Home » Warar »

Warbixin: Sannad Guuradii 51 ee Xorriyada Soomaaliya oo laga xusay Villa Soomaaliya

Sanad Guuradii 51-Aad Ee Xoriyada Gobolada Waqooyi Ee Somalia Oo Habeenkii Xalay Laga Xusay Magaalada Muqdisho Gaar Ahaan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu xusayey sanadguuradii 51-aan ee kasoo wareegtay xoriyadii gobolada waqooyi oo ku began 26-juun ayaa habeenkii xalay ahaa si weyn looga xusay magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada ee villa somalia.

Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen madaxweynaha dowlada KMG ah ee somalia shariif sheikh axmed ,gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee somalia shariif xasan sheikh aadan ,raysalwasaaraha magacaaban c/weli maxamed cali gaas ,wasiiro ka tirsan xukuumadii hore ee farmaajo ,qaar ka tirsan mudnayaasha baarlamaanka ,ciidamada qalabka sida , marti sharaf iyo weliba dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada muqdisho qaarkood.

Waxaa goobtaasi hadal isugu jira hambalyayn iyo dhiiri gelin ka jeediyey madaxweynaha dowlada KMG ah oo sheegay inuu u hambalayaynayo umada soomaaliyeed munaasabadan 51-guuradii kasoo wareegtay xoriyada soomaaliya gaar ahaan soomaalida degta gobolada waqooyi.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/sharifahmed_jun2611.mp3]

Sidoo kale madaxweynaha dowlada KMG ah shariif sheikh axmed ayaa isagoo hadalkiisii sii wata sheegay inay dowladaha harumaray ay dadaal ugu jiraan sidii ay u midoobi lahaayeen islamarkaan ay somaliduna doonayso inay gobol gobol usii kala go,do isagoo arintaasina ku sheegay inay tahay mid ayaan daro ah loona baahan yahay in midnimadii iyo sharafkii soomaaliya lahayd si wada jir ah looga shaqeeyo.

Waxana Sheikh Shariif uu shahaado sharaf gudoonsiiyey raysalwasaarihii hore ee xilka iska casiley maxamed claahi farmaajo.

Gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah shariif xasan sheikh aadan oo munaasabada isna hadal kooban ka jeediyey ayaa dhiniciisa tilmaamay inay tahay habeen taariikhi ah islamarkaan ay xusus mudan yahay isagoo carabaabay in loo baahan yahay in midnimada soomaaliyeed loo wada guntado.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shariifxasan_jun2611.mp3]

Dhinaca kale waxaa markiisa hadalka qaatay raysalwasaaraha magacaaban Dr.c/weli maxamed cali gaas oo halkaasi ka jeediyey khudbad taabatay dhamaan shucuubtii iyo masuuliyiintii halkasi ku sugnayd isagoo tilmaamay in xoriyada soomaaliya ay ku timid Dhiig loo huray iyo isku duubni ay muujiyeen soomaalidii xoriya doonka ahayd islamarkaana ayaan daro ku tilmaamay burburintii dowladii dhexe ee soomaaliya ee sanadkii 1991-dii isagoo xusay in hadii awoowayaashii xorayiada keenay hadii ay maanta ogaan lahaayeen sida aan ku suganahay ay ciil iyo caro daraadeed xabaalaha kazoo bixi lahaayeen waa siduu hadalka u dhigaye ‘’ .

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gaas_jun2611.mp3]

Raysalwasaaraha magacaaban c/weli maxamed cali gaas oo hadalkiisii sii wata ayaa intaasi ku daray in magacaabista raysalwasaaranimo ee loo magacaabay ay kusoo beegantay asbuuc khayr qaba oo ula jeeday maalamaha xoriyada la qaatay isagoo u mahadceliyey madaxweynaha dowlada KMG ah ee somalia islamarkaana ugu baaqay beesha caalamka ,wadamada dersika ah ,deeqbixiyaasha ,qurba joogta ,ganacsatada ,aqoonyanka ,siyaasiyiinta ,culumo udiinka iyo haweenka soomaaliyeed inay garab istaagaan qaranimada iyo nabad kusoo dabaalida dalka soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadan lagu xusayey sanadguuradii 51-naad ee kasoo wareegtay xoriyada dalka somalia gaar ahaan 26-ka juun ee xoriyadii gobolada waqooyi ay ka qaateen dowlada ingiriiska ayaa kusoo idlaatay si nabadgelyo ah iyadoo 12-kii saqda dhexe ee habeenimona la saaray calanka buluuga ah ee dhexda ku leh xidigta cad ee shanta gees leh ee soomaaliya .

yaasiin faytin
yaasiinfaytin AT gmail DOT com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warbixin: Sannad Guuradii 51 ee Xorriyada Soomaaliya oo laga xusay Villa Soomaaliya "

  1. fardowsa says:

    soomaliya ineey hor umar gaarto qoom diidan ayaa ku dhex jira, hadii aysan jirin taasi waxaan aamin sanaan lahaa. inuu shacabkeenu wax qabsan lahaa maalin gudeheed. waxaana kutusaysa taas sida shacabku utaagerayeen farmaajo dal iyo dibad ba wax dhagastayna aysan jirin, aduunyaduna waxaay tixgalisaa sida ayrabaan shacabku, inkaar alhaku rido wixi hor umarkeena diidan oo ku dhiidhiyi waayey dadkaan masaakiinta ah oo 30ka sano xabadu kusocoto meelkastana kurafaadsan,

  2. Bilqeyr says:

    walaahi waa iska ooy meel lagaaga awood badan yahay garsoorena aan ka jirin cajiib’

    farmaajo waan ka xumahay ninka dhinacaada taagan ee aad eegeyso ee mucaaradka kugu noqday adigoo dunida inta joogtaa kuu wada istaagtay sida aad uga carootay casilaada laguugu soo rogay soomaalida inta nabad jecel iyo horumarka baa kula carootay ee ha umoodin kaligaa.
    waxan kugu sagootinyaa safar qeyr qaba laakiin wadanka waa wadankaadii ee ha ilaabin ogsoonaw nin kaa xigaa inuusan jirin adiga uun baan ku sugeynaa ee soonoqo adoo nabad ah.

    Aniga farmaajo aqoon gaar ah aan uleeyahay ma jirto laakiin markii xilka loo dhiibay ayaa rajo weyn igashay oo ah in aan wadankeyga aan ku laabto maadama ay soo baxeen dad uhalgamayo oo cadawga la diriraayo waxan islahaa haddii wax barashadaada kuu dhamaato wadankaada shaqo udoono madama ay dowladu xoog soo yeelatay hadase niyad jab weyn baa igu dhacay mana garanayo waxa uu ku danbeyn doono laakiin dad weynoow su’aal baan idin weydiin.

    nin uqalmaa in bilad la gudoon siiyo howshiina meel dhexe umareyso sidee bey ku dhacday in la casilo?

    waxanbo filanayey in adiga noo tali la dhihi doono maadama waxbadan la raadinaye qof wadanka nabadiisa soo celsho waa cajiib’

    shariifyadow maxaa idin danbeyn doona?