Home » Warar »

Raiisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhamaystiray xukuumadiisa

Waxaa saakey  Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka uu Magacaabey Wasiiru- Dowlayaasha iyo Wasiir ku Xigeennada Xukuumadiisa  waxaana uu magacaabey Sagaal Wasiir Dowlo iyo 18 Wasiir Ku xigeen waxayna  intooda badan yihiin Xildhibaano Waxaana Wasaaradaha qaar loo magacaabey laa Wasiir ku xigeen.   

 

Dhinaca kale Xarakadda Alshabaab ayaa shaley gacanta ku dhigtey Wasiirkii Arimaha Haweenka iyo Qoyska oo ku sugneyd Degmada Balcad laguna magacaabo Caasho Cismaan Caqiil waxaana markii la qabanayey ku soo jeedey magaalada Muqdisho hase yeshee WaraR Goor dhow na soo gaarey waxay sheegayaan in Caasho la siidaayey ayna ku sugan tahay Gurigeeda oo ku yaal Degmada Balcad waxayna wararka ay sheegayaan in Caasho ay sheegtey in aan lagala tashan Magacaabista Wasiirka .

 

Liiska Magacyadda  Wasiiru Dowlayaasha:

1-Mudane Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda

 Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

2-Mudane Maxamed Axmed Kaynaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga

iyo Warshedaha.

3-Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka

Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha.

4-Mudane C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud

 iyo Dib u dhiska.

5-Mudane C/casiis Macalin Nuur Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Madaxweynaha.

6-Mudane Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda

Arrimaha Dibadda.

7-Mudane Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda

 Gaashaandhigga.

8-Mudane Maxamed Maxamuud Aadan Indha geelle Wasiiru-Dowlaha

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

9-Mudane Sheekh Aadan Maxamed Deer Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda

Maalliyadda iyo Lacagta .

 

Wasiir Ku-xigeenada Xukuumada Dr Cabdiweli

1-Mudane Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda

Shaqada,Dhalinyarada iyo Isboortiga.

2-Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan

Wasiir ku-xigeenada Kalluumeysiga,kheyraadka Badda iyo Bay,ada.

3-Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiir ku-xigeenka

 Wasaaradda Gaadiidka Cirka,dhulka iyo Dekedaha.

4-Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji

Nuur Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta.

5-Mudane Xareed Xasan Cali Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha

Guud,guryeynta iyo Dib u dhiska.

6-Mudane C/laahi Dool Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda

 Macdanta,Biyaha iyo Batroolka.

7-Mudane C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim

(Baqdaadi) Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare.

8-Mudane Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo

Iskaashiga Caalamiga

9-Mudane Axmed C/laahi Xuseen Fanax iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim

 Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Garsoorka arimaha Diinta iyo Awqaafta.

10-Mudane C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha

Dibadda.

11-Mudane Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda

Gaashaandhigga.

12-Mudane Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda

Ganacsiga iyo Warshadaha.

13-Mudane C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha

 Gudaha iyo Amniga Qaranka.

14-Mudane Cali Dirir Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo

Lacagta.

15-Marwo Luul Cabdi Aadan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo

Arimaha Qoyska.

16-Mudane C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble Wasiir

ku-xigeenada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

17-Mudane Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir Wasiir ku-

xigeenada Wasaaradda Caafimaadka.

18-Mudane C/laahi Bille Nuur Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda

Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.