Home » Warar »

Farmaajo “Taageerayaasheyda waxaan u sheegayaa inaan u soo laaban doono anigoo Madaxweyne ah”.

 

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Ra’isul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka ayaa intii uusan ka ambabixin Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay taageerayaashiisa ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna uga waramay waxa sababay in uu iska casilo xilka, isagoo sheegay in cadaadis lagu saaro in ka dego xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu u mahadceliyey intii ka qaybqaadatay banaanbaxyadii ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, isagoo sheegay in banaanbaxyadaasi ahaayeen kuwo shacabka dareenkooda ku muujinayeen, hase yeeshee waxaa aad uga xumahay in dareenka shacabka aan la dhageysan, waayo adduunyada waxaa la dhageystaa waxa shacabku ay doonayaan taasina ma aysan dhicin. Farmaajo ayaa taageerayaashiisa aad uga xumaadeen markii ay maqleen inuu dalka ka baxayo wuxuuna ku qanciyey in isaga oo Madaxweyne ah dalka dib ugu soo laaban doono markaas oo taageerayaashii kullanka ka soo qaybgalay aad ula dhaceen una sacab tumeen.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay taageerayaashiisa in ay la shaqeeyaan Ra’isul Wasaaraha cusub Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo uu sheegay in uu yahay nin Karti leh isla markaana ah nin daacad ah isla markaana uu ka rajeynayo in uu la shaqeyn doono shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaarihii hore Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa taageerayaashiisa waxay daba socdeen ilaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana la arkayey qaar ka mid ah taageerayaasha oo calool xumo ka muuqato markii ay kacday Diyaaraddii qaaday Farmaajo, sidoo kale qaar kale ayaa la arkayey iyaga oo gacanta taagaya ilaa ay ka libidho diyaaraddu. Farmaajo ayaa la filayaa in uu ka qaybgalo Munaasabad lagu xusayo Maalintii Xoriyadda Gobalada Koonfureed iyo israaciii labada gobol Waqooyi iyo Koonfur oo ku beegan 1-da Luulyo, waxaana munaasabaddaan lagu qaban doonaa Magaalada London waxaana qabanqaabinaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Farmaajo “Taageerayaasheyda waxaan u sheegayaa inaan u soo laaban doono anigoo Madaxweyne ah”. "

  1. Asc wr wbr. Dhammaan shaqaalaha website ka somalitalk wabacda. Waxaan kuu rajeeynaa mudane ra’isul wazaare maxamad c/llaahi farmaajo, in aad hadalka aad sheektay allaah kuu rumeeyo, dowladaasna kadhigo mid umada somaliyed isku keento dal iyo dibad najaxdana. AAMIIN AAMIIN AAMIIN WABILLAAHI TOWFIIQ.

  2. Wiil Sade says:

    Cidna dalka kama saarin, isagaa iska baxay. Wuxuu meesha uga cararay fuleynino, marna ma uusan xusuusanin dadkii mudaaharaaydada daraadiis ugu dhinteed. Madaxweyne aad tiridee, kabteyda kuma siisteen. Soomaali waxay tiri: “Hore ka roone, gadaal ka roone baa dhaamo”.

    WSCWRWB

  3. DAHIR says:

    waxaan aad ugu xumahay dadka soomaalida iyo dalka soomaalida jecel in uu wax u qabsado ayuu ahaa runtii waxaan kuu shegayaa waxaan oo dhan waxaa ka danbeeyey shariif sakiin oo qorshahan maleegay runtii waan fahsahay hadaan soomaalida wax garada hadeynu nahay waxaan rajeynayaa shariif sakiin in uu saaxada ka baxo runtii waxaa wadata ninkani meles iyo musafeeni labadoodaba iyo ergayga gaar ee UN TA ee tansaaniyanka ah saxdadooda ayaa go’aanka soomaaliya is kaleh ee cid kale malaha sidaas u ogaada umada soomaaliyeed wax garad ah. mahadsanidiin

  4. Adban uga xumahay in uu dalka ka tago ra iisal wasaare maxamed cabdilaahi farmaajo .waxaana ku tilmaama karaa inu ahaa nin karti aqoon ,maamul wanaag daacadnimo dulqaad , intaasba iyo inkalab wuu lahaa waana nin uqalmay madaxweynaha wadanka hadan wadanka taladiisu gacan kale ayay ku jirtaa oo looma ogola somaliya ninka wax qabanayaa inuu sii joogo
    Intaad nooshahay caafimaad ayaan kuu rajaynayaa ra isal wasaare maxamed cabdilaahi farmaajo
    ADBAAN UGA XUMAHAY
    ADBAAN UGA XUMAHAY
    ADBAAN UGA XUMAHAY