Home » Warar »

Shirka yaan garoowe lagu qaban ee muqdisha halagu qabto

Qaramada Midoobey xafiiskeeda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa uu waddaa in uu hirgeliyo shir ay ugu magaca dareen- Shirka  wadatashiga Soomaaliya, hase yeeshee Qaramada Midoobey ma aysan sheegin xiliga la qabanayo shirkaasi iyo goobta lagu qabanayo, balse warar ayaa waxay sheegayaan in Qaramada Midoobey ay qorsheyneyso in shirkaasi lagu qabto Magaalada Garoowe oo caasimad u ah maamulka la magacbaxay Puntland.

Kullankii ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen  Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada ayaa lagu go’aamiyey in shir wadatashi ah lagu qabto Magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa muuqata in shirkaasi la doonayo in loo weeciyo Magaalada Garoowe, waxaana dadaalkaan ku aadan sidii shirkaasi loogu qaban lahaa Garoowe wada Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo sheegay in Garoowe ay martigelin karto kullankaasi, isla markaana wuxuu sheegay in ay diyaariyeen goobihii shirkaasi lagu qaban lahaa iyo sugida amniga inta uu shirku socdo.

Halakan kadhegeyso Codkii Xaad

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/xaad.mp3]

Gudoomiyaha Odoyaasha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ka digay in shirka wadatashiga lagu qabto Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, isagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto qalalaase iyo isqabqabsi ka dhex dhaca beelaha Soomaaliyeed, wuxuu kale Gudoomiyaha sheegay in horey loo go’aamiyey in shirkaasi lagu qabto Magaalada Muqdisho oo uu sheegay Gudoomiyaha  in Muqdisho shirkaasi lagu qaban karo isla markaana haatan ammaankeedu uu aad u wanaagsan yahay.

Maxamed Xasan Xaad Wuxuu sheegey in  Haddi Garoowe lagu qabto Shirkaan uu ku dhamaan doono Fashil ,islamarkaana wuxuu sheegey in Shirkaas aysan ka soo bxin doonin wax natiijo ah wxuuna uga digey in  haddii Qaramada Midoobey ay dhagaha ka fureysato baaqeena iyana ay qaaadan doonaan Go’aan ay ka qoomameyso Qaramada Midoobey 

Dhinaca kale Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay in shirkaasi haddii lagu qabto Magaalada Garoowe ay imaan karto in gebi ahaanba qabashadiisu ay burburto, waxay kaloo sheegeen in shirkaasi horey kullan ka dhacay Nairobi oo ay goob joog ka ahayd Qaramada Midoobey lagu go’aamiyey in lagu qabto Muqdisho, waxayna sheegeen in aysan garan Karin sababaha looga weecinayo in shirkaasi Muqdisho lagu qabto oo ay sheegeen in ay ku yaalaan goobo fara badan oo lagu qaban karo shirka isla markaana amaankoodu aad u sugan yahay.

Hadalada ka soo baxaya qaar ka mid ah dhinacyada loogu talagalay in ay ka qaybgalaan shirka wadatashiga ayaa u muuqda kuwo keeni kara caqabad sababta in uu qabsoomi waayo shirkaani xiligii loogu talagalay. Waxaana Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo kulamo la leh Dowladda Federaalka iyo wufuud ka socota Qaramada Midoobey, waxaaana looga arrinsanayaa waxa laga yeelayo kullanka wadatashiga ah iyo halka iyo goobta lagu qabanayo kullankaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiikhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.