Home » Faallo »

Muranka ka dhashay lahaan-shaha Jasiirada Suqada:

 

 

Jasiirada Suqadara (Socotra Island):-

Jasiirada Suqadara waxay ku taala bad-weynta India khadka joogiisu yahay 12, 30 waqooyi iyo khadka dheerarkiisu yahay 54 dhanka bari, wuxuu bariga soomaaliya u jira 130 mayl waqooyi bari Garda-fooy oo carabtu u taqaanay Ras Casayr, biriga koofur bari khaliij alcarab ee yemen u jirta 190 mayl .

Jasiirada Suqadara iyo dhawr jasiiradu oo kale waxaay raacsan jireen maamulka Saldanada almahra oo ahayd xarunteedu Jasiirada Suqadara. Dhulka almahra wuxuu u dhexeeya Hadarmuut iyo cumaan. Jasiiradaha kale ee hoos yimaada jasiirada suqadara waa shan jasiiradood oo yar yar waxaa ka mid ah: Cabdi AlKuuri, Darsam, Karacateen, alfaraacinah iyo Siyaad. Jasiirada cabdi alkuuri waxay u jirta Ras Garda-fooy soomaaliya 200 mayl, waxaa kale oo jira marsooyin yar yar oo ku yaala koofurta xeebta oo la yiraahdo Binder Saalax sida xaqiijiyeen ergo ka socotay ingiriisa xiligaas.

Jasiirada Suqadara waxay dheerarkeedu dhan yahay 72 mayl baaxadiisuna tahay 22 mayl, baaxada ay ku fadhido waa kun mayl (10002 ).

Caasimada Jasiirada Suqadara waxaa la yiraahda Xudeybo, Jasiirada Suqadara waa meel aad iyo bilicdeedu u sareeyso, waxaa dhanka sare kaga yaala buuraha Xajahiir oo dheerarkeed lagu qiyaaso 5000 feet, waxaa kale oo mara waadiyaal magaalada, waxaa kale oo dadku beertaan dhirta timirta oo aad looga istimaalo, dhirta timirta ayaa waxaa looga faa’iideysta siyaabo badan hadii ay tahay dhismaha guriyaha iwm, waxaa intaas u sii dheer falashada beeraha noocyadeeda kala duwan iyo xoolaha oo ay dhaqdaan dadka miyiga.

Jasiirada Suqadara waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 20.000 qof, dadkaas oo ku nool agagaarka xeebta Iyo meelo aan ka fogeeyn xeebta, dadka halkaas ku nool ayaa ka soo jeeda carab, hindi iyo afrika, xukuumada waa meheri, diinta looga dhaqmo waa muslin, Suldaanka xukuma waa suldaan bin cafrar, dhammaan salaadiintii xukumi jirta Suqadara waxay ka soo jeedeen qoyska bin cafraar oo ah

Saladiinta sida aadka ah looga xumeeyo dhulka almahra. Dadka muwaadiniinta asliga ah ee ku nool Jasiirada Suqadara inta badan waa dad ku nool dhulka buuraha ah waana dad aad iyo aad u dheer quwad badan.

 

Jasiirada Suqadara oo ahayd xarunta Saldanada Almahra, waxaana xukumi jiray Saldaan Ciise bin Cali bin Cafraar ilaa iyo 1964, waqtigaas oo ahayd markii uu ingiriisku ku daray Jasiirada Suqadara Kunfurta Jamhuuriyada Dimoqraadiga yemen.

Luqadaha:

Jasiirada Suqadara waxaa looga hadlaa luqada meheriga oo ah luqadaha ugu facweyn ka soo jeeda al-ximyar, waxaa kale oo looga hadlaa luqada Shixir oo ah luqada dadka asliga ah ee suqadariinta ah ay ku hadlaan waxayna aad ugu dhawdahay luqada meheriga, waxaa kale oo looga hadlaa luqado kale sida soomaali, sawaahili iyo hindi..

Sida aad la socotaan waxaa soo shaac baxaya warar badan oo ku saabsan halaanshaha Jasiirada Saqadara, Dawlada KMG ah ayaa waxay u qortay xafiiska Qaramada Midoobay qoraal ay uga hadleyso Jasiirada Suqadara oo ah Jasiirad ay la haanshaheedu lee dahay soomaaliya, sidoo kale ayaa dad badan oo soomaali ah ay hadal hayaan halaanshaha Jasiiradaas, markii ugu horeysay oo dawlad soomaaliyeed ay si toos ah u sheegato jasiirada suqadara, isku qasashaha dhul amase jasiirado ma ahan wax ku cusub dunida waa arrin ka dhex-dhalata dawladaha jaarka ah, waxaa loo baahan in si nabad galyo ah ay dawlad kasta ugu gudbisato maxkamada aduunka si loo xaqiijiyo cida malkiyadeed iska leh dhulka la isku hayo.

 

Sanadkii 1960 waxaa waxaa dhexmary muran ku saleysan xuduudaha Saldanada Cumaan iyo SaldanadaAlmahra, xuduudkaas oo ahaa waqooyi bari ee labada Saldano, murankaas oo ka dhashay baadiyaha Habruut oo ay daganaayeen qabiilada bin Sacbanaat oo ah almahra iyo qabiilada alkatiiri oo ah cumaani, muran daba dheeraaday ka dib waxaa halkaas ka bilowday dagaalo, waxaa meeshii dagaalku ka socday soo gaaray alwaalii Hamuud alqafiri oo wakiil ka ahaa Suldaanka Saldanada Cumaan si u soo indha-indheeyo wixii halkaas ka dhacay iyo khasaarihii ka dhashay dagaaladii, wuxuu isku dayay in uu dhax-dhexaadiyo labadii qabiil, nasiib daro bin rabakh oo ka socday alkathiiri ayaa ku gacan sayray in ay Habruut noqoto meel ay lee yihiin meherigu. Waligii Hamuud alqafiri ayaa ku baaqay in dagaalka la joogiyo lana xiriiro Suldaanka Suldanada almahra arrintana loo daayo labada Suldaan Cumaan iyo almahra oo kala ahaa Suldaan saciid bin taymuur (Cumaan) iyo Ciise bin Cali bin Cafraar (Almahra).

Saddex bilood ka dib ayaa waxaa fadhi iskugu yimid Suldaanka almahra Suldaan ciise bin cali bin cafraar, wasiirkisa ibraahim bin Khalid iyo wafdi uu hugaaminaayo Suldaanka Suldanada cumaan saciid bin taymuur, waaliga Dufaar, hogaamiyaha cidamada ingiriiska iyo mashaayiikh badan oo ka socda labada dhan, waxaa halkaas lagu dhameeyay khilafaadkii xuduudaha ee ka jiray halkaas.

Bishii July 1960kii ayay waxay heshiis ku kala saxeexdeen iyadoo ay u kala saxiixayeen Cumar Salim

Canshuur dhanka saldanada almahra iyo Hamuud alqafiri dhanka Saldanada Cumaan, waxaa kale oo goob joog ahaa master Heles oo ahaa la taliye dawlada ingiriiska.

Akhristoo waxaa loo baahan yahay cid kasta oo wax isku qabsata in loo maro dariiqa saxa ah oo waxa kaamagan aad ku heli kartid, marka hadii soomaaliya lee dahay jasiirada Suqadara, waxaa loo baahan yahay marinka saxa ah in loo baro, lakiinse su’aasha la isweydiinaayo baa waxay tahay

Waa goorma waqtigaas? Mase la hayaa cid maanta wax sheegan karta soomaaliya? Macnaheedu ma ahan in aan soomaali aysan lahayn jasiirada suqadara, waxaan ka hadlaaya waqtiga lagu jiro.

 

Qore : dahir hashi –mbc

London

dwarsame@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Muranka ka dhashay lahaan-shaha Jasiirada Suqada: "

  1. farascadde says:

    sxb daahri waa mahadsan tahay qoraalkaaga lakin khaladaad badan ba k buuxa oo ugu horeysa mida ah in somali hal meel kaso wada jeedo baan laiskuba waafaqsanayn , somalidu wa dad la isku keen keenay oo kuwo carab ka yimi iyo kuwo africa ka yimiba wa leeyahin , qabaaisha soomalidun midkasta inu meel gooni ah kaso jeedo ayu aaminsan yahay sida qabiilka isaaqa oo aamin san Nebi isaxaaq kaso jeedo iyo qabiilka daroodka oo isna carab kaso jeeda ..

    anigu nin carab saalah ah baan ahay kow dheh , jaziiradaasna wa arkay dad ka degani wa carab saalax ama meheri ismaaiil iyo daarood ismaiil oo dadku weliba wa yaqaanaan qabaaishooda , dhibka kelya ee haysta waxa weeyaan wa afcarabi bay ku hadlaan maaahane , luuqad kale oo looga hadla oo macno badan leh ma jirto oo aan af carabi ahayn ..

    Ugu danbye carab saalx marki ay somalia joogaa wa qabiil kamid ah majerten iyaga la degaan waxna la qaybsadaan , bal se waxa aaminsanahay inaan carab nahay waayo abtirsinyagai ayaaba mesha yaal , sido kale markasta wa u safarna yemen waxa degan dadkayagii oo na so dhaweeya marka wax ba soomaali ahna khiyaaliga iska ilow ..

    waayo soomaalida aad sheegaysa iyada ba origin iyo meel ay ka timi la garanayn , sido kale majiro oday soomaali la oran jiray oo dadkani kaso farcameen ..