Home » Warar »

Ciidamada Amisom Duqeyn ay ka geysteen Muqdisho oo ku diley Lamaane Aroos ahaa

Iyadoo weli ay sii socdaan Dagaalada Muqdisho Gaar ahaa kuwa ka socda Degmooyinka Hodan iyo Howlawaadaag kaasoo u dhaxeeya Ciidamada DFKMG oo garab ka helaya Ciidamada Amisom iyo Xarakada al shabaab, waxaayna dagaaladaan soo bilowdeen Todobaadkii la soo dhaafay waxaana xaqiiqo ah in galaafteen Noloshada dad fara badan oo Rayid ahaa kuwaas oo Guryahooda ugu tagtey Madaafiicda la isku adeegsanayo.

Dagaaladaan oo Saameeyn ku yeesheey Suuqa Bakaaraha ka dib markii uu dagaaladu ku soo dhawaadeen ayaa labada dhinac waxay ku dagaalamayaan Gacan ku haynta Suuqa Bakaaraha oo ah Goob Muhim u ah marka la fiiriyo Jidadka Magaalada Muqdisho waayo waxaa suuqa soo gale Jidad waaweyn oo isaga gudba Magaalada Muqdisho.

Dagaalada Muqdisho ayaa waxay kaloo sababeen Barakac aad u weyn ka dib markii dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku harey Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay bilaabeen in ay halkaa ka baxsadaan, sidoo kale waxay sababeen in dad fara badan ay ku dhintaan islamarkaan waxaa Isbitaalada Muqdisho la gaarsiiyey dad fara badan oo dhaawac kuwaas oo qaarkood la sheegeyin Xaaladooda laga dayrinayo.

Madaafiic ay Tuureen Habeenkii xaley ahaa (Isniin soo gelesey) Ciidamada Amisom gaar haan Qoriga loo yaqaan BM-ka ayaa waxaa ku habsadey Guri ku yaal Xaafadda Yaaqshiid gaar haan Towfiiq , waxaa Gurigaa ku sugnaa lamaanayaal Aroos ahaa kuwaas oo la sheegey in ay halkaa ku dhinteen waxaa kaloo la Geeriyoodey dad kale oo Eheladooda ah, waxaa kaloo ku dhaawacmey dad kale oo iyana la sheegey in u yimaadeen Lamaanihii Arooska ahaa.

Haweeney ka badbaadey Masiibadaas qabsatey Lamaanahyaashaas ayaa mar ay u warameysey Warbaahinta waxay tiri “Saan Maalinkii oo dhan ugu jirney Farxad iyo Rayn-Rayn ayaa waxay arrintu isku badeshey Baroor iyo Murugo dhiig qulqulaya Gurigii Caruusyada waxay indhaheeygu qabteen Labadii ruux ee arooska ahaa oo si xun u dhintey waa Masiibo aad u weyn” waxay sii raacisey “Haddii Ciidamada Shisheeye la weydiiyo maxaad Madaafiicda ugu garaacdeen dadkaas rayidka waxaan ogahay in ay ku jawaabayaan “waxay Garaacney Goobo saldhig u ahaa Xarakadda Alshabaab marka layaab ma leh waa mid ka mid ah Masiibooyinka Haysta Shacabka Soomaaliyeed ”

Ciidamada Amisom ayaa markii dagaalada la galeen Xarakada Alshabaab waxay Caado ka dhigteen in goobo ka baxsan Halka lagu dagaalamayo ay madaafiic ku soo Garaacaan taasoo waxyeelo ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaasoo Guryahooda ugu tagtey Madaafiicda aan loo meel dayin waxaan Isbitaalada Muqdisho ka buuxa dad waxyeelo ka soo gaarto madaafiicda ay tuurayaan Ciidmada Amisom, sidoo kale Dowladda Faderaalka KMG ayaan ka hadlin Xasuuqaas loo geysanyo Shacabka Soomaaliyeed marka laga reebo Xildhibaano fara ku tiris ah oo Cambaareeyey Xasuuqa Ciidamada Amisom .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Ciidamada Amisom Duqeyn ay ka geysteen Muqdisho oo ku diley Lamaane Aroos ahaa "

  1. sh. c.qasim says:

    asc bacdal salaan anoo ah macaamiisha joogtada ah ee akhrista mareegta somalitalk.com .
    waxaan idinka codsanayaa in aad mareegta usamaysaan facebook ama ku xirtaan .
    waayo hada waxaan rabey warkaan in aan galiyo facebook.com lkn iima qaadanayo outmatic ahaan. hadii uu leeyahay oo uu qarsoon yahayna meesha uu ku jiro noo so shega .
    shukran . fiii amaani llaahi

  2. Khowla says:

    Aslaamu caleykum wr wb walaalaha islaamka aad baan uga xumahay dhibka soo gaari dadka soomaliyeed ilaah waxaan ka bariyi in uu shuhadaa ka dhigo kufaar la soo ijaartey baa dishay walaahaas arooska ahaane ilaah xururul cayn ha isaga dhigo, dhib waliba oo na soo gaaro inaga baa gacmaheen ku donanay kuwaan dalimiinta ah oo dowlada isku sheegi ilaah umada ha ka qabto waa dad la soo wada dirsaday iyo calooshood u shaqeysatayaal walaalayaal ijhaadka wadanka ka socda ha la tageero yaan shaki la idinka galin gaalo iyo gaalo raac in islaam wadanka lagu dhaqo ma rabto in aan itoobiyo kenya hoos tagno la rabaa hurdada ha laga tooso ilaahna ha na sugo dhamateenba barakalaahu fikum wcwrwb

  3. somali mama says:

    inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto intii dhimatay masiibada gaaladana ilaahay intaa ha inooga koobo

  4. Bilqeyr says:

    INAALILAAH”””’
    waa wax aad looga naxo farxad isku bedeshay naxdin’
    laakiin eedu lama saari karo Amisom waayoo ayaga kaligood wadanku isma keenin waxaa keensaday dowlada marwalbana shacabka dhibaatada gaarta waxa ma’uul ka ah dowlada dowladana ma daneyso markii ay waxyaabahaas oo kale ay dhacaan marka amisom haddiiba ay dowladu ku amreynin in shacabka dhibaato la gaarsiin ayagu waxba kama qusayan dhibaatada shacabka waxay doonan bey sameynayaan.

    waxa isweydiin mudan shacabka somaliyed ee ku aqalgalayo muqdisho gudaheeda miyeysan damiir laheyn oo ay ka fikireynin in meel dagaal joogtaa uu ka socdo in lagu aqal gali karin inlaga guuro mooyaane.