Home » Warar »

Farmaajo oo Booqday fariisimaha ciidamada Dowladda FKMG ah ee degmooyinka Hodon iyo Boondheere

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kormeeray jiidaha hore ee degaalka ee fariisimaha u ah ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaana goobihii ay dhowaantan kala wareegeen kooxaha dowladda ka horjeeda ee degmooyinka Hodon iyo Boondheere.”

  • Sidaas waxaa ku bilowday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG, warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran hoos ka akhri, ama dhegeyso:

Halkan ka dhegeyso khudbad uu jeediyey Farmaajo

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmajo_jun72011.MP3]

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinayay kormeerkan guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Agaasimaha Xafiiska R/wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Baalle), wefdi xildhibaano Kenyati ah oo uu hogaaminayay Mudane Ilyaas Barre Shiil, iyo saraakiil isugu jirtay kuwa xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM.

Halkan ka daawo sawirada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay degmada Boondheere oo ay dhowaan si buuxda gacan ku heynteeda ula wareegeen ciidamada Xooga dalka, wuxuuna tegay dhufeysyada hore ee ay ciidamadu ku sugan yihiin isagoo guddoonsiiyay xoolo nool oo isugu jiray Neefaf geel iyo Lo’ ah, wuxuuna ugu hambalyeeyey geesinimada iyo howlkarnimada iyo weliba gudashada waajibaadkooda Qaran ee xoreynta dalka iyo dadka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu socod ku soo dhex maray xarunta degmada Boondheere halkaasoo ugu dambeyntiina uu kula hadlay boqolaal dadka reer Boondheere ah isagoo ugu hambalyeeyay sida ay gacanta ugu siiyeen shacabku ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen caddowgii mudada ku sugnaa degmadan Boondheere.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale, booqday xaafada African Village oo ka mid ah goobihii ay dhowaantan la wareegeen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna halkaasi ugu balan qaaday in Xukuumadiisu ay muhiimada koowaad siin doonto daryeelka iyo nafaqeynta ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo naftooda u huray har iyo habeena u taagan difaaca dalka.


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

Muqdisho, June 7, 2011

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.