Home » News »

MSF oo ka walaacsan dib u dejinta qaxootiga xerada Ifo 3 oo ku taala Dhadhaab.

Hayádda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa aad uga walaacsan dib u dejinta qoxootiga Soomaalida ah ee la dejinayo xerada Ifo 3 ee ku taala Dhadhaab.

 Dib u dejintaas oo shalay bilaabatey oo ay horsed ka ahayd hayádda umuuraha qaxootiga ee Qarama Midoobey (UNHCR) ayaa lagu sameeyey qaab an habooneen iyo iyadoo aan lala tashanin hayádaha kale ee samafalka ka bixiya xeryaha Dhadhaab iyo bulshada qaxootiga ah ee halkaas ku nool. Maalin walba 200 oo qoys ayaa loo rarayaa xerada cusub ee Ifo 3 oo aan laga heli kara adeegya aad u yar, biyo aan dadka ku filneen iyadoo aysan jirin musqulo fiican. Waxaa la filaya in xeradaasi cusub ee Ifo 3 la dejiyo 60,000 oo qof oo qaxooti ah. Tiradaas ayaa ah mid aad u badan maadaama xerada loogu talagalay 40,000 oo qof kali.Hayádaha samafalka Jimcihii aynu soo dhafnay kali ayaa la ogeysiiyey dib u dejinta lagu sameynaaya qaxootigaasi. Inkastoo haatan howlo biya dhaamin ah loo sameynaya Kaampka cusub, musqulana  si deg deg ah loo dhiisaya, hadana xerada ayaa ka hooseeysa heerka caalamiga ah ee looga talagalay xeryaha qaxootiga. Hayádda MSF waxaa ay ka walaacsantahay in cuduro ay ka dilaacaan xeradani cusub haddi dad fara badan halkass la dejiyo iyadoo aan lahayn adeegyada asaasiga ee noolaleed.

 

Sidoo kale xeradani cusub ee Ifo I3 ma laha isbitaal taas oo ku qasbeysa MSF in bukaanka ay u dirto isbitaaladeeda kale ee ku yaala Dhagaxley iyo Ifo kuwaas oo dhamaantood buuxa.

 Dhanka kale meel aan ka fogeen xeradaas cusub ayaa waxaa ku taala xerada Ifo 2 oo ahayd in la furo November sanadkii la soo dhaafay. Ifo 2 waxaa ka qodan ceelal, waxaa ka dhisan musqulo waxeyna leehdaya koronto,guriyo, skuulo iyo isbitaal dhameystiran. Sidaa darted MSF waxaa ay ugu yeereysaa dowlada Kiinya iyo hay’adda UNHCR in dadka qaxootiga ah ee kasoo cararay abaaraha iyo rabshadah aay dejiyaan xeradaas Ifo 2 maadaam ay dowlada Kiinya ku dhawaaqday in xeradaasi la furaya12 oo la soo dhaafay.

 MSF waxaa ay heshiis ku gashay bishii July sanadkii nagatagey in xeryaha Ifo 2 iyo 3 ka bixiso adeegy caafimaad. Shaqaalaha iyo dhakhaatiirta MSF waxaa ay diyaar u ahaayeen in adeegyadaas ay bixiyaan tan iyo bishii November sanadkii tagey waxaana weli ay sugayaan in ay howl galaan.

 

Qoxootiga Soomaalida ah ee kasoo barakacay abaaraha iyo rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya waxaa ay ku soo qulqulayaan xeryaha Dhadhaab. Todobaadkii aynu soo dhaafnay kali waxaa soo gaaray xerada Dhadhaab 5,117 oo qoxooti cusub ah. Tan iyo bishii Janaayo sanadkan waxaa Dhadhaab soo gaaray 81, 463 oo qoxooti ah. Dhamaan qoxootigaan waxaa ay ku suganyihiin agagaarka kaamamka iyagoo aan helin cawimaad ku filan islamrkaana aan si deg deg ah ku helin diiwaan gelin qoxooti-nimo oo ay ku heli karaan cuno iyo hooy.

 

Wakhtigan la jooga MSF waxaa ay daweysaa 2,400 oo caruur ah oo ku jira barnaamijkeeda quudinta iyo daweynta nafaqa darada. Waxaa sidoo kale xarumaha caafimaad ee MSF ee Dhadhaab ku jira 138 bukaan oo dad waaweeyn ah oo quudin iyo nafqeyn ay u socoto. Waxaa kaloo jira 5047 caruur ah oo qabo nafaqa daro dhexdhexaad ah kuwaas oo bukaan socod ahaan loo daaweeyo.

 

MSF waxaa ay xerada Dhagaxley ka shaqeyneysay tan iyo bishii Maarso sanadkii 2009, iyagoo bixiya adeeg caafimaad oo asaasi ah, isbitaal bukaan jiifka ah oo leh 110 sariirood, qeybta bukaan socodka, adeegyada; talaalka, hooyooyinka uurka leh iyo qeybta waalida. MSF waxaa ay agagaarka xerada ku lehdahay xaruma kaloo caafimaad oo 6 ah.

 

 
————————————————————————
Yahya Dahiye
Somalia Information Officer
Medecins Sans Frontieres
East & Central Africa Regional Information Office
Email:msf-press-somalia@msf.org
Tel: +254 20 2721071/444 4474/444 0536
Mobile: 0733665424
__________________________________

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.