Home » Maqaallo »

Yaa Dhalay… Muxuu ku dhintay? | Qore: Cabdulqaadir Cabdi Diiriye


Warqad ay ku taxan yihiin magacyo ayaa la soo hordhigay kornayl Hafiye. “waa liiskii dadkii nagaga shahiiday dagaalkii dorraad” ayuu yiri wiilkii warqadda keenay.

Hafiye warqaddii ayuu hoos u eegay, magacyadu waa ilaa dhawr iyo labaatan. Dhalinta qoyska u dagaalanta magacyadooda ma wada yaqaan oo intooda badan waxay dhasheen intuu waddanka ka maqnaa. Hal hal ayuu u akhriyey isagoo isku deyaya bal inuu aabayaashood garto.

Laakiin maya, midna waa ka garan waayey. Dhawr goor hadduu ku noqnoqday oo uu weli wax ka garan la’ yahay ayaa wiil meesha taagnaa ku yiri “kornayl wiilka u horreeya soow ma taqaanid?”

“Een… waxaan u malaynayaa… Haa waa aqaan laakiin…waxaa dhalay miyaa… een” Wiilkii ayaa is yiri xasuusi oo ku yiri “waa ina Hebel, odaygii askarta ahaan jirey ee dagaalkii hore ku curyaamay” Hafiye waa garan waayey odayga iyo wiilkiisa midna.

Wiilkii ayaa mar kale ku celiyey “Soow ma xasuusatid maalintii aad dibedda ka soo noqotay, ee aan garoonka diyaaradaha kuugu nimi odaygii ku xambaarayey?”

“Maxaan ka naqaan… maalin walba mid aanan aqoon baa na xambaaree!”

Si walba oo la isugu dayey in la xasuusiyo waa lagu guulaysan waayey in Hafiye la xasuusiyo odayga wiilka dhalay.

Muuse oo meesha fadhiyey ayaa yiri “Kornayl dadkaan soow adiga kuuma dagaalamaan oo hoggaamiyahoodi ma ahid? Nabad ayaan ku noolayn… markii aad noo timi ayaa dagaal noogu horraysay dhawr iyo toban sano ayaad naga maqnayd. Hadda waxaad garan la’dahay…”

Hafiye ayaa hadalkii ka soo dhex galay “Adeer mar horaan idiin soo noqon lahaaye caruurta ayaan is lahaa inta ay ka weynaanayaan oo waxbarashadoodu ka hagaagayso ha soo cidlayn. Caruurta xil baa naga saaran”

Waa la aamusay. Raggii meesha fadhiyey mid walibaa hoos ayuu isula hadlayey, haddii xoogaa la aamusnaa ayuu Hafiye damcay inuu sheekada danab-tiro oo yiri “kolley wiilashaan dhintay waa naftood hurayaal… een shihiidiin, … muxuu ahaayeey… wax ka fiican in qofku isagoo dantiisa difaacaya dhinto ma jirto.. diinta waa wada taqaanaan ayaan  u malaynayaa”

Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradii meesha joogaty ayaa yiri “oo kuwaan dagaalamaya iyaga in wax la baro ma aha miyaa? Soow waalidkood xil kama saarna inay wax baraan?”

Hafiye ayaa yiri “Maya waa sax weeye… sax weeye in caruurta wax la baro, .. ilaa maalintaan imi waxaad markhaati iiga tihiin in aan wiilasha reerka wax barayey… waad ogtihiin maanta nikaan hubka isticmaali aqoon inuu khatar ku jiro, hadda si fiican ayey u wada yaqaanaan noocyada kala duwan ee hubka, bar tilmaameedka cadawga siday u beegsan lahaayeen.. yacnii.. hadda waa is difaaci karaan”

Muusaa yiri “wiilashaadu hubka wax ma ka yaqaanaan?”

“Sidee iila hadlaysaa? … maxay hub ku falayaan waa niman qalin iyo buug ku macaashee? Ilmahaygu meel kalay joogaan… ilmahaygu kuwiina waa ka duwan yihiin”

Xuseen ayaa yiri “oo maxay kaga duwan yihiin? Soo isku tol maaha…  isku dan maaha?

Hafiye oo hadalku dhibayo ayaa yiri “Haa… laakiin kuwaygu ma aha consumables*.”

Muuse ayaa yiri “ereygaas ma garan.. ma af qalaad baa… waa maxay?”

Hafiye  oo sii kacaya ayaa yiri “Iska daa… waxba maaha…iska daa!”

Arrintii waa sii murugtay, dadkii waxaa u muuqday in sheekadu meel iska qaban la’ dahay. Muxuu Hafiye caruurtiisa hubka u bari waayey oo jaamcadaha dibedda u geeyey? Haddii in dagaal lagu dhinto khayr tahay muxuu wiilashiisa qaangaarka ah mid ama labo u keeni waayey dagaalka? Wiilashii uu dagaalka geliyey magacyadooda see u garan waayey?

Raggii meesha joogay waxay is moodeen inay hadda riyo ka soo kaceen. Qof walibaa wuxuu si gaara uga fekerayey siduu ilmihiisa iyo kuwuu adeerka u yahay ugu tashan lahaa. Waxay hoos iska lahaayeen “dadku isku tolna waa yihiin kala danna waa yihiin, oo Hafiye markay caruurtiisii u qaan gaareen waxna u barteen ayuu jago iyo hanti inuu helo u soo noqday. Ilaa maalintuu yimi boqol iyo soddon wiil ayaa dagaalada uu bilaabay ku dhintay. Wiilashaasi waxay u dhinteen danta Hafiye. Dhammaan reerihii deriksa nala ahaa waa kala go’nay oo la isuma gudbo, baadidana la ismua celiyo. Nin walba oo reerka ah xoolihiisii wax badan ayuu u huray sidii dagaalada loogu gulaysan lahaa ama siyaasadaha Hafiye loogu taageeri lahaa!”

Mid-mid ayaa meeshii looga kacay iyadoo murugo iyo is ciil-kaambis hoos lala wada eegayo. Hafiye markii horeba wuxuu ka yaabanaa waxa dadku ku raaceen, hadda laakiin waxaa u muuqatay in ay adag tahay in mar dambe uu reerka olole dagaal geliyo. Waxaa u caddaatay in la gaaray waqtigii uu dib ugu noqon lahaa qurbihii uu ka yimi. Halkaasna waxaa ku burburay xamaasaddii indhaha la’ayd ee reerka dhawrka sano heehaabinaysay.

 

Cabdulqaadir Cabdi Diiriye

awjaamac2000  /_@_/ gmail.com

 

*Consumable: waa erey qalaad oo micnihiisu yahay (wax la isticmaalo oo markuu wasakhoobo ama dhammaado la iska tuuro, sida warqadaha afka lagu tirtirto, filterka gaariga, IWM)


 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Yaa Dhalay… Muxuu ku dhintay? | Qore: Cabdulqaadir Cabdi Diiriye "

  1. Asc Dhamaan Umada Soomaali Wayn Waxaan Leeyahay Kucibra Qata{QISADAN}Waa Hadaan Nahay Umad Wax Garata

  2. as wr …..Diirye waad mahad san tahay qisaadaan waa dhab ahaanti mid ka turjmasya xaaalada soomaalia ka taagan iyo sida ay raga hogaamiyaasha ah ay ..dhalinyarada soomaaliyeed dagaalka ugu jabiyaan isla markaasna ay danahooda gaarka ah ay ka leee yihiin ku fushadaan ..