Home » Warar »

Warbixin dheeriya oo kusaabsan karaxii iyo weerarkii kadhacay wadanka Norwey

Dadka Ku nool Dalka Norway gaar ahaan Magaalada Oslo ayaa Aragagax iyo Jahwreer ka qaadey  Qarayo Rasaas ka dhacay meel Ku dhow Xafiiska Raiisul Wasaaraha Dalkaas waxaana dhacdadaan  ayaa lagu tilmaamaa midii ugu xumeyd ee ka dhacda wadankaas inta la xasuusan yahay

Weerarkaan ayaa waxaa lagu waramey waxyeeladii ka dhalatey ay sii kordheysaa waxaana dhimashada hadda caga cageyneysaa 80 Ruux dhawaawacuna wuxuu gaarayaa ilaa Boqolaal waxaana socda Gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeelada ka oo gaartey Qaraxaasi iyo Rasaastaasi iyadoo Ciidanka Booliiska uu ku Mashquulsan yihiin sidii ay u soo qaban lahaayeen cidii ka dambeysey Qaraxaasi , Ciidamada Booliiska ayaa sheegaya in ay dhaci karto in dhimashada ay sii siyaado, wxa  kaloo ay  sheegeen  in markii hore uu  qarax uu ka dhacay meel si aad ah ugu dhow Xaiiska Raiisul Wasaaraha oo ku yaal Bartamaha Caasimada Oslo ka dibna waxaa dhacay in meel ay ka socotey Xaflada oo ah Jasiirad yar oo lagu Magacaabo Utoya  uu nin isku soo ekeysiiyey Ciidamada Booliiska uu rasaas ku furey dadkii daawanayey xaflaadaas oo uu soo qaban qaabiyey Xiusbiga Shaqaalaha dalkaasi, waxaana uu sheegey in goobtaas ay ahayd goobtii ug mashaqada badneyd islamarkaana ay ka dhacdey dhimashada faraha badan

 Halakan kadaawo sawiradii oo dhan

Sarkaal u Hadley Ciidanka Booliiska ayaa sheegey in aysan hubin in qaraxaasi iyo rasaastaasi ay fal Argagixiso ku lug leedahay  isagoo sheegey in ay qaraxaasi u qabteen nin Da’diisa lagu qayaasey 32 Sanno oo lagu magacaabo Anders Brevij wuxuuna haatan ku xiran yahay Saldhiga Booliiska Magaalada Aslo sidoo kale dad kale ayaa loo qabtey Qaraxaasi  iyadoo Booliiska ay dadaal ugu jiraan sidii loo soo qaban lahaa Dadkii ka dambeeyey Qaraxaasi

 

Dhacdaan  ka dhacdey wadanka Norway  ayaa waxaaa ka Hadley Raiisul Wasaaraha Dalkaas oo ku tilmaamey Weerakaasi mid Fuleynimo , isagoo sheegey in Norwey aysan ku niyad jabi doonin Dhacdaas isala markaana Norway ay ahaan doonto Dal Dimoqraadi oo dadkiisa ku nool Nabada, wuxuuna sheegey in arintaan ay dowlada  baaritaan ku sameyn doonto wuxuuna u soo jeediyey Dadweynaha Norwey in ay is dejiyaan  oo ay kala shaqeeyaan Xasiloonida wadanka

 

 

Dalka Norway oo lagu tiriyo Wadamada ugu nabdoon Adduunka ayaa arrintaani waxay ku reebtey Amakaag iyo layaab  Dadweynaha ku nool wadankaas , ilaa iyo hadda lama garanayo Cidda ka dambeysey Qaraxyadaasi iyo Rasaastaasi iyadoo wadamada la isku yiraa Scandinavian ay markii hore ahaayeen wadamo Qunya Socod ah hase yeeshee Wadamadaas waxaa waayadaan dambe ay noqdeen kuwa  ka qaybgala dagaalada ka socda qaybo ka mid dunida  ka dib markii maamulada ka jira ay aqbaleen in ay u hogaansamaan Ujeedooyinka ay leeyihiin wadamada xooga is bidayo balse qaar ka mid ah Xisbiyada ka jira wadamadaas ayaa aad u dhaliiley  siyaasadaha ay wataan Wadamada waaweyn dhowr jeerna waxay ka digeen ka qayb qaadashada Dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka jira qaar ka mid wadamada Aduunka

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.