ah MARSA OPEN CENTER taasoo ku taala magaalada bartamaheeda inagoo kula kulanaya maamulka xarunta sida maamulaha guud ee xerada Oliver Gatt sidoo kale ahmed bugri oo ka mid ah madaxda sare ee maamulka xerada oo ah maaltees asalkiisu ka soo jeedo dalka GHANA oo si’ gaar ah ii soo jiitay maadama uu ahaa ruuxii iigu horeeyay ee aan arko madow la siiyo dhalashada dalka malta inagoo markii dambana u gudubnay in aynu la kulano qaar kamid ah muhaajirnta kala duwan ee halkaa ku noolaa oo aan kula yeelanay wareysiyo kala duwan.-

SU’AAL: 19 bishii lixaad waxay aheyd dabaaldega maalinta qaxootiga aduun ka,taasoo lagu waday in lagu qabto xuska maalintaan MARSA OPEN CENTER waxaana is hortaagay dhamaan muhaajiriinta qaasatan kuwii ku noolaa halkaa maxay aheyd sababata?-

JAWAAB: inkastoo aan ka qeyb galin munaasabadaa sidoo kalana aanan goobta tegin hadana mar aan la xiriiray dhalinyaro goobta joogay aya ayaa ii sheegay in muhaajiriinta goobta isugu soo baxay oo u badnaa kuwa ka soo jeeda geeska afrika sida soomaaliya iyo eretereya sidooo kale sudan(daarfoor) ay yihiin qaxooti afrikaan ah oo dhab ah oo uga soo hijrooday dalkooda iyo deegaanadooda dagaalo iyo dhibaatooyin kaloo fara badan dowlada maltana aan u aqoonsan qaxootinimo sidaasi darteed aanay xaqu u laheyn ka qeyb galka munsaabadaan laakiin ay irdaha u furan yihiin cidii ka qeyb galeysa ama isu aragta in la siiyay xuquuqdii qaxootinimo.-

SU’AAL: inagoo ka faa’iideysaneyna aqoontaada qibradaada iyo shaqada aad u heyso dowlada maxay tahay sababta aanan loogu aqoonsan muhaajiriinta qaxootinimo?-

JAWAAB: tani waxay salka ku heysaa xeerarka shuruucda iyo siyaasadaha qaxootiga ee dalka iyo kuwa caalamiga ahba taasoo ah in aan qof walba loo aqoonsan karin qaxootinimo qaasatan dadka ka soo gala bada(boat peaople) maxaa yeelay kasokow dadka ka soo barakacay goobaha dagaaladu iyo gaajadu ay aafeeyeen sida meelaha qaar soomaaliya iyo daarfoor suudan waxaa kaloo jira in badan oo muhaajiriin ah oo lagu tilmamao in ay yihiin dhaqaale doon(economical immigrants) taasoo keenta in la bixiyo noocyo kala duwan oo magangalyo iyo qaabilaado ah sida in la siiyo qaabilaad Bini’aadanimo(HUMANITARIAN PROTECTION).weyna jiraan inbadan oo muhajiriinta ka mid ah qaasatan sanbadii 2008 oo la siiyay qaxootinimo(refugee protection).-

malt4

SU’AAL: bilowgii sanadkaan waxaa soo galay jaziirada mudana c/laahi calas jimcaale oo ahaa madaxii baarista ee hey’adii xuquuqda aadanaha doktar ismaaciil jimcaale waxa uuna ku xiran yahay xerada TAKANDIA muddo lix bilood ah maxaad kala socotaa ogaalkaaga?-

JAWAAB: mudane c/lahi calas waxa uu ahaa muwaadin soomaaliyeed waa shaqsi qaranayo waana qof qiime iyo qadarinba ugu fadhiya qof walba oo soomaliyeed waan ku farxay markii an maqlay anoo jooga xafiiska maalin khamiis shantii bishii labaad ee sanadkaan in uu soo galay jaziirada kana soo badbdaay bada waan la xiriiraa si’ joogta ah marwalba waxaan ku wada hadalnaa telfoon qoraalna waan isu dirnaa caafimaadkiisa aad ayuu u wanaagsan yahay waxaana mar walba kula taliya in uu soo booqda dhaqtarkiisa waxaana sida badan ka sheekeysanaa arimaha dalka soomaliya waxa uu jecel yahay in aan u soo gudbiyo wararka subax walba iyo warbaahinta waxa ay qortay gudaha iyo debeda.-

Waxa uu ii sheegaa in uu dhibsaday nolosha xabsiga mudada dheer waligiisna aanu ku fekerin in uu xabis galayo.waan ka xumaadaa xaalada uu ku jiro waxaan jeclahay in ana ku soo booqdo meesha uu ku jiro hadii madaxdeydu ii ogolotaa.mr bill frelick oo ka mid ahaa xubnihii human rights watch ayaan ka wada wada hadalnay xaalada nololeed ee mudane calas iyo xabsigiisa waxa uuna ii sheegay wax laga xumaado xabisinta shaqsi sidiisa oo kale qaasatan hadeey yihiin ayagu bahda xuquuqul insaanka laakiin marka loo eego qawaaniiinta iyo shuruucda dowlada (malta detention policy and regulations) ayaa dhigaya in muhaajir walba oo dalka ku soo galaa sharci daro uu ku soo qaataa xabsiga muddo dhowr bilood ilaa sanad iyo dhowr bilood inta baaris logu sameynayo keeskiisa magangalyo doonimo sidoo kalana laga shaqeynayo arimihiisa la xiriira qaxootinimad.waxaan bilownay in ay qaadno wareysiyada dadka doontiisa waxaana rajeynayaa malmaha ina soo haya in uu soo gebo geboobmo howshiisa haduu eebo yiraah.-

SU’AAL: soomaali farabadan oo ahaa dadkii soo galay sanadaaan 2009 ayaa la siiyay diidmo (reject) codsiyadoodi ku aadanaa in la qabilo oo loo aqoonsado qaxooti ama magangalyo la siiyo.waxaa sidoo kale inagu maqal ah in inbadan aad adigu ka qaaday wareysiyadooda (INTERVIEW) MAXAY TAHAY SABABTA?-

JWAABl: waan ka xumahay taa sababtana waxa weeyaan in dowlada ay tahay cida go’aanka gaarta anigana maahi qofka looga fadhiyaa go’aan ka gaarista (decision maker)-

SU’AAL: qof marka la siiyo diidmo (reject) muxuu kaga duwan yahay muhajiriinta kale?-

JAWAAB: qofku waxa ay ku xiran tahay aqoonsiga la siiyo hadii aan la aqoonsana ama la qaabilin oo diidmo(reject) la siiyo waxaan suura gal aheyn in uu xaq u yeesho in uu qaato travel document sidoo kale in uu codsado dalalka dib u dejinta sameeya sido mareykan iyo faransa sidoo kale warqadaha aqoonsigiisa oo ah sadex biloood halka kuwa kale ay yihiin sanad ayadoo kuwa qaxootinidamana ay yihiin sadex sano-

SU’AAL: Qofka marka diidmo la siiyo maxay tahay qaabka uu uga gudbi karo caqabadaasi go’aankasina ma ka qaadan karaa abiil?-

JAWAAB: fursada kaliya ee u furani wa in uu qaataa abiil isagoo kaashanaya looyarkiisa hadana taasi dad badani oo an la kulmay oo ahaa dadka la siiyay diidmada ayaa ii sheegay in aanay rabin in ay abiil ka qaataa ayagoo ka baqo in mar labadaad la siiyo diidmo taaso ku kenei karta caqab hor leh-

SUAAL: waxaad 20 bishii todobaad qeyb ka aheyd furitaanka mashruuc lagu tababaraayo 20 gabdhood oo soomaali ah maxay tahay ujeedadiisa yaase soo qabanbaabiyay?-

JAWAAB:’Mashruucani waxaa bixiyay sanduuqa dhaqaalaha qaxootiga ee midowga yurub (EUROPEAN REFUGEES FUND), waxaa maamuleyso heyada SOS MALTA waxaana ujeedadeenu tahay tababarida 20 gabdhood oo soomali ah kuwaasoo aynu bari doono luqada ingiriisiga ganacsiga iyo farshaxanka marka aynu soo gabagabeyno mudada tababarka oo ah sadex bilood waxaa la gudoonsiin doonaaa deeq dhaqaale lacageed si’ ay iskood ganacsi ay u madax banaan yihiin ugu bilaabaan waxaana laga garab siin doonaa dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin si’ ay ganacsi u sameeyaan qaasatan in dowlada ogolaansho looga soo qaado iyo in wax soo saarkooda loo iib geeyo suuqyada iyo shirkadaha ganacsiga waaweyn.

mashruucaani ayaynu la kaashaneynaa hey’ada OIWAS oo maamusha inta badan xeryaha furan(immigrants open centers) oo ay ku noolyihiin muhaajiriinta ayadoo mashrucaani uu qeyb ka yahay mashaariic farabadan oo wax loogu qabanayo dadka muhaajiriinta haba ugu badnaadaan kuwa madow ee dalka ku nool ama bada ka soo gala inagoo mid lam mid ah oo ay maamuleyso xafiiska gudiga ee qaxootiga dalka malta (refugee commissioner office) ka bilownay xeryaha lagu hayo dadka ka soo gala bada(detention centers) inagoo la kulanay dhamaan dadkii soomaaliyeed ee saarnaa sadexdii doomood ee soo galay bilahii todobaad iyo bishaan jaziirada kana haqabtirnay wax alaale iyo waxii ay u baahnaayeen ee warbixino, sharaxaado,qoraalo, xuquuq, iyo waxqabad intaba ilaa laga gaarayo xiliga loogu yere doono in lala kulmo lalana yeesho wareysi (intreview) si’ go’aan looga gaaro codsiyadooda iyo dalabkooda ku aadan in loo aqoonsado qaxooti ama la siiyo noocyo kale oo qaabilaado ah.waxaan mahadcelin gaar ah u diraya ms.HEDWIG VMBURAH oo ah madaxa mashruucaan SOS MALTA oo ah gabar ka soo jeedaa dalka ZIMBABWE oo inta badan isku howsha dadaal farabadana u gashay bilaabida mashruucaani iyo ka mira dhalintiisa ayadoo had iyo gooraate baraarujin iyo wacyo gelin u sameysa gabdhaha soomaaaliyeed ee fursada u helay ka qeybgalka mashruucaani in ay waqtigooda iyo fursadaan dahabiga ka faa’iideystaan waxaana u rajeynaa nasiib wacan,wax qabad,guul iyo mustaqbal wanaagsan gabdhaheena soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan qaasatan kuwa ku nool jaziirada malta –

W/D Shaafici Muxudiin Maxamed-

Email:shafici22@hotmail.com-

Tel:+356699176027-

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.