Home » Warar »

Aas Qaran oo loo sameeyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amnigga ee Dowladda Federaalka oo Qarax lagu diley

Xarakadda Al-Shabaab oo Meesha ka saarey in Qaraxii lagu Diley Wasiirkii Arrimaha Gudaha ay u adeegsadeen Haweeney

Markii Habeen hore Gurigiisa Qarax lagu diley Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dowladda Federaalka Cabdi Shakuur Shiikh Xasan Faarax ayaa waxaa maanta loo sameeyey Aas Qaran kaasoo oo uu ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada gaar ahaan Qabuuraha Shikh Suufi ayaa waxaa ka qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Xildhibaano , Saraakiil iyo Xubno kale.

Halkan ka daawo sawirada

Aaska oo la filayey in ay ka so qaybgalaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka baaqsadey lamana garanayo sababaha ay ugu baaqsadeen Aaska hase yeeshee Sarkaal ka tirsan Mdaaxtooada ayaa noo sheegey in labada Masuul ay uga baaqdeen arrimaha la xiriir Dhinaca Amaanka iyadoo halkaa ay ka hadleen Masuuliyiin ka tirasan Dowladda Federaalka iyo Culumaudiin gaar ahaan Ahlu Sunna

Xubnhii halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaare ku xigeen DFKMG, ahna Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo sheegey in Wasiirkii Arrimaha Gudaha uu ahaa shaqsi doonayey in soomaaliya ay nabad ka dhalato isagoo sheegy in ay dishey Gacan ka xaqdaran sidoo kale wuxuu sheegey in Dowladda Federaalka ay baaritaan ku sameyn doonto ciddi ka dambeysey dilka Wasiirka

Waxaa kalo halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamud Axmed Tarsan oo si aad ah ugu dheeraadey Taariikh Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdi Shakuur Sh Xasan ooo uu sheegey in Muddo dheer ay kuwada jireen Waxbarashada isla markaana wuzxuu sheegey in uu ahaa shaqsi ay daacad ka ahayd in soomaaliya ay dib ugu soo laabato Saaxadada Adduunka

Waxa kaloo halkaa ka hadley Gudoomiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax oo ay Walaalo yihiin Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdishakuur Shiikh Xasan Faarax ayaa isna ku dheeraadey Taariikhdii Walaalkii isago sheegey in uu ahaa shaqsi aad u jecel Soomaalinimada dadaal fara badana ku bixiyey sidii soomaalia uga bixi lahayd dhibaatada Dowlad la’aanta

Afahayeenka Xarakadda Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere oo Goor dhaweyd Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey Qaraxii lagu diley Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga isagoo meesha ka saarey in qaraxaasi ay u adeegsadeen Haweeney isagoo arrinka ka hadlaya waxaa uu yiri” Waa Ilaah Mahadii in Ninkii Amaanka u qaabilsana Dowladda Federaalka ay ku dilaan Qarax ay u ku Rakibeen Sariirtiisa Jiifka sidaa darteed Dariiqa loo marey Qaraxaasi waa mid ay iyana ay la beegsan doonaan raga kale ee la mid ka ah ee ku jira Dowladda”

Afhayeenka wuxuu sheegey in Xubnaha ku jira Dowladda aysan ka difaaci doonin Geerida Taagiyada Amisom marka inta ay goori gaar tahay ka soo laabtaan falka aad ku jirtaan ee aad kaga so horjeedaan Shareecada Islaamka isagoo sheegey in ay sii wadi doonaa u gaarsi Xubnaha ku jira Dowlaalda Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaar1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Sawirada waxaa qaadey
Maxamed Cabdi Wahaab Xaaji (Saruurow)
E-Mail Saruur20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Aas Qaran oo loo sameeyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amnigga ee Dowladda Federaalka oo Qarax lagu diley "

  1. Sharmaarke says:

    Aad ayan uga xumahamahay dilka masulkan qaranka anigo kamid ah bahda jecel ama tageera xukumada madaxweyne sharif