Home » Warar »

Xarun loogu Magacdarey Xarunta Dhex-Dhexaadnimada iyo Wada Hadalka oo looga Dhawaaqey Magaalada Muqdisho

 

Waxaa Xarunta Muqdisho Media House lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey kuna saabsaneyd Furitaanka Xarun loogu magacdarey Xarunta Wasadiyada iyo Wada- Hadalka ama Xarunta Saxida Fahamka Waxaana ka qayb galey 50 Culimo ah ka kala socdey qaybaha ay ka kooban yihiin Suufiyada , Xarakaadka Islaamka iyo Culimo aan dhinac ka tiraneyn waxayna Xaflada isugu jirtey Furitaanka Xarunta iyo dood ku saabsan Faafinta Fahamka Dhex-dhexaadnimada ee Diinta islaamka

Waxaa ugu horeyntii halkaa ka Hadley Sheikh Cumar Daahir oo ah Gudoomiyaha Xarunta wuxuuna sheegey in Xarunta loo aas-aasey sidii loo soo celin lahaa Fahamka dhex-dhexaadnimada loogana bixi lahaa Wax uu ugu yeerey Xagjirnimada iyo iyo Tafaraaruqa isagoo sheegey in ay Muhim u tahay Nabada iyo Xasiloonida Dalka

Halkan ka daawo sawirda

Waxaa kaloo halkaa ka hadley Culimada ay ka mid ahaayeen Shiikh Yaxye Shiikh Cabdiraxmaan , Shiikh Cabdiraxmaan Aadan Axmed ,Shiikh Aadan Maxamed Cismaan,Shiikh Cali Nuur Macalin iyo Shiikh Cabaas oo dhamaantood Sheegey in ay wanaagsan tahay sidii Shacabka loo gaarsiin lahaa fahamka Saxda ah ee Diinta islaamka waxaana Gabagabadii ka soo baxay Qoraalka kui saabsan waxa ay Xarunta ay qabaneyso iyo Qodobo kale waxaana qoraalka ay soo saartey Xarunta u qornaa sidatan

Xarunta Dhex-Dhexaadnimada iyo Wada Hadalka
Hordhac
Sanooyinkii ugu dambeeyay waxaa Soomaaliya ku soo kordhayaya fikir khaldan oo laga bixiyay diinta Islaamka. Fikirkan wuxuu marin-habaabiyay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna hortaagan yahay in dowlad Soomaaliyeed ay cagaheeda isku taagto.
Fikirkan khaldan habka ugu habboon ee lagula dagaallami karo waa in fikrad sax laga horgeeyo.

A. Maxay tahay Xaruntan?

Si aan arrintaas u fulino waxaan u baahanahay inaan sameyno xarun madaxbannaan oo ka shaqeysa sixidda fahamka khaldan ee Islaamka. Madaxbannaanidu xilligan waa dadweynuhu u arkaan in xaruntani aysan ahayn hay’ad xukuumadeed.
Xaruntu waxay howlaheeda ku martiqaadeysaa dhammaan culimada Soomaaliyeed ee wax ka dhihi kara arrinta maanta taagan, iyadoo aan loo eegeyn dhaqdhaqaaqa uu ka tirsan yahay maadaama ay dhammaantood wadaagaan cadow mid ah, kaasoo khatar ah ku ah diinta islaamka fidinteeda iyo weliba nolosha shacabka.
Xaruntani ma aha urur xubno laga noqonayo, balse waa xarun howlaha ay qabaneyso dadka aan looga maarmin la kaashaneyso.

B. Maxay qabanaysaa xaruntan?

Xaruntan howsha ugu weyn ee ay qabaneyso waa sixidda fahamka khaldan ee diinta islaamka iyo faafinta fahamka dhexdexaadka ah ee diinta Islaamka, kaasoo aan in badan gaarin shacabka. Si fikirkaas loo faafiyo waxaa la qabanqaabin doonaa:
1. Muxadarooyin: waxay Xaruntu soo bandhigi doontaa muxaadarooyin si toos ah u abbaaraya arrimaha ka taagan Soomaaliya iyo aragtida ay diinta Islaamku ka qabto. Muxaadarooyinkaasi waxay ka koobnaan doonaan maqal iyo muuqaalba, waxaana loo qeybin doonaa warbaahinta, waxaana laga dhigi doonaa CD iyo DVD si meel kasta loo gaarsiiyo.
2. Doodo iyo aqoon-isweydaarsi: Xaruntu waxay qaban doontaa doodo iyo aqoon-is-weydaarsiyo ka hadlaya fahamka khaldan, iyadoo qaab ay dad kooban ka qeybgalaan loo duubayo. Doodaha waxaa marka hore ka hadlaya qof ama laba qof oo mowduuca loo xilsaaray inuu soo baaro, kadibna guddi kooban ay taladooda ku darsadaan.
3. Su’aalo iyo jawaabo: Xaruntu waxay soo qabanqaabineysaa barnaamijyo dhallinyaradu idaacadaha si toos ah su’aalo loo soo weydiinayo culimo waaweyn.
4. Documentary: waxay diyaarin doontaa barnaamijyo si habeysan loo soo diyaariyay sida in hal arrin wax laga soo weydiiyo culimo iyo khabiirro badan oo arrintaas ku takhasusay.

C. Meelaha xoogga la saarayo

Si aan fahamka saxda ee islaamka u gaarsiino shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo, waxaan diiradda saari doonaa:

1. Warbaahinta:

Waxaan ka kaashaneynaa warbaahinta Soomaaliyeed sidii ay u baahin lahaayeen barnaamijyada aan sameyno. Barnaamijyada aan sameyneyno waxaa loo diyaarin doonaa inay ka bixi karaan dhammaan noocyada warbaahinta ay Soomaalidu isticmaasho sida idaacadaha, taleefishinnada, wargeysyada, iyo baraha internet-ka.
2. Tababarka culimada:

La-dagaallanka fikirka khaldan ee ay la yimaadeen kooxahan waa mid ku cusub culimada Soomaaliyeed oo ay u baahan yihiin inay aragti mideysan ka yeeshaan. Xaruntu waxay culimada ku tababareysaa sidii ay uga jawaabi lahaayeen su’aalaha casriga ee khuseeya is-qarxinta, gaaleysiinta, iwm.
Culimada oo la tababaro waxay labalaabeysaa tirada dadka aan manhajkeena gaarsiineyno.
3. Khudbadaha masaajidda:

Masjidku wuxuu kaalin muhiim ah ka cayaaraa fidinta diinta islaamka, waana meel bulshada laga hagi karo. Sidaasi darteed waxaan xoogga saari doonaa sidii aan saameyn ugu yeelan lahayn culimada masaajidyada ka akhrisa khudbadaha jimcada. Si aan ugu fududeyno, una hagno waxaan gacan ka siineynaa diyaarinta mowduucyada lagu soo qaadanayo khudbada jimcaha.
4. Sixidda manhajka:

Manhajka dugsiyada waa meel laga sixi karo jiilka cusub. Sidaasi darteed, waxay Xaruntu soo saareysaa maaddo ka hadleysa fahamka saxsan ee islaamka oo lagu dhigi karo dugsiyada hoose, dhexe, sare, iyo jaamacadaha Soomaaliya. Maaddadaas waxay xoogga saari doontaa mashaakilka Soomaaliya ka jira iyo aragtida diinta islaamku ka qabto.
5. Soomaaliya iyo culimada caalamiga ah

Waxaa baahi loo qabaa in dareenka Culimada Islaamka ee caalamiga mar kastaba lagu soo duwo arrimaha Soomaaliya. Arrintan waxay leedahay dhowr faa’iido oo ay ka mid yihiin in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan in aragtida ay soo jeedinayaan culimada Soomaaliyeed aysan ahayn fikir u gooni ah, balse ay tahay fikirka saxda ah ee Islaamka iyo in dareenka bulshada islaamka uusan marnaba halmaamin dhibaatada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xarunta
Shiikh Cumar Daahir

 

Waxaa soo tebiyey

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xarun loogu Magacdarey Xarunta Dhex-Dhexaadnimada iyo Wada Hadalka oo looga Dhawaaqey Magaalada Muqdisho "

  1. wadani says:

    dad wadankoodii la haysto oo magaalo madaxdii xamar africanka sidan u galeen oo hadana wasadiya ka hadlaya ilaahow adaa somali u maqan

    ciidamada africaanka ah waxay xasuuqeen dad kabadan 50000 magaaladii xamarna waxay ka dhigeen lama dagaan meeshii nolosha dadka ku jirtay ee suuqa bakaarahana waa la burburinayaa kuwana CD wasadiya lagu dubay ayay ku mshquulsanyihiin siday u faafin lahaayeen…