Home » Faallo »

Warsaxaafadeed ka soo baxay kulankii bulshada Rayidka ee magaalada Muqdisho

 

Kulan ay maanta oo ay taariikhdu tahay 10 june 2011 isugu yimaadeeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada  magaalada Muqdisho ayaa si kulul loogaga soo horjeestay go’aamadii ka soo baxay shirkii Kampala ee ay ku soo heshiiyeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta SOSCENSA ee magaalada Muqdishoo ayaa qaybihii ka soo qaybgalay oo isugu jiray culumaa’uddiin, aqoonyahanno, ganacsato, ururada haweenka, kuwa dhalinyarada, ururada Bulshada iyo Odayaasha dhaqanka ayaa si qoto dheer looga dooday 10kii qodob ee ka soo baxay Kampala, waxayna ka soo qaybgalayaashu sheegeen in qodobadaasi guud ahaan ay lid ku yihin xeerarka  dalka u degsan, loona baahan yahay in gebi ahaanba laga hor yimaado.

“Go’aamadaasi waa kuwo lagu majaxaabinayo dadaalka ay xumuumadda Farmaajo qabatay, laguna baab’inayo rajada curdanka ah ee bulshada Soomaaliyeed ee nabadda iyo nidaanka u ooman” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay kulnkaasi.

Heshiiska Kampala ayaa kulunku ku tilmaamay inuu yahay heshiis labo masuul ay gaareen, kuna ilaashanayeen danahooda gaarka ah,  iyagoo iska indhotiray masuuliyaddii ay bulshada u hayeen.

Ka soo qaybgalayaashu ayaa gebagebadii kulanku waxay soo jeediyeen baaqaan:

 

1-      In bulshada Soomaaliyeed gebi ahaanba ka soo horjeestaan heshiiska Kampala.

2-      In ay iscasilaan labda masuul ee Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka

3-      In xukuumadda R/Wasaare Farmaajo ay si habsami ah u sii wadato howlaheeda, ayna sii labalaabto waxqabadkeeda

4-      In Xildhibaanada Baarlamaanka ku soo biiraan kacdoonka dadweynaha.

5-      In la xoojiyo kacdoonka bilowday, lana joogteeyo ilaa laga laalayo heshiiskaas.

6-      In la nidaamiyo kacdoonka. Lagana dhigo mid nabadeed.

7-      In Banaanbaxayaashu fahmaan danta laga leeyahay banaanbaxa ayna ilaaliyaan nidaamka  iyo hantida shacabka.

8-      In haydaha amniga ay ka shaqeeyaan sugiida amaanka magaalada Muqdisho.

9-      In la qabto shirkii June ee dowladdu ku baaqday.

10-   In bulshada Soomaaliyeed isku tashato, kana fogaato khilaafaatka u nuglaynaya faragelinta shisheeye.

11-   In dowladaha  caalamka tixgeliyaan madaxbanaanidda Soomaaliya, fargelintana ka  daayaan.

Wabilaahi towfiiq

……….

Waxaa soo tebiyey Amiin

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warsaxaafadeed ka soo baxay kulankii bulshada Rayidka ee magaalada Muqdisho "

  1. abdikhadir says:

    asw dhaaman waa salamantahin. dr. cabdikhadir mahamed
    10 qodob layab maleh ee waxaa la yaab leh somali waxaa lala tamacsanyahey
    dardaren dhaaman somalia meelwalbo ee jogdo waxaan u sheegaya inee noo tashaden dhaaman western iyo afrikanka oo amisan masiixika waxaaa jagaa wadanka uk maxaa ka shaqeenayey hada kahor texi 1999 merke ahed. waxaa qadey nin journalist ah 1965 oo odey ah waan kafdaney wuxuu iku yari somalia ka waren maraas baan dhahey somalia ma garenesa wuxuu igu yari adiga u dhashey baan ka badiyaa. okey baan dhahey wuxuu iku yari wali dagaalki ma socda waan qosley markaas wuxuu ii kaley story dheer oo ku sabsan somalia. wuxuu ii sheegey somalia hadan westren nahey burburinta somalia aan ka dabeney oo dadka iyo dunyada somalia aan la waregno iyakana ee noqdan marqadi oo hada ka hor dadkaan ba jirey la dhaho. ee waxaa dhahayaa somalia ha dashado tii alah waa meshedi dhagarta ee naka damacsanyahin ilaaho naqa qobo / somalia ha nolado