Home » Warar »

Ganacsade Axmed Xirsi “…Soomaalidu Waxaa Caado u ah, Wixii Lagu Heshiiyo Hadii ay Toban Cisho Fuliyaan Laba Beri Kuma Daraan…”

Ganacsade Axmed Xirsi Enbeeye “…Soomaalidu Waxaa Caado u ah, Wixii Lagu Heshiiyo Hadii ay Toban Cisho Fuliyaan Laba Beri Kuma Daraan…” Waraysi Muhiim ah

Ramadaan Kariim Akh-ristayaasha aynu Jecelnahayoow meel kasta oo aad joogtaan, waxaan halkan idiinku soo gudbindoonaa wareysi aanu la yeelaney Axmed Xirsi Enbeeye oo ka mid ah Ganacsatada Xoolaha nool ee Soomaaliya, islamarkaana ah xubin ka mid ah shirkadaha ka ganacsada xoolaha nool ee loo iib geeyo dalka dibadiisa oo aan kula kulmey Caasimada dalka Jabuuti, waxna ka weydiiyey xaalada Ganacsatada Xoolaha Soomaali, caqabadaha la soo gudboonaada mararka qaarka uu faah faahin naga siiyo

Axmed ; Ganacsiga xoolaha oo aad hada moodid laf dhabarka dhaqaalaha Soomaaliyeed horena u ahaa, Gobol kasta ama deegaan kasta oo laga keeno xoolo kala duwan oo Allaah Suxbaanahu Watacaalaa Ummada Soomaaliyeed hodan kaga dhigey ayaan waxaan ka mid ahay Raga ka Ganacsada oo wax ka dhoofisa Xoolaha nool mudo 7-sano ah, waxaana la soo marey heerarr kala duwan intii aan ku dhex jirey, caqabadaha ugu waaweyn ee aan la kulaney waxaa ka mid ah, ma jirto Dowlad dhexe oo Soomaaliyeed, xiliyadii hore LC baa furnaann jirey, mana jiri jirin hanti Carabi la tagto, Xoolo layska dhoofiyo oo aan kala reeb lahayn oo nin waliba iska dhoofiyo qiyaas baa lagu dhoofin jirey xoolaha, kuwa munaasabka u ah ayaa dhoofin jirey, si saylada iyo waxtarkooda loo ilaaliyo, mar hadii meesha ay ka baxdey dowladii dhexe, Ummadii Soomaaliyeed waxay noqotey jaantaa rogan.

Ma jiro Ururr ay ku mideysan yihiin oo Ganacsato Soomaaliyeed leedahay, nin waliba xoolo ayuu soo iibsadaa suuqa ayuu keenaa, ninba iyo waxa uu la kulmaa waa nasiibkiisa, waxayna noqdeen mid la dhaco hantidoodii, mid xoolaha aan laga gadan, inkastoo ay jiraan dadd iyaga iskala kufaa dhaca oo xoogaa geeya Khaliijka oo sucuudiga u weyn yahay, in wax laga laga iibsado uma furneyn mahajarada Soomaaliya ka furan xiligaan, marka laga reebo mahjarka Jabuuti oo aan laba sano usoo wareegey laga soo bilaabo bishii shanaad 2007 oo markaa laygu yiri xoolaha lagu gado waxay aadaan Sucuudiga, inkastoo markii hore xoolaha aan ka dhoofin jirey Boosaaso oo cumaan aan geyn jirey, mahjarka Boosaaso ku yaalana uma uusan fureyn dhulkaas aan geyn jirey xoolaha, sababtoo ah ma dhameystirneyn, markaana nimid halkaan waxaan bilowney inaan Sucuudiga Xoolaha geyno iyo Cumaan.
Sanadkii la soo dhaafey ee 2008-ka dhibaatooyin badan baa Sucuudiga naga soo gaarey, shirkado badan oo dadd Ajnabi iyo Soomaali leh oo xoolaha ka ganacsada ay ku jiraan, waxaana mahjarka Jabuuti lagu soo celiyey tiro Geel gaaraya 22500 oo Neef, waxaana lagu soo kala celiyey Maraakiib kala duwan, anagu shirkad ahaan waxaanu lahayn 750 Rati, shirkad kale oo Soomaali ay leedahay oo la yiraahdo Baa’uun waxay lahayd 1800 oo Rati, dhamaan xoolahaasi markii la soo celiyey qoloba si ayey ula gal gasheen, qaar wey ka baaba’een.

Mahjarkan laftigiisa Sucuudiga thiqa kuma laha wali, waxaad moodaa aqoonsiga ay u hayaan iyo qaabka ay dadka ula macaamiilaan waxaad moodaa iney kala duwan yihiin, maadaama aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo la xisaabtameysa iyo cid la maamulaysa oo sida ay rabaan ayey yeelaan, sababtoo ah iyadoo mahjarka xoolaha lagu kala reebey oo la baarey caafimaadkooda oo xero gaar ah lagu hayey ayaa waxaad arkeysaa, kadib marka Markab weyn la raro oo sida 2500 oo Geel ah iyo 20,000 oo Ari ah, in xoolahaas loo kansalo, hadii lagu arko hal Neef oo wax ka soo baxeen, taas waxaa sii dheer xoolaha meesha taga oo aan suuq weyn sii helin, sababtoo ah dhaqaalo xumidii caalamka ka dhacadey saameyn weyn ayey ku yeelatey, kuwa xoolaha ka shaqeysta ganacsi weyn oo kala duduwan ayey ku jiraan, Khaliijka Riyal Stayt ayey u badnaayeen oo dhaqaalahooda dhulka ayuu galay, sidaas darteed lacagtii cadaanka ahayd ee wareegeysey way yaraatey, ninka xitaa Xoolaha iibsadaa sida looga helaa waxay noqoneysaa wax aad iyo aad u adag, Soomaalidiiina maadaama dhaqaalahooda xoolaha ku xiran yahay nin kasta xoolo ayuu soo rartey, iyadoo aan la ogeyn Suuqa waxa uu yahay ayaa meel walba la geeyey, marka waxaa dhacey dhibaatooyinkan kala ha aan lahayn.

Shirkadaha qaar wey soo gudbiyeen khasaaraha soo gaarey, sida Shirkada Baa’uun waxay soo gudbisey $800,000, lix bilood guduhood sanadkii la soo dhaafey ayey xoolahaasi ku lumeen, anaga shirkadeena $180,000 baa naga lumey, waxaanu ahayn shirkada ugu yar ee hantida ka luntey, dadka qaar waxay soo qoreen $1000,000 iyo wax dheer, qaarna suuqa wey ka bexeen oo waliba deyn baa lagu yeeshey, arimaha noocaas waxay ka dhaceen Ganacsatada Soomaalida ee Jabuuti agagaaraheeda joogta, sanadkaas 2008-da wax kaga liitey ma jirin ganacsatada Xoolaha Soomaaliya xiliyo kasta oo ay soo maraanba.

S; Axmed waxaad sheegtey in ay ka jiraan shirkado fara badan oo ay leeyihiin Soomaalida, marka waa imisa shirkadood kuwa xiligan xoolaha ka dhoofiya dalka Jabuuti, shirkadiinuna magaceed?.

J;- Shirkadaha jooga dalka Jabuuti ee Xoolaha ka ganacsada waxay u badan yihiin kuwo Soomaaliyeed, waxaa keloo jira kuwo Ajnabi iyo Soomaali shirko ku ah, shirkadaha Soomaalida waxaa ka mid ah Baa’uun oo wey joojisey hawlihii ganacsiga Xoolaha, waxayna ahayd shirkad aad u balaaran, waxaa keloo jira shirkad la yiraahdo Saafi, inkastoo iyaduna ay joojisey ganacsigii Xoolaha, waxaa keloo jira shirkad kale oo la yiraahdo Modaren oo ay leeyihiin dhalin yaro Soomaaliyeed oo iyaduna si KMG ah u joojisey ganacsigii Xoolaha, Anagu shirkadeena waxaa la yiraahdaa Al-ancaam, inkastoo aan anagu caqabado la kulaney hashii xiligan kama aan harin, waxaana wali rajo ka qabnaa inaan ka soo kabano, marka shirkadaha ka jooga Jabuuti shirkadahaas weeye, waxayna xoolaha ka keenaan Soomaaliya, halkana wey ka gataan.

S;- Shirkadiina Al-ancaam noocyda kala duwan ee xoolaha miyaad ka ganacsataan mise hal miisin oo keliya?.

J;-Geela, Lo’da iyo Ariga waanu ka ganacsanaa, waxaa keloo jira xoolo aan ka keeno Itoobiya, sida Lo’ada oo kale oo lagu naaxiyo, waana Lo’ada gasha Hold garoon gasha, Lo’daasi ilaa 400Kgrm weeye, waxaana geynaa dalka Cumaan,Sucuudiga iyo Imaaraadka, inkastoo ay u badan tahay Cumaan, Geela Sucuudiga keliya ayaa la geeyaa, ganacsataduna waxaa ka soo gaara dhibaato aad u weyn, Ariguna waxaan geynaa inta badan dalallka Khaliijka.

S;- Qaabka Xoolaha la idiinkaga gato faah faahin naga sii, ma qaab Kgrm baa la idiin kaga gataa, mise muuqaalka Guud ee Neefka?.

J;-Walaahi qaabka Kgrm-ka marka xoolaha la naaxiyo uun baa laga hadli karaa ama dadku u diyaarsan yihiin, sababtoo ah dadku maba yaqaaniin Neefka uu wato inta Kgrm uu yahay iyo wazniga uu ku qiyaasan yahay, laakiin Soomaalidu waxay isticmaashaa wax la yiraahdo Fila ma intee buu jiraa Neefkan, si Neefkaas uu u noqdo Miizaanka loo baahan yahay, qofka xoolaha doonayo marka uu xoolaha dirsanayo wuxuu leeyahay Neefkaas waa inuu ahaadaa 4-jir ama 3-jir, Awrta oo kale waxaa la yiraahdaa 5-jir –ilaa 6-jir, Lo’da sidoo kale 4, 5, 6, 7-jira waa la dhoofiyaa, laakiin Lo’da Itoobiya laga keeno Miizaan baa loo eego iyo isku cel celis.

S;-waxaad sheegtey in xoolaha Soomaaliya la koontarooli jirey xiliyadii hore, hada qaab side ah baa loo koontaroolaa, maadaama kuwo la ogolaa iyo kuwo aan la ogoleynba ay hada yihiin sidaa doonto yeel?.

J;-Xoolo dhedig ah oo xiligan dhoofaa oo aan ogahay ma jiraan, waayo shacabka ayaan ogoleyn ka damiir iyo wadaniyad ahaanba, xiliyadii burburka dowlada ay cusbayd sagaashameeyadii wey jirtey, laakiin markii ay ogaadeen Culumaa’udiinka iyo waxgaradka soomaaliyeed ayaa iska xilsaarey sidii loo joojin lahaa, waana ilaahay mahadiis waa lagu guuleystey in la joojiyo, shirkadahuna waxaa ka saaran mas’uuliyad inaan waxyaabahaas oo kale la dhoofin, laakiin dhibtu waxay ka jirtaa waxyaabaha la iibin jirin waxaa ka mid ah waxa sumcada xoolaha Soomaaliya dilikara inaan la iibgeyn sida Neef Ari ah oo Soomaalidu u taqaano Jaqiiq ama Orgida yar yarka ah ee dhaylada ah ayaa waxaa la keenayaa isagoo aad u liita oo aan safar geli Karin, xiliyadii hore Neef 3-jir ka yar lama ogoleyn dhibaatada noocaas ayaa jirta oo aan loo aama yeeleyn, iyadoo dadku ay eegayaan halka ay dhaqaalaha ka helayaaan balse aysan eegeyn cawaaqib xumada ka dhalan karta, taasoo sayladaha kale ee caalamka oo aan kula tartameyney xoolaha marka ay arkaan waxa noocaas oo kale, ganacsatadii kale ee caalamka waxay leeyihiin xoolihiina waa kuwo aad u yar yar, sidaas darted tiradii lagaa dalbanayey ayaa hoos u dhacda.

S;-Inta badan xoolaha Soomaaliya waxyaabaha loo soo celiyo marka laga reebo arimaha aad xustey, ma jiraan sababo kale oo dib loogu soo celiyo Xoolaha Soomaaliya?.

J;-weyn jiraan, sababtoo ah waxaa jira Soomaaliya maleh wax la yiraahdo dhakhaatiirta Xoolaha xiligan, maadaama dowlad dhexe aysan jirin, waagii hore waxaa jiri jirey cirbad ka hortag ah ayaa lagu dhufanayaa, neefkii aan dhoofi Karin ee xanuunsan dhakhso ayaa loo ogaan jirey, neefka kale ee wanaagsana wuu dhoofi jirey, laakiin hada sida miiga looga soo gado, iyadoo laga yaabo inuu xanuunsan yahay Neefkaas oo aan geli Karin safar, islamarkaana aan wax naxariis ah loo sameyn xoolaha noloshooda, la keeno suuqyada caalamka, marka dhibaatooyinka noocaas baa jira.

S;- Adinka ka shirkad ahaan maadaama aad sheegtey dhakhaatiir Xoolaad inaysan jirin qaab side baad xoolaha u koontarooshaan?

J;- Waxaan sameynaa hada marka ugu horeysa, rag ka mid ah ragii hore ee dhakhaatiirta Soomaaliya ayaan shaqaaleysiiney, waxayna ku sameeyaan qaabkii loo daweyn jirey xoolaha Soomaaliya dabadeed sidaas baan inta dhoofikarta u iibgeynaa Suuqyada Caalamka, waxaana marka hore iska ilaalinaa wax wax u dhimaya Ganacsigeena, hadii aan ku aragno hal neef oo xanuunsan kuwa aan soo gadaney si dhakhso ah ayaan u karantiilnaa oo inta hagaagsan ugu reerbnaa, nidaamkaas baanu sameynaa.

S;-Mudadii dowlad la’aanta dalka waxaa kazoo ifbaxay waxyaabo kala duwan oo Ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed horumarkiisa hortaagan, sida Xoolaha aad iib geysaan waxaad saartaan Maraakiib, xeebaha Soomaaliya waxaa ka dilaacey wax lagu sheego Burcad Badeed marka saameyn intee la eg ayey idiinku yeelatay arintaas?.

J;- Burcad badeedu waxay saameyn ku yeelatey dhamaan ganacsigii Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Xoolaha waxay ku yeelatey mid aad u weyn, sababtoo ah waxaa la waayey Markab ogolaada inuu Soomaaliya yimaado, xitaa hadii uu kaa ogolaado,waxaa lagaa qaadayaa kiro aad u badan oo aan macquul ahayn, Markabkii aad la heshiisey oo hadana kaaga bixikara, waxaa keloo ka mid ah Markii isagoo taagan marsada ayaa laga yaabaa intuu baqo oo iska dhaqaaqo oo Xoolihii halkaas ku baaba’aan, taasina waxaa ugu wacan khatarta meesha ka jirta, waxaadna arkeysaa iyadoo Maraakiibtii iska taagan yihiin oo bilaa kiro ay yihiin hadana hadii aad u sheegto xamuul Soomaaliya runtii kuma dhiiranayaan inuu Soomaaliya usoo bareero oo riziq ka soo raadsadaan.

S;-Waxaa la sheegaa qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgeliyaan Burcad badeedan, marka arimahaasi adiga ogaantaa bal ka waran?.

J;-Walaahi arinkaas waan maqley, laakiin ganacsato waaweyn oo arinkaas maalgeliya in aysan ka suurta gelikarin, kuwo yar yar oo aan macno weyn lahayn wey dhicikartaa, sababtoo ah aqoon uma laha ganacsiga iyo dhibaatada soo gaareysa, balse shirkado waaweyn oo la ogyahay duruuf ku kalifeysa oo la ogyahay ma jirto, waxa dhibaatadu ay ku dhacayso oo u nugul iyagaa kow ka ah, marka ma aamiinsani in ay jirto Ganacsato maalgelisa Burcad badeeda.

S;- maxay tahay sababta aad ugu soo wareegtey mahjarka caasimada dalka Jabuuti?.

J;- Sababta aan ugu soo wareegney Mahjarkaan, Sucuudigu xiriir buu la leeyahay, Mahjarada Boosaasso iyo Berbera oo aan qiyaasayo iney furnaayeen mudo sided bilood, haba yaraatee wax xiriir ah oo ay la leeyihiin Sucuudiga ma jirto mana aqoonsana, marka laga reebo khaliijka kale, Sucuudiguna maadaama aysan dalka ka jirin dowlad lagu kolsoon yahay oo soo qiyaasikarta Mahjarada dalka Soomaaliya ama shahaada laga soo qaadanayo waxay ku dhaleeceybnayaan, wadan aan dowlad ka jirin in si sahal ah lagu soo qaadankaro shahaada cafimaadka Xoolaha, mana jirto Safaarad Sucuudiga ay leedahay oo soo ogolaaney dalka Soomaaliya.

S;- Hanti fara badan oo ay leeyihiin dadka soomaaliyeed ayaa gasha dalallka khaliijka, dadku waxay sheegaan in ganacsatada Soomaalida xoolaha xuquuqdooda aysan sidii la rabey uga helin, marka xoolahooda dayn ay ku baxshaan, marka arimahaas maxaa ka jira?.

J;- Laba arimood ayey ku timaadaa arintaas, marka hore dowlad Soomaaliyeed oo u dooda xaqooqda ma jirto, waxaana si basiid ah ku dhicikartaa in cid kasta kuu soo shaqo tagto oo xoolahaadii la boobo, xajkii la soo dhaafey xoolo ayaan dhoofiney dadd baan xoolo gaaraya 5000 oo Neef siiney, ilaa iyo xiligan lacagtii wey naga maqan tahay $130,000, maadaama aaney jirin cid kuu qaban karta, waxaa adag in aad tiraahdo nin muwaadin ah oo reer Sucuudi ah inaad tiraahdo lacag ayaan ku leeyahay, wax aqoonsi ah oo lagu siinayaana ma jirto, marka waa inaad nin magaciisa ku shaqeysataa adigoo qarinaaya, marka ninkaas aad magaciisa ku shaqeysaneysid sharciyan isagaa xoolahaas leh, waxaadna u fududahay in xoolahaaga la dhaco, islamarkaana aadan helin sharci aad ku dacwooto, sanad kasta boqolkii konton waxaa la dhacaa hantida iyo xoolaha Ummadda Soomaaliyeed ay leedahay oo aaney jirin raad raac dambe iyo cid oran karta Xoolahaan Ummadda Soomaaliyeed baa iska leh, mararka qaar hadii aad wax ka heshid si baryo oo aad si aad ah isu liideyso oo aad ugu dhimrineyso ayaa wax looga helaa, taasoo mararka qaar aysan shaqeynba.

S;-Ogaantaa imisa jeer ayaad la kulantey arimaha noocaas oo kale, walina ma isku daydeen Ururr aad ku mideysan tihiin oo ka hortaga dhibaatooyinkaan iyo kuwo kale ee idiinla soo gudboonaada?.

J;-runtii marka laysku soo cel celiyo lacagta inooga maqan khaliijka Shirkad ahaan waxay gaareysaa $500,000, marka arinta sidaas oo kale ay noqoto waxaan ku qornaa deyn xumaatey, waayo waxaan ku darney hanta 100 %80 aan dib u soo laabaneynn, waana wax wax badan soo noq noqda oo Soomaalida ku dhaca. Mararr badan wax baa lagu heshiiyey laakiin Soomaalidu waxaa caado u ah, wixii lagu heshiiyo hadii ay Toban cisho fuliyaan laba Beri kuma daraan, wax badan markii laysku dayey si wax uun hantida Ummadda Soomaaliyeed uga soo laabtaan ayaa markii dambe waxaa la gaarey in faraha laga qaado.

S;- Ganacsatada xoolaha ee dalallka Khaliijka dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada xoolaha wey la yaaban yihiin, xitaa hadii ay si kasta u dhaceen, waxayna leeyihiin Ganacsatada Xoolaha Soomaaliya, ma ahan kuwo xisaabtama, marka arinkaas maxaa ka jira?.

J;- Waa runtood sababtoo ah Soomaalidu khibradna ma leh, sharciyana iyaguna ma ahan kuwo isku xiran oo isku talo ah, waxaa dhacaysa xoolo ayaa la keeneysaa nin carab ah ayaa laga iibinayaa, ninkaas xoolaha qiimo ayuu ka siiyey, markii ninkii xoolaha uu la wareego isagoo aan suuqii ka kaxeyn ayaa waxaa suuqii la keenayaa xoolo ka qiimo jaban kuwiisa oo Soomaaliya laga keeney hadii aysanba ka qurux badneynba, marka ninkii wuxuu gaarayaa inuu khasaaro oo uu yiraahdo xoolo aan hayo ma jiraan, taas waa qayb ka mid ah dhibaatada Soomaalidu ay ku dhacdo.

S;- side looga gaashaaman karaa arinkaas baad is leedahay adiga?.

J;-waxaa looga gaashaaman karaa dadd shacab ah waxba kama qaban karaan, ilaa la helo dowlad dhexe oo Wasaaraddii Xanaanada Xoolaha oo ay hawl gasho oo la kaantaroolo waxa dhoofayo, waxa bixikara bilkasta oo la qiyaaso una dooda hantida maqan ee dadd shacab ah wax ma kaantarooli karaan mana u doodikaraan.

Ugu dambeyn maxaad usoo jeedineysaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Xoolaha?.

J;-waxaan usoo jeedinayaa in dantooda ay gartaan, ulama jeedo waa inaad shilinka raadisaan ee waxaan ula jeedaa, ganacsatada mas’uuliyad baa ka saran dadkooda iyo dalkooda, sababtoo ah hantida ay hayaan waxaa iska leh Ummadda Soomaaliyeed ee waa iney marka hore taas ilaaliyaan, marka labaad waaxaa weeye in dalal la sameeyo oo laysu yimaado si loo qiyaaso sida wanaaga ah oo looga digtoonaado waxa xumaankara, lana raadiyo sidii loo taageeri lahaa dowlad Soomaaliyeed oo mas’uuliyada shacabka iyo tan hantida Ummadda qaada, waayo ganacsatadu wax dhibaato ah kama dhex jiraan oo qoqob kuma kala jirto weyna xiriirtaa, dhibaatada Soomaaliya ka jirta wax badan bey ka qaban karaan hadii ay usoo jeestaan ee waa in dowlad Soomaaliyeed la baadi goobo, markii la helo si wanaagsan loo taageero ayaan usoo jeedinayaa.

Waxaa qaadey wareysiga
Wariye Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.