Home » Warar »

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Labada Shariif, laguna Taageerayo Farmaajo oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ciidamada Qalabka sida oo Digniin u direy Labada Shariif –

(Farmaajo haddii uu ka Dhabeeyo Iscasilaada labada Shariif waa uu kaaga Adkaadey Siyaasaadda)

Qaraxyo Ismidaamin ah oo Goor Dhaweyd ka dhacay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho

Farmaajo oo marki iuu ku laabtay Muqdisho, asagoo la socdey Sheikh Shariif, ayaa dadweyne taageere u ah waxay Farmaajo weydiiyeen su’aalo, waxana uu ugu jawaabey hawshiinan sii wata (Dhegeyso)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/famajo_june92011.mp3]

Heshiiskii lagu gaarey Kampala ee casilaadda Farmaajo halkan ka akhri

Markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu iska casilayo Xilka Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ka dib markii ay sidaa ku heshiiyeen Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa Khamiistii (June 9, 2011) Magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeedo labada Sharif laguna taageerayo  Farmaajo waxayna banaanbayaasha ay si aad ah u dhoobteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaas oo la sheegey in uu ka soo degeyo Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo.

Halkan ka daawo sawiro mudaharaad ka dhacay Muqdisho

Banaanxayaasha ayaa waxaa ku biirey Qaybaha Ciidamada Qalabka-sida kuwaa oo aad u taageersan in Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo,iyadoo Banaanbaxayaasha ay ku dhawaaqayeen eryo ay ka mid ahaayeen”Ha noolaado Farmaajo, ha dhaeceen labada Shariif” ”Farmaajo ha is Casilin “ “labada Shariif ha laga qaado Xilalaka” iyo ereyo fara badan oo lagu taageerayey Maxamed Cabdulaahi Farmajo, waxayna Banaanbaxayaasha mararka qaar ay shidayeen Taayiro olalaya , waxaana Gebi ahaanba xirmey isku socodkii Gaadiid ee Wadada Maka –Al-Mukarama, waxaana meelaha qaar lagu gooyey Dhagaxaan.

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale waxay xireen Wadooyinka galaya Xarunta Madaxtooyada ee laga maamula Dowladda Federaalka kuwaas oo diidey in galo Xarunta Madaxtooyada iyagoo qaarkood sitey boorar ay ku qornaayeen “Labada Shariif ma soo geli karaan Xarunta Madaxtooyada” “Ciidamada Qalabka sida waxaan ka codsaneynaa in aysan Xarunta Madaxtooyada u ogolaan in ay soo galaan labada Shariif” “Iyaga ha is casilaan laakiin maya in uu iscasilo Farmaajo iyo ereyo kale oo muujinayo taageerida lo hayo Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo.

Shir habeenkii xaley (oo khamiis soo geleysey June 9) lagu soo gabagabeeyey Magaalada Kambala Wadanka Uganda ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay in Muddo sanad ah loogu darro Hayadaha Dowlada sida Xukuumada , Madaxweynaha ,Golaha Baarlamaanka , sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobada ka soo baxay kulankaa in uu iscasil Raiisul Wasaare Farmaajo Muddo bil Gudaheeda islamarkaana uu Madaxweynaha soo magacaabo Raiisul Wasaare Cusub.

Halkan ka akhri Go’aamadii ka soo baxay Kampala.

Hase yeeshee, markii ay soo baxeen qodobadaas ayaa waxay xildhibaanada Baarlamaanka u kala qayb sameen laba qaybood, qaar soo dhaweeyey iyo kuwa ka horyimid oo sheeegey in waqtigaan aan loo baahneyn in gorgortan la geliyo Masiirka ummadda Soomaaliyeed , Xildhibaan Mowliid Macaani ayaa waxaa uu sheegey in Shariif Xasan uu yahay ninka ay ka degi la’dahay Siyaasada Soomaaliya wuxuuna ka codsadey Beesha Caalamka inay Kamballa noogu hayaan Labada Shariif.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo diidey in Magaciisa la sheego ayaa digniin u direy labada Shariif isagoo sheegey in Ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan cid kasta oo Carqalad ku ah Xaaladda Soomaaliya , sidoo kale wuxuu Sarkaalkaas uu ku hanjabey in ay soo Faaruqin doonaan Jiidaha hore ee Dagaalka ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Cabdikarim Xasan Jaamac ayaa Xaqiijiyey in Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu iska casili doono Xilka Raiisul Wasaarnimo ka dib markii uu diidey in Dowladiisa ay Xubno ku yeeshaan Ragg uu wato Gudoomiyaha Baarlamaanka taasoo uu diidey Raiisul Wasaare Farmaajo oo la sheegey in ay u cuntami weydey isla markaana door bidey in uu iska Casilo Jagada Raiisul Wsaaraha Soomaaliya , waxaana lagu waramey in Xilkaas uu ku waraajin doono si ku meel gaar ah Raiisul Wasaare Kuxigeenka ah Wasiirka Qorheynta iyo iskaashiga Caalimiga Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna ka yimid Wadanka Mareykanka oo isna la ogeyn in u aqbali doono Sii hayaha Raiisul Wasaaraha in muddo bil Gudaheeda lagu soo magacaabayo Raiisul Wasaare Cusub.

Dadka odorosa Siyaasada Soomaaliya ayaa waxay sheegaya in haddii uu ka dhabeeyo Iscasilaada Raiisul Wasaare Farmaajo uu siyaasada kaga Guuleysan doono labada Shariif waayo maanta waxaa uu heley Taageerida Shacabka iyo Ciidamada waxay kaloo ay sheegeen in labada Shariif ay ku fashilmi doonaan Siyaasadda Soomaaliya hadii ay sii hayaan xilalka ay maanta hayaan.

Warar hadda na soo gaarey waxay sheegayaa in Qarax ismiidaamin uu ka dhacay Dekedda Magaalada Muqdisho waxaana ka soo baxaya warar kala duwan qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Dekedda Banaankeed halka kuwa kalena ay sheegayaan in uu ka dhacay Gudaha Dekedda weyn ee Magalada Muqdisho iyadoo qarayadii ugu dambeeyey ay ka dhaceen Guriga shaqaalaha oo fariisin u ahaa Ciidamada Uganda , sidoo kale waxaa ka horeeyey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhig ay ay lahaayeen Ciidamada Dowlada kaasoo uu ku yaaley agagaarka Dekeda weyn.

Halkan ka akhri Go’aamadii ka soo baxay Kampala

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Warsaxafadeed ka soo baxay DFKG oo ku saabsan Farmaajo iyo Sheikh Shariif oo Muqdisho si wada jir ah ugu soo laabtay, waxa uu u qoraa sidan;

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay
(Sawiro)

Hadal kooban oo uu jeediyey Farmaajo (Dhegeyso)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/famajo_june92011.mp3]

Halkan ka daawo sawirada Shariif iyo Farmaajo oo ku laabtay Muqdisho

Shariif iyo Farmaajo oo ku laabtay Muqdisho, June 9, 2011

Muqdisho June 9, 2011——Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay iyaga oo ka soo dhoofay magaalada Kampala ee dalka Yugandha oo ay todobaadkii ugu dambeeyey ku sugnaayeen halkaasoo ay ka soconayeen wadahadalo lagu dhameynayo habka looga gudbayo marxaladda kala guurka ah.

Madaxdu ma aysan bixin wax war ah oo wada jira, waxayse si wada jir ah u raaceen hal gaari oo ka soo qaaday garoonka iyagoo tegay madaxdooyada halkaasoo daqiiqado ay ku wada sugnaayeen, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u soo gudbay xafiiskiisa halkaasoo ay ku sugayeen golihiisa Wasiirada oo shir u fadhiyay.

Dhinaca kale, Boqolaal dadweyne ah ayaa tegay albaabka hore ee xarunta Madaxtooyada kadib markii ay maqleen inay dalka soo gaareen madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen Farmaajo ha noo laado, Farmaajo ha joogo iyo erayo la mid ah, waxaana dadweynahan oo tuban Madaxtooyada horteeda uu Ra’iisul Wasaaraha isaga oo saaran gaari Gaashaaman dadweynaha u gacan haatiyay.

Mar kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu la hadlay haweenka ururada bulshada rayidka ah kuwaasoo gudaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka bixi waayay wuxuuna mar kale banaanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ugu sheegay inay caawa iska hoydaan natiijaduna ay wanaagsan tahay “Niyada kheyr u sheega caruurta u taga caawa, rajaduna wey fiican tahay” ayuu si gaaban u yiri Ra’iisul Wasaaruhu isagoo kadibna galay kulankii u soconayay golaha Wasiirada.


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Banaanbaxyo looga soo horjeedo Labada Shariif, laguna Taageerayo Farmaajo oo ka dhacay Magaalada Muqdisho "

  1. shire says:

    Runtii waa arrin dhiirri gelanaaya qofkasta oo dawladnimo u baahan .
    waxayna marqaati katahay in dadku u sii dhawaanayaan inay kalgartaan ninka dantooda wada iyo ninka kale kanasoo gudbeen waqtigii ay u mudaaharaadi jireen ninka reer iyo hayb uun ku beerlaxawsada

  2. Ahmed says:

    Shacabka Soomaaliyeed xaq bay u leeyihiin inay fikirkooda dhiibtaan. Laakiin sida hada muuqata waxaan arkaa in mudahaaraadyda loo weeciyey dariiq kale ooabuuri kara dhiilo siyaasadeed. Waxaan arkaa mudaaharaadka dadka isagu soo baxay inay yihiin caruur yar yar oo tabaaleysnaa oo aan aqoon waxa ay u mudaaharadaan oo keliya ay tahay inay u arkaan fun iyo dumar.

    Wax qabad dhab ah oo la sheegi karo Ilaahy baa ilehee oo aay farmaajo xukuumadiis qabatay ma arko aan ka aheeyn xasuuqa aan loo aabeyeelin ee ciidamada Amisom ay ku ahayeen shacabka Soomaaliyeed.

    Aaway dhulka ay dawlada Soomaaliyeed ay ka qabsatay Shabaab.? Maalin waliba waan isku faarujiyaan oo cid libinta hesha ma rkin aan ka aheyn dadka ay dushooda ay isku baabi’nayaan.

    Ilaahay maslaxad ha noo dhaliyo. Soomaaliya waa loo diiday inay tashato, laakiin nasiib wanaag Ilaahy ma diidin, naxariistiisana kama quusaneeyno weligeed.

  3. Abdirisaq says:

    Assalaamu Calaykum.
    Shacabka Soomaalyeed waa hadleen, cod dheer ayayna ku hadleen, xaqbayna u leeyihiin in ay hadlaan iyo in la maqlo codkoodaba.
    Ayaga ayaa labaatan sano dhibka kusoo jirey ayaga ayaa ka xog ogaalsan beel caalam iyo cid walba, ayaga ayaa og dhabta meesha dhibtu ka jirto ayaga ayaana ka og cid walba qofka nacabkooda ah iyo nasteexoodaba.

    Waxaanse u sheegi lahaa Raisulwasaaraha iyo shacabka Somaliyeedba;
    Beesha caalamku ciidanka qaranka ee maanata dagaalka ku jira waa kuwi soo tabarey soona hubeeyey.
    Ciidanka Amisom ee jugta culus iyo ciidankoodaba la garab taagan ciidankeenna waa kuwa qarashkooda bixiya.
    waa kuwa Baaralaamaanka intaas lacagtiisa bixinayay.

    Maanta waxaad moodda talo qalad ah in la siiyey wakiilki u dhexeeyey Somalia iyo beesha caalmka oo nadaamki iyo qaabki dawladnimo lasoo dhaafay ilaa la gaarsiiyey dawladdi Somaliya ee Somali kusoo heshiisay ee kenya oo 4.5 nin waliba xaqiisi lagu qanciyey oo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa lafteeda ay 225 xildhibaan ku dartey shacabkuna ka aqbalay in laga dhigay maanta sidi kooxo jabhado ah la is garab yaaciyey oo jagooyin ku heshiiya oo qaybsada la yiri xurmadi dawladda qaran iyo aqoonsigi qarannimana dhulka lagu jiiday.

    Haddaba waxaa habboon in masuuliyiinta fiyoow ee wadaniyiinta ah ee dalku dacwado iyo qoraallo u kala diraan xoghaya guud ee qaramada midoobay inuu beddelo wakiilkiisa laga codsanayo laguna saxayo beenta maskaxda loo geliyey oo la isku dayo in dib loo hagaajiyo xiriirka caalamka oo wafdi xaqiiqo radin ah Somalia loo soo diro.Shacabkuna waa in ay baarlamaanka ka codsadaan si cad in ay mawqif cad uga soo saaraan heshiiska ka dhacay Kampala. hadii ay noqdaan kutlad la safan dhinacna shacabka iyo wax garadkisu go’aan cad ka qaataan baarlamaanka oo degdeg shir u qabtaan baaralaman cusubna lagu doortaa.
    waxaa haddaba la doonayaa dhaqaalihi beesha caalamku bixin jirtey in Somali dhabarka u ridato inta wax laga saxayo haddi kale ciidanka iyo Amisomba haddi beesha caalamka siday doonto ay ka weydo hubka iyo dhaqalaha way ka goosan meeshana waa lagu kala tegi donaa ee waa in xagna xaqooda ay raadsadaan shacabku xagga kalena aan qaylo iyo caro keliya laga dhigin arrinta ee wixi qaldamay la saxo oo aan dalka iyo beesha caalamka la iska horkeenine la saxaa shakiga iyo mugdiga la kala dhex dhigay.
    Sidoo kale waxa dhici karta inta taas looga guulaysanayo

  4. omar says:

    Tani waa bog cusub oo taariikhda somalida u furmay, waxaa gabbalkiisii sii dhacayaa qabyaaladdii xumaanta mooyee aan waxtarka lahayn, waxaa soo noqday wacyigii iyo caqligii saliimka ahaa ee shacabka wanaagsan lagu aqoon jirey, waa in la kala fahmaa qaran iyo qabiil, waa in la gartaa in aan qabiil keligiis qaran noqon karin, waa in shacabku awoodi karaa qofkii wanaagsan in la yiraahda waa wanaagsan yahay, qofkii kalena dhabbada laba ka dhig, waa sidey inoo ku bilaabatay yaan dib loo noqon markaan caawa seexanno oo guryaha dib ugu laabanno yaan la isbedelin, waxaan oran karaa bannaanbaxyadi waxay horseed u yihiin waayo aragnimadii laga dhaxlay halaagii shacabka soo maray 20kii sano oo tiiha lagu jirey, waa in aan garanna qofkii dan qaran wada iyo qofkii danayste aan waxba is-taahilin oo qori farraar leh la iskaga qabtaa, awoodda dalka waa shacabka oo isku xirma kana saara dhexdooda mad-madowga lagu abuuray oo ay danaystayaashu garwadeenka ka yihiin iyo wax isu quurid la’aanta qabyaaladda huwan, haddaan danteenna u midowno cid wax ina ka hayn kartaa ma jirto, nin walbana ninkiisa xun waa yaqaan ee runta ha u sheego ayaan oran lahaa.
    wabillaahi towfiiq.

  5. Farah says:

    Shacabkii dareen baa galay, waxaa dareen gaeliyey caqli ku filan ayey leeyihiin, waxay garteen in wax qaldan yihiin, laba shariif ayaa is-haysta oo waxay isku haystaan masiirka ummadda iyagoo aan cidna wax ka weydiin, waqtiguna ciriiri ku yahay, waxay wax walba ka doorbideen dantooda gaarka u ahayd, waxay raalli ku noqdeen in ay heshiiwaayaan oo cid kale wax u yeeriso awalba waan ogeyn miisaankana waa noo saarnaayeen, laakiin dhallinyaro mutacalimiin u badan ayaa hoggaanka xukuumadda imminka haysey, waxaan doonaynaa in heshiiskaan la sheegay runta laga sheego waxa la kala gatey iyo waxa la kala qaatey waa arrimo qarsoon, balse aan dhowrno haddii laba dibi dagaalamaan cawskaa xanuunsada ayey taagan tahay, dantii qolooyin badan lahaayeeenna sannad baa loogu daray, maxaa xigi doona.

  6. muwaadin says:

    asc runti ninki halyey ah e dalka u kaca waxa majaxabiyo wa beesha caalamka iyo Qm waxa kale o an arka in madax wanagsan hadi la helo in dadka wanagoda la arkayo. raisulwasae farmajo shacabkisa wuxu tusay daacadnimo shacabkuna waxay tusiyen wadaninimo. Qm ha tixgaliyan rabitanka shacabka somaliya hanoolato

  7. Hussein says:

    Shacabka Soomaaliyeed waa inay taageeraan Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa isla markaana ay ku qasbaan inay is casilaan madaxweynaha iyo gudoomiiyaha xildhibaanada ayna sii kordhiyaan mudaharaadyada. Arrinta inuu Ra’iisal wasaaruhu is casilo ma ahan arrin ka timid labada shariif heshiiskooda laakiin waa mid ka timid xafiiska UNPOS ee Nairobi kadib markii uu ra’iisal wasaaruhu ku amray inay muddo sadex bilood ah ugu soo guuraan muqdisho, ka furtaan xafiisyo, wax u qabtaan dadka dhibaataysan, kadib markii la arkay inay ku jirto wadaninimo ama inuu wax ka badalo xaalada Somalia 20kii sano ee la soo dhaafay isla markaana uu keenay inuu ciidamada mushahar siiyo, nidaamiyo arrimaha dawladda ayaa loo heshiiyey isla markaana looga hor yimid.

  8. Waxa nasiibdaro ah in manta rag sheganaya masuuliyin qaran ay ku dhawaqan in raysalwasaraha iyo xukuumadi ay is casilaan waxa ah wax laga xishoodo ah in ay ku dhawaqan waxan ku hishiinay in dadka iyo dalka dib logu celiyo meshi 20ki lagu halaagsamay runti wan ka xumahay in xukuumada iyo raysulwasaraha laga hor jogsaday hawloodi shaqo e ay umadda u hayen