Home » Maqaallo »

Xukuumadda Farmaajo yow dirsaday hawsha? | CabdiXiis

 

Kn:Tiiha iyo is daba meerka Soomaalida haysta wuxuu u baahanyahay fahan ku salaysan caqli dagan oo ka fayow dhamaanba cudurada qalbiga iyo maskaxda ku dhaca ee degdegga iyo ka fiirsasho la`aanta ka bilowda, waaliduna ugu darajo sarayso.
Akhriste, ha degdegin oo ha is odhan maxaa iska galay ciwaanka iyo mawduuca aan qoraalka ku bilaabay, barkee waxaan uga danleeyahay inaad si degenaani ku jirto iila qaadaa dhigto waxa aan ka hadlayo.

Waxaa dal iyo dibadba is qabtay qaylo dhaan iyo dibad baxyo lagu waayay naf iyo maal, kuwaasi oo shacabku ku muujinayaan sida ay u rabaan in xukuumadda Farmaajo uu garwadeenka ka yahay talada u hayso. Hadaba aan kala qaadno laba mawduuc oo isa saaran, kan hore, maxaa Xukuumadda Farmaajo ay shacabku raali uga noqdeen oo kuwii ka horeeyay ay kaga badalantahay? Iyo tan kale oo ah maxaa Xukuumadda Farmaajo loo docwareemayaa?

XUKUUMADDA FARMAAJO:

Dawladda Ku meel gaarka waxaa dhidibada loogu taagay dalka Kenya bilihii ugu danbeeyay ee sanadkii 2004, waxaa soo maray 2 madaxwayne, sadex gudoomiye Baarlamaan oo Shariif Sh. Aadan uu 2 jeer ahaa iyo 4 Ra`iisul wasaare, da` ahaanna way 7 jirsatay.

Farmaajo iyo xukuumaddiisu waxay tareenka ku soo boodday mudo laga joogo 6 bilood, ayadoo ay ka horeeyeen, tii Geedi, tii Nuur Cadde iyo tii Sharmaarke. Waxaan shaki ku jirin in 3 dii xukuumadood ee ka horeeyay tan Farmaajo ay shacabku hiifayeen ugu yaraanna ay ku farxeen tagitaankooda, halka Farmaajana ay naftooda u waayeen qaar kamid ah shacabka Muqdisho.

Marka aan ku koobnaano waxa xukuumad laga fisho, ta Farmaajo waxay la timid maamul iyo maarayn ku salaysan I tus oo I taabsii. Lixdii biloodna waxay qabatay;

1. Mudo 7 sano ah waxay markii ugu horaysay joogtaysay inay mushaar siiso ciidamada iyo shaqaalaha DKMG ah.

2. Waxay dayactir ku sameeyeen wadooyin iyo dhismoyaal muhiim ah.

3. Waxay dib u hawl-galiyeen Iskuulaad iyo Isbitaalo aan horay u shaqayn.

4. Waxay joojisay heshiisyo hanti iyo dhul boob ahaa oo xukuumadihii hore galeen.

5. Waxay si wacan u maamuleen dhaqaalaha ka soo baxa dekedda iyo garoonka diyaaradaha.

6. Waxay joojiyeen dhaqaalihii deeqda ee dibadaha lagu boobi jiray.

7. Waxay soo dhiciyeen oo la soo wareegeen lacag badan oo diyaarahada isticmaalaha hawada Soomaaliya ay ka qaadi jirtay hay`ad uu saldhiggeedu yahay Nairobi.

8. Waxay kala tureen heshiiskii lagu dhacay Badda.

9. Waxay noqotay xukuumaddii dhaqaalaha ugu yar ka heshay waxa loogu yeero beesha caalamka, beekhaansatayna dhaqaalaha ka soo galay dalka gudihiisa.

10. Waxay noqotay xukuumaddii ugu waxtarka badnayd, oo gaartay heer ay mushaarkooda ugu deeqaan dadka tabaalaysan.

11. Waxay noqotay xukuumaddii ugu horaysay ee xusuusata Naafadii xoogga dalka.

12. Waxay hawl-galisay ciidamadii DKMG oo xukuumadihii hore qoryaha daadin jiray marka ay isku dhacaan xoogagga Islaamiyiinta, hadana dardar iyo carcar waalan la soo baxay, kadib markii ay heleen mooraal dhis iyo dhiiri galin.

13. Waxay dhufaysyada ka saareen ciidamada Afrikaanka oo ay u sheegeen inay dagaalada ka qayb qaataan maadaama ay dalka u joogaan inay xukuumadda iyo guud ahaanba DKMG ka ay ka difaacaan Islaamiyiinta.

14. Sida la sheegayo haday runtahay, waxay dileen Fasul Cabdalla oo ahaa nin sida ay sheegan jireen Reer Galbeedku aad u doonayeen, madaxiisana lacag badani dul saarnayd.

15. Waxay is faham iyo kalsooni dhex dhigeen ciidamada DKMG iyo kuwa AMISON.

16. Waxay noo yeerin maysaan ku dheheen QM oo afhayeen u ah Beesha Caalamka, una sheegeen inay ayagu yaqaanaan waxa dalka iyo shacabku u baahanyihiin.

17. Waxay la dagaalantay musuq-maasuqii ay beesha Caalamku gabaadka ka dhigan jireen ayagoo leh DKMG waxayna meella la gaarayn musuq iyo dhaqaale boob.

18. Ugu danbayntiina, waxay noqotay xukuumaddii ugu horaysay ee dal iyo dibadba ay shacabku u ilmaynayaan, gaartayna heer shacabka Muqdisho jacaylka ay u qabaan sii joogitaankooda ay dad naftooda u waayeen.

MAXAA LOO DOCWAREEMAY XUKUUMADDA FARMAAJO?

Inta aynaan u galin jawaabta su`aasha kore oo runtii kooban, waxaad wada ogsoontihiin in DKMG ay dhistay waxa loogu yeero beesha Caalamka isla mar ahaantaana ay bixiso dhaqaalaha ay ku kala socoto, gaar ahaan kharashyada ku baxa mushaaraadka Baarlamaanka, socdaalada aan dhamaadka lahayn iyo huteelada 5-7 xidigoodka ah ee madaxda dawladda ee isaga goosha caalamka ay ku nastaan.

Waxaa kale ood ogsoontihiin in beesha caalamku ay sheegto inay DKMG u dhaqaalaynayso inay Soomaaliya yeelato dawladda cagaheeda ku taagan, meeshana ka saarta xoogagga Islaamiyiinta. HAAAAA, oo hadii ay sidaasi tahay sow Xukuumadda Farmaajo intaas iyo in kabadan kuma qaban mudo 6 bilood gudohood ah oo waliba ma soo afjarin taariikh nololeedka hogaamiyihii Islaamiyiinta ee Bariga Afrika? Sow ma ahayn hadii Shaqsi ama koox ay qabtaan shaqo fiican in abaalgud la siiyo? Sow hadaba Xukuumadda Farmaajo ma ahayn inay hawl-qabadka ay la timid lagu siiyo Birimiyo?

Macal Asaf! Waan ka xunnahay Soomaali xaalku saas ma ahan, umuurtuna sida aad moodaysaan ma ahan ayuu xaalku u muuqdaa. Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka waxay tahay inaan Soomaalida lala doonayn wax wanaag ah, Beesha la sheegina waa midda halkaasi ina dhigtay hagardaamooyinka ay inoo gaysatay, walina inagu wado. Xukuumadda Farmaajo waxa ay eedayna, kaliya waxa weeye sideed wax wanaagsan u qaban kartaan? Sideed qaranka aan waaxyihiisa qalayno dhiigjoojinta ugu noqonaysaan? Islaamiyiinta soo afjara yaa idin dhahay? Dadka nooleeya oo dhaqaaleeya yaa idin dhahay? Bilicda magaalada soo celiya yaa idin dhahay? Iskuulada iyo Isbitaalada aad la kacdeen waa maxay? Hadalka oo koobanna waxay leeyihiin “Xukuumadda Farmaajo Yaa u dirsaday Hawsha?” iyo shuqulada ay dhex dabaalatay? May sidii qolyihii ka horeeyay aayar shilimo iska uruursadaan inta aan qorshayaasha kale ka diyaarinayno ayay u muuqataa inay tahay waxa ay eersatay Xukuumadda Farmaajo.

BEESHA CAALAMKA:

Qolada beesha Caalamka isugu yeerta oo ah Maraykan, walaalihiis iyo in lagu qurxiyay, waxaa ka go`an inay Qarankii Soomaaliyeed tirtiraan ama ugu yaraan ku kala daraan Kenya iyo Itoobiya, taasina ma aha wax ay waligood ka daaleen, taariikhdana waa ku caddahay. Waxaa la yiri “gudinyahay imaadan goyseena gobolkay baa kugu jira”, in qarankii Soomaaliyeed manta shilalkaas yaalo waxaa loo adeegsaday qaar innaga mid ah iyo shacab keena oo ka dhoohnaa dibin-daabyada taasoo kaliftay in adeegayaashu ay inagu beer laxawsadaan qabiilaysi, kooxaysi IWM, maantase Alle mahaddii waxaa cad in Shacabku kala gartay Nacab iyo Nasteex, Dhaqar qabe waalan oo shisheeye u adeegi iyo beel-daajiye u dabacsan dadkiisa, una diirnixi dhashiisa iyo dhulkiisa.

Gabagabadii, Soomaalidu waxay ku maahmaahday “geesi milmay iyo doqon malabsi baratay way isku miyir diimaan”, sidaasi la adligeed shacabka Soomaaliyeed ee markii ugu horaysay mudo rubuc qarni ah muujiyay rabitaankooda wadaniyadeed waxay balo ka joogtaa cidda isku dayda inay caburiso ama hor istaagto. Shaki kuma jiro inay adeegayaasha shisheeyahu isku dayidoonaan wax kasta oo ay ku xakamaynayaan ama ku fashilinayaan kacdoonka shacabka, laakiin halka xariggu ka guntamayo ayaa ah dulqaadka iyo samirka shacabka iyo mudada ay daa`imaan dibad-baxyada, dal iyo dibad. Waxaa soo ifbaxay fursaddii ugu wanaagsanayd ee lagu dhalin karo Qaran aan qabiil ku dhisnayn 7 sano kadib fursadii Maxaakiimta ee layrta la cabsiiyay. Kacdoonkani waa inuu noqdaa mid aan kaga xorowno shisheeyaha iyo shisheeye kalkaalka magacyada badan ee dhinac kasta inaga naafeeyay. Baarlamaanka waxaa asna laga rabaa inay iska tuuraan heeryada xumaanta, xaqiraadda iyo magac u yaalnimada ee sida dhalaanka hadba sida la doono laga yeelayo. “Barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen”.

CabdiXiis

c_udan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadda Farmaajo yow dirsaday hawsha? | CabdiXiis "

  1. bashka says:

    Air Traffic system avaition oo mudo 20 sano laga hagayay wadanka Kenya oo dhaqaalahii gacanta ku heysay Hay adii UNDP Dhaqaalahaasi dib ayay dowladda u heshay maantana waxaa ka shaqeeyo shaqaalo Sooomali waa howsha PM Farmaajo qabtay