Home » Warar »

Xaruunta Cilmibaarista iyo Warfaafinta ee Alshahid oo qabtey dood ku saabsan sida loo Caawin karo Dadka Naafada ah

Waxaa Hotel Paradise ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey dood laba Maalmood socotey oo ku saabsaneyd sida loo taageeri karo ama loo Caawin karo dadka Naafada ah waxaana soo qaban qaabiyey Xarunta Cilmi Baarista iyo Warfaafinta ee Al-Shahid waxaana ka qaybgaley Ururrada Naafada , kuwa Indhoolayaasha , Hayadaha Maxaliga ah iyo Warbaahinta

Furitaankii Doodaas ku saabsnayd sida loo Caawin karo dadka Naafada ayaa waxaa furey Agaasimaha Wasaarada Shqada iyo Shaqaalaha Mudane Maxamed Shariif oo sheegey in Dowladiihi hore ay si aad ah u taageeri jireen dadka Naafada , isagoo sheegey in loo abuurey Shaqooyin kala Duwan oo ay ku maareeyaan Noloshooda sidoo kale wuxuu sheegey in loo baahan yahay in dadka soomaaliyeed ay u kacaan sidii loo Caawini lahaa dad kaas gaar ahaan wuxuu u soo jeediyey dad Ilaah wax siiyey in ay dadkaas u gargaaraan

Halkan ka daawo Sawirada

Agaasimaha wuxuu sheegey in Dowlada Federaalka ay ku talo jirto in dadka Naafada ay u abuurto shaqooyin iyo in ay u sameyso goobo wax barasho oo iyaga u gaar inta ay ka gaarayaan heerarka waxbarasho ee Kala duwan isagoo sheegey in Dowladda Federaalka Madaxdooda sare ay ka dhaadhicin doonaan in ay dadka Naafada ay Dakhli ku yeeshaan ilaha dhaqaale si ay uga maarmaan Hayadaha kale ee ajnabiga ah

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Cabdulaahi Maxamed Xasan (Black) oo Xarunta Al-Shahid Wakiil uga Muqdisho ayaa sheegey in Xarunta ay qabatey Siminaaro iyo doodo fara badan kuwaas oo uu sheegey in ay u qabteen Qaybaha Bulshada ee kala duwan Dooda la xiriirta Dayeelka Naafada waa mid Xarunto dooratey si wax loogu qabto dadka Naafada ah isagoo sheegey in Gabagabada dooda looga baahan yahay ka qaybgalayasha in ay ka soo baxaan qodobp muhiim ah wax loo tari karo dadka Naafada ah maadaama dalkeena ay waqtiyadaan dambe ay ku soo kordhayeen dadka lixaadkooda kala dhiman yahay

Xubnhii ka qaybgaley dooda la xirirta daryeelka Naafada ayaa isla meel dhigey in dadka soomaaliyeed ay u baahan yihiin wacyi gelin fara badan oo la xiriirta taageerida dadka Naafada maadaama dadka soomaaliyeed ay yihiin dad Aqoondarri fara badan ka haysato Caawinta dadka Naafada sidoo kale waxaa ka qaybgalaayasha ay soo jeediyeen in wacyi gelin fara badan laga sameeyo qaybaha Warbaahinta si dadka lagu baraarujiyo sidii ay u taageeri lahaayeen dadka Nafaada ah

Gabagabadii ayaa ka qayb galayaasha waxay dadka Naafada ah iyo kuwa indhoolyaasha ah u balan qaadeen inay Caawin doonaan iyadoo qaar ka mid xubnihii ka qaybgaley ay sameeyeen balan qaadyo la xiriirra Caawinta dadka Naafada kuwa kale waxay balan qaaden inay wax barayaan dadka Naafada ah kuwan waxay sheegeen in ay bixinayaan Wixii ay ku caawin karaan dadka Naafada ah sidoo kale Xarunta Al-Shahid waxay balan qaadey in dadka Naafada ah ka caawin doonto dhinaca Warbaahinta si dadka soomaaliyeed loo gaarsiiyo Wacyi gelin ku aadan taageerida dadka Naafada

Cabduqaadir Barnaamij oo ka mid ahaa Howl wadeenada Xarunta Al-Shahid ay halkaa ka Akhiriyey Baaq ka soo baxay dadkii ka qayb galey doodii ku saabsan sida loo Caawin karo dadka Naafada ah wuxuuna Baaqa u Qornaa sidatan:

Baaqa laga soo saaray dood cilmiyeedkii ku saabsanaa wax u qabshada Naafada

Hotel Paradise,

29th , 30th May 2011

Anagoo ka kala socona qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Howlwadeeno dowlada Soomaaliya ka tirsan, Haya’adaha horumarinta iyo samafalka ee wadaniga ah(NGOs), Hay’adaha Naafada, Warfaafinta, Bahda Dhaqaatiirta, Waxbarashada, iyo Culimada, dood iyo falaqeyn qoto dheerna ku yeelanay Mudo labo maalmood ah(30-31 May, 2011), Hotel Paradise, inagoo diirada saarney, “Daryeelka Naafada” .

Waxaa dood iyo aragti is dhaafsi balaaran ka sameeynay “xaaladda Naafada: Nafsiyad ahaan, Dhaqaale, Bulsho iyo Baahida Naafada”, sidoo kale “Doorka Hay’adaha Dowladda iyo Hay’adaha Horumarinta ka qaadan karaan samafalka naafada”.

Waxaan sidoo kale falanqeynay “Dowrka Mujtamaca ee kaga aadan daryeelka Naafada”, doodaas iyo falaqeyntaas kaddib waxaan:-

1- Mahad gaara u soo jeedinay Xaruunta Cilmibaarista iyo Warfaafinta ee Alshahid, suurta galinta Dooddaan ku saabsan “
Daryeelka Naafada”, waxaanan ku dhiiri gelin dhamaan Hay’adaha Gargaarka iyo Dowladaba inay fiiro gaar ah u yeeshaan wax u qabshada Naafada Soomaaliyeed, sidoo kale loo sameeyo siminaaro aqoontooda kor loogu qaadayo gudaha iyo dibadaba.
2- in lagana shaqaalaysiiyo hayadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, lana tixgeliyo ra’yigooda iyo taladooda.

3- Waxaan Balanqaadeeynaa dhamaan ka soo qeyb galayaasheena inaan noqono kuwa taageera u ololeeya sidii loo daryeeli lahaa naafada, kuna tirtirsiino dhamaan qeybaha bulshada iney ka qeyb noqdaan dareenkaas dareyeel ee ku wajahan naafada.

Anagoo ka faa’ideysaneyno Fursadaan, dareensan waajibka naga saran Naafada Soomaaliye waxaan ugu baaqeynayaa:-

1- Naafada:
· In ay dhowraan midnimadooda, xoojiyaan kartida maamul iyo abaabul ee Hay’adaha matala, kordhiyaan xiriirka ay la leeyihiin laamaha dowlada iyo Hay’adaha Bulshada.
· In ay kobciyaan kolsoonida ay naftooda ku qabaan, kana hortagaan si kalsooni ku dhisan faquuqa ka soo gaaraya bulshada.
· Inay dhisaan aqoontooda lana yimaadaan hal abuuro wax u taraya guud naafada iyo bulshada Soomaliyeed.

2- Dowladda:
· In ay diyaariso shuruucda daryeelka Naafada, ayna saxiixdo sharciyada caalamiga ah ee ku lugta leh Naafada.
· In ay dowladu u fidiso taageero dhaqaale iyo mid dhiirigilinba naafada, lana horumariyo ururada naafada.

3- Hayad’aha Horumarinta:
· Inay horumarinta naafada ugu talo galaan budget gaar ah.
· Inay ka qaybgeliyaan fursadaha shaqo iyo kuwa ganacsi ee ay bixiyaan.

4- Warfaafinta.
· In Warfaafinta Soomaaliya ay sameeyaan barnaamijyo, wareysigyo, dodo lagu wacyigelinayo bulshada, laguna soo bandhigayo dadaalada horumarineed ee ku wajahan naafada.

5- Ganacsatada
· In Shirkadaha ganacsiga ay bixiyaan fursado shaqo oo la siiyo naafadakartida u leh.
· In ay taakuleeyan naafada Soomaaliyeed.

6- Bulshada
· Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay u dhimriyaan Naafada, ka guuraan erayada dhaawacaya dareenka naafada, muujiyaana taageerada iyo dhiiri gelinta qeybtaan muhimka ah ee ka tirsan bulshada.
· In bulshada dhamaan laga soo bilaabo qoyska ay dowr weyn ka qaataan, waxbarista, xirfad u yeelida iyo horumarinta naafada.
· In dhamaan qeybaha bulshadu ka qeyb qaataan wacyi gelinta Naafada.
· In la aasaaso hay’ad bulshadu leedahay oo ka shaqeeya horumarinta Naafada.

Waxaa soo tebiyey

W/D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail amiinkhasaaro1/_ _@_/hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.