Home » Warar »

Sarkaal Sare oo Ciidamada Uganda ka Tirsan oo looga diley Dagaalkii ka Dhacay Degmada Boondheere

Waxaa Tododbaadyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka dhacayey Dagaalo aad u qaraar kuwaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Amisom iyo Ciidamadda Dowlada Federaalka KMG oo isku dhinac ah iyo Xarakadda Al-shabaab, waxayna Dagaaladii ugu Cuslaa ay ka dhaceen Maalintii Sabtida ahayd Degmadda Boondheere waxaana dagaaladaas la isku adeegsadey Hubka Culus iyo midka fudud , waxaana la xaqiijiyey in dagaalkii ka dhacay Boondheere labada dhinac ay ugu dhinteen dad fara badan.

Taliyaha Ciidamada Amisom General Nathan Mungisha oo ku sugan Magaalada Kambala isagoo ka mid ahaa Xubnihii lagu marti qaadey shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya oo u waramayey Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa Magaalada Kamballa ee dalka Uganda ayaa xaqiijiyey maanta oo isniin in Dagaalkii ka dhacay Boondheere Ciidamada Uganda looga diley Sarkaal Sare oo Darajadiisu ahayd Gaashaanle Sare wuxuu kaloo uu sheegey Taliyaha in Sarkaalkaas uu Hagaaminayey Ciidanka Lixaad ee Dhulka ee ka qayb galey Dagaalkii Boondheere .

Magaca Sarkaalkaan oo la qariyey sabab la xiriira Qoyskiisa oo Wargeyska ogolaansho ka helin, waxaana Sarkaalkaan uu yahay Sarlkaalkii ugu sareeyey oo ka tirsan Ciidamada Amisom ee lagu dilo Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay bilowdaan Howlgalada Ciidamada Amisom 2007 waxaana lagu waramey in Saxaafadda wadanka Uganda ay si aad u hadal hayso Dilka Sarkaalkaan.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab ee dhinaca Ciidamada Cabadicasiis Abuu Muscab ayaa maalintii shaley ahayd waxaa uu saxaafada u sheegey in Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Boondheere ay ku dileen laba Sarkaal oo uu sheegey in ay u kala dhasheen Wadamada Uganda iyo Burundi sidoo kale wuxuu sheegey in Dagaalki ka dhacay Boondheere ay ku dileen 13 Askari isla markaana ay ka gubeen laba Taangi , Hal Cagaf-Cagaf iyo Gaari Tow .

Ciidamda Amisom ayaa habeenadaan waxay Madaafiicda BM-ka ku garaacayeen meelo ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo waxayna Khasaaro ka soo gaartey dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyadoo Madaafiicdaas laga tuurayey Fariisimada Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho waxayna Madaafiicdaas ay ahaayeen kuwa dadka Muqdisho ay ka seexan waayeen islamarkaana Salaliyey Caruurta iyo dadka Waayeelka dhawaaqa ka baxayey aawadii.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.