Home » Warar »

Kulankii Labaad oo lagu heshisiinayo Labada Shariif oo mar kale isugu yimaadeen ka dib markii uu Cadaadis kaga yimid…

Warar aan ka helney Xarunta Madaxtooyada DFKMG ayaa sheegeya in Arbacadii kulankii labaad ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan , waxaana kulanka labaad ee dhexmaraya Labada Shariif ka soo shaqeeyey Guddi iskood isku xilqaamey kuwaas oo doonaya in ay soo afjaraan Khilaafka labada dhinac ee Muddo soo jiitamayey kasoo ragaadiyey Howlahi Dowlada Federaalka.

Kulankii Hore ayaa waxaa lagu waramey in labada sheriff ay isku afgaran waayeen ka dib markii Shariif Xasan uu ku adkeystey in doorashada madaxweynaha ay dhacayso inta aan la gaarin Bisha Agoosta taasoo la sheegey in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka biya diidey isagoo sheegey in waqtiga aan la qaban Karin wax doorasho ah maadaama dalka ay ka socdaan Dagaalo u dhaxeeye DFKMG iyo Xakada Alshabaab waxaana la sheegey in kulankaas uu ku dhamaadey Fashil.

“Baarlamaanka ayaa ku doortey Xili bay kuu doorteen in aad Xilka hayso , waqtigaadina waa kaa sii dhamaanaya marka waa in aad u soo diyaar garowdaa Doorasho” ayaa laga soo xigtey in uu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka oo intaa raaciyey “waxaa uu Baarlamaanka uu ka soo horjeedaa in Axdiga Ku meel lagu tunto”

“Xaaladu Markey adag tahay Axdiga Ku meel gaarka ayaa ii ogolaanaya in aan waqti dheeraad ah ku darsano sidaa darteed maxaa ii diidaya in aan waqti ku darsado adinka oo Baarlamaankii ah waxaa ku darsateen Sadex sanno marka waa in aan isugu nimaadnaa meel dhexe oo ah in aan dhamaanteen ku darsano min hal sanno” ayaa laga soo xigtey in uu yiri Shiikh Shariif oo sheegey in Waqtigaan loo baahan yahay in Hayadaha Dowlada ay wada shaqeeyaan si looga gudbo Mar xalada adag ee haatan dalka uu marayo.

Kulankii Arbacadii ayaa waxaa lagu waramey in intii uu ka socdey Muqdisho ay soo gaareen Wafdi ka socdey Midowga yurub waxaana hogaaminayey xubin ka socotey Dalka Norwey waxaana markiiba kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana kulankaan la iskula soo qaadey sidii Dowladda FKMG u wajihi lahayd Xaaladda Kala Guurka isla markaana loo dhameeyn lahaa Khilaafka labada Shariif .

Midowga Yurub ayaa hore u sheegey in ay Goosaneyso Dhaqaalihii ay siin jireen Dowladda Federaalka ka dib markii uu Khilaaf soo kala dhexgaley Labada Shariif, wuxuuna Midowga Yurub sheegey in waqtigaan loo baahan yahay in la qabto Doorashadii Madaxweynaha waxaana Go’aanka Midowga Yurub soo dhaweyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan .

Raga siyaasada u dhuun daloola ayaa waxay sheegayaan in ay adag tahay in la heshiisiiyo labada Shariif, waayo Gudoomiyaha wuxuu u doonayaa in uu dalka ka noqdo Madaxweynaha soomaaliya halka Sheikh Shariif uu doonayao in uu ku sii fadhiyo Kursiga Madaxweynaha isla markaana wuxuu doonayaa Shiikh Shariif in mar kale dib loogu doorto Xilka Madaxweyninimada Soomaaliya iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa lagu waramey in haddii ay heshiis ku gaari waayaan kulamadaan ka socda Magaalada Muqdisho in mar kale labada Shariif ay ku kulmi doonaan Magaalada Nairobi si loogu Cadaadiyo in meel dhexe la isugu yimaado oo ah in dhamaantood loogu darro min hal sanno Sanadka soo socdana la qabto Dooorashadii madaxweyninimada hadii taasi ay yeeli waayaan waxaa laga yaabaa in labada Shariif ay waayaan xilalka ay maanta hayaan waana mida ay ka cabsanayaan Guddiga dhexdhexaadinta oo isagu ku dadaalaya in la dhameeyo Khilaafka labada Shariif .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulankii Labaad oo lagu heshisiinayo Labada Shariif oo mar kale isugu yimaadeen ka dib markii uu Cadaadis kaga yimid… "

  1. mr.maxamed. says:

    waxan layab shidada 2 sheikh shariif iyo dhibatada aay wadan iyo sida calamku uga hurdo,oo aasan go’aan cad uga qadan oo kahadlan maxay adunka ku’akhriyen miiye dafaful yaqanin,mid kale wax sharici ah mayaqanin oo waligod dawlad uma so shaqan misana xishon mayan dadka wax yaqan sida oo kale masaman karan.