Home » Warar »

Baarlamaanka soomaaliya oo ansixiyey xukuumadii Dr C/weli Maxamed Cali Gaas.

kulan ayaa maanta waxaa isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya islamarkaana uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa waxaa cod Aqlabiyad leh lagu ansixiyay Xukuumadda uu soo dhisay R/wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadirtay 420 Xildhibaan iyadoo Madasha shirka ay goob joog ka ahaayeen R/Wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada. Ee dhawaan la magacaabey

Markii uu furmay kulanka Baarlamanka kadib ayaa waxaa goobta khudbad dheer ka jeediyay R/Wasaaraah Soomaaliya Dr CabsiweliMaxamed Cali Gaas  oo ka hadlay Barnaamijka ay Xukuumaddiisa ku howlgaleyso muddada Sanadka ah,  waxa uuna tilmaamay in waxyaabaaha ugu Muhiimsan ee diiradda ay saareyso Xukuumadiisu ay ka mid yihiin Horumarinta Ammaanka, dhammeystirka Dastuurka, dib u hesdhiisiinta, xoojinta Maamullada ka jira Dalka, Maamul Wanaagga,  la dagaalanka ,Musuqmaasuqa,Argagixisada iyo Burcad Badeedda.

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa ka dalbaday xubnaha Baarlamanka inay codkooda siiyaan xubnaha Wasiirada uu soo magacaabay iyo Barnaamijka ay ku shaqeynayaan.

Intaasi kadib ayaa waxaa cod loo qaaday tirada Xidhibaannada ee ogol Xukuumadda iyo inta diiddan waxaana ogolaaday 397 xildhibaan halka 21 kale diideen islamarkaana ka aamuseen Labo Mudane sida uu natiijadii ugu dambeysay ee cod bixinta ku sharaxay Guddoomiyaaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden.

Raiisul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan soo dhmeystirey Xukuumadiisa oo ka kooban 18 Wasiir hase yeeshee Magacaaabistaas ayaa waxaa uu kala kulmey Caqabado farabadan Aakhirkiina waxay keenete in la tuuro Xubnihii ka mid ahaa Dowladii Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo kuwii ka horeeyey waxana Shaashada Siyaasada ka muuqda wajiyo badan oo dhamaantood ah Qurbo joog iyo Xubnaha Baarlamaanka  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Baarlamaanka soomaaliya oo ansixiyey xukuumadii Dr C/weli Maxamed Cali Gaas. "

  1. Hussein says:

    waxaan u malaynayaa xukuumadda cusub mar haddii ay ku salaysan tahay heshiiskii Kampala inay waxay soo kordhinaysaa iska yar tahay. Maxaa wacay, waxaad ka arkaysaa sida sharif sakin isla markiiba ugu dhawaaqay inay heshay aqlabiyad iyada oo aan barnaamijkeeda xubnuhu soo akhrin isla markaana laga doodin, markaa waxay ku tusinaysaa inay tahay arintu QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN.