Home » Warar »

DFKMG oo u muuqata mid u kala qaybsantay Isbahaysigii Asmara iyo Dowladdii Imbagathi,

Xildhibaano gaaraya ilaa 30 xildhibaan oo ahaa guddiga Doorashada oo lagu waday in ay siminaar u tagaan Magaalada Nairobi ayaa mar ay ka duuli rabeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa hor istaaga ku sameeyey ciidamo ka tirsan PIS oo amar ka haystay wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana garoonka ka dhacay gacan hadal dhex maray ciidamada PIS iyo xildhibaanada Baaralmaanka, taasna waxay keentay in Diyaaraddii qaadi lahayd xildhibaanadaas ay isaga cararto Garoonka, waxayna xayiraaddaasi sidoo kale saameysay dad rakaab ahaa oo raaci lahaa diyaaraddaasi.

Siminaarkaan oo lagu waday in uu ka dhaco Magalada Jabuuti ayaa waxaa joojintiisa ka dambeeyey Madaxweyne Sheekh Shariif oo dadaal dheeraad ah u galay isagana daba laabtay Jabuuti isagoo ka codsaday Dowladda Jabuuti in aan siminaarkaas lagu qaban Magaalada Jabuuti, waxaana markii dambe loo wareejiyey Magaalada Nairobi, waxaana siminaarkaan qabanqaabadiisa lahayd hay’ad lagu magacaabo NDI (National Democracy Institute) oo ah Hay’ad qaabilsan in ay tababaro siiso dadka loo soo xulo in ay qabanqaabiyaan Doorashooyinka Madaxweynimada.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo siminaarkaas u socday habeen ku baryey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada AMISOM ay u sheegeen in nabadgelyadooda halis ku jirto isla markaana aysan ku laaban karin hoteeladii ay ka yimaadeen, waxayna AMISOM sheegtay in ay soo gaaray warar sheegaya in la doonayo in la waxyeeleeyo xildhibaanadaasi.

Ragga siyaasadda u kuurgala ayaa waxa ay sheegeen in talaabada uu qaaday Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku saxsanaa waayo ayay yiraahdeen haddii Sheekh Shariif ogolaan lahaa in xildhibaanadaasi ka qaybgalaan siminaarkaas wuxuu ahaan lahaa nin is xagal daacinaya, sidoo kale waxay sheegeen in Shiikh Shariff uu Galka ku celiyey seef kusoo socotey, waxay kaloo tibaaxeen in Sheekh Shariif looga baahan yahay in uu ku adkeysto in xildhibaanadaasi ka bixin Magaalada Muqdisho, basle haddii waawaan iyo wada hadal lagu dhameeyo waxay timlaameen in ay qiilqiil galeyso madaxtinmadiisa maadaama uu horey u sheegay in mudo hal sano ah uu ku darsaday xiligaana aan la qaban karin wax doorasho ah maadaama dalka ay ka jiraan dagaalo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Xarakada Alshabaab.

Dhinaca kale Dowladaha lugta ku leh arrimaha Soomaliya ayaa waxaa laga yaabaa in ay ka soo horjeestaan ficilka Sheekh Shariif waayo waxa ay ku marmarsiyoonayaan in Dowladda Sheekh Shariif tahay dowlad Diktatoori ah oo aan ku dhaqmin nimdaamkii loo aasaasay ee dhinaca Dimuquraadiyadda, sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuquraadiyadda C/llaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Sheekh Shariif ay tahay dowlad u xuubsiibatay Dowlad Diktatoor ah, isagoo sheegay in ay caadeysatay waxyaaaaha ka dhanka xaquuqda aadanaha iyadoo dhowr jeer oo hore xarig u gaysatay dad aan waxba galabsan iyo in meel looga dhacay xildhibaanada Baarlamaanka wuxuuna tilmaamay in taasi Dowladda Sheekh Shariif ku keeneyso burbur iyo fashil, C/llaahi Sheekh Xasan ayaa tibaaxay in kullan dhawaan ka dhacay Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho ay isugu yimaadeen raggii ka tirsanaa Maxaakiimtii Islaamiga ah, wuxuuna sheegey in kulankaas lagu go’aansaday in si weyn looga hor tago qabqablayaasha dagaalka iyo ragga la safan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha DFKMG Sh Shariif oo wax laga weydiiyey xayiraaddii la saaray Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa laga soo xigtey uu sheegay in xildhibaanadaasi ahaayeen kuwo musiibo soo waday, wuxuuna sheegayin ciidamada ammaanku ku saxsanaayeen inay hor istaagaan isagoo ku tilmaamay in ay ahaayeen guddi aan cidna wakiil ka dhigan.

Ugu dambeyntii waxaa muuqata in Dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti 2009 ay ahaatan u muuqato mid u sii qaybsami rabta labo qaybood oo kala ah Isbahaysigii Asmara iyo Dowladdii Imbagathi, iyadoo dowladaha ku lugta leh arrimaha Soomaaliya lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa ka shaqeynaya iska hor keenida Dowladda Federaalka mana muuqato saansaan la isugu soo dhaweynayo mas’uuliyiinta uu khilaafku u dhexeeyo sidii dhacday dowladdii C/llaahi Yuusuf madaxda ka ahaa oo faragelin toos ah ku sameeyeen dowladaha daneeya arrimaha Soomaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " DFKMG oo u muuqata mid u kala qaybsantay Isbahaysigii Asmara iyo Dowladdii Imbagathi, "

  1. Togane says:

    Aniga waxaaan qabaa in aanan lagu eedeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka adeegsiga dhaqaalaha ee la sheego. Sababtoo ah waa dhaqan 100% ka waangsan adeegsiga Qabyaalada iyo Qoriga oo 20sano aan u afduubneyn!

    Waxaanse kaloo kusii darayaa haddii eedeynta Dhaqaala ay dhabtahay waxa jiro rag badan oo Shariif Xasan ka dhaqaalo badan oo iibsan kara dhamaan Xildhibaanda, Ciidanka iyo Cabinetka TFG ka kooban tahay!

    Ee meesha wax kalaa jiro oo u baahan in laga dhab sheego.

    @Osman, Walaal point wanaagsan ayaad ka hadashay, waxaase ku waydiinayaa Garyaqanka, Xeerilaaliya, Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Taliyayaasha CQS, NSS, Asluubta iyo Booliska, Afhayeenka Dowlada oo dhamaantood la magacaabay hal bil gudaheed , bishaasoo ah markii murunka madaxda dowlada soo ifbaxay , makula tahay in ay ka madaxbanaan yihiin Siyaasada?!

    Taliyayaasha Ciidanka iyo Madaxda Maxkamadaha waa in ay ahadaan dad aan lagu aqoonin eex iyo dhinac u hiilin waana in ay raali ka wada yihiin dhamaan qeybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay dowlad , waliba midan TFG oo ah dowlad kumeelgaarka ah loona dhisay si CONCILATORY ah oo aysan ahayn dowlad matasha shacabkeeda kana heysta sharciyada.

    Maadaama arrimhaas kore aan u jeedno waxay ila tahay in aannan lagu eedeyn karin Guddoonka Barlamaanka in uu rag asiga taagersan magacaawdo, haddii sidaas la yeelaso waxay na tuseynaa in aan ukala safaneyno laba aan isdorin.

    Waxa Villa da ka socda waa DRAMA ay kasbadeen Soomaalida diiday in si cadaalad iyo sinaan ah wax lagu wada qeybsado, ilaa cadaalad iyo sinaan loo wada dhan yahay aan la ogalaana sheekadan ayaa marwalba waji cusub iyadoo leh aan daawan doonaa.

  2. Osman says:

    Guddi doorasho oo shaqo u socoda in la joojiyo waa sharci darro.
    Laakiin waa kuma guddiga doorasha ee aan ka hadlayno?
    Guddi doorasho qaran (national electoral commission) waa xubno qaran oo siyaasad ka madax bannan oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee siyaasadda, bulshada iyo garsoorkaba oo lagu soo xulay aqoon, kalsooni aaminnimo iyo sumcadda ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin, ayna sooxushay ciddadastuurka qaranku u awood siinayo xuliddooda kaddibna loo gudbiyey baarlamaanka markuu ansixiyeyna loo sii gudbiyey madaxweynaha, halkaasna uu soo saxiixay, sharcina noqotay jiritaanka iyo awoodda shaqo ee guddigaas.
    Suaashu waxa weeyey ma haynaa guddigaas?
    Jawaabtu waa maya?
    Halkaan waxan ku haynaa xubno uu soo qorey guddoomiyaha baarlamaanka oo aan meel kale oo loo gudbiyey jirin islamrkibana u ambabaxayay siminnaar loogu talo galay guddiga doorashada qaranka Somaliya(national electoral commission) inay ku soo qaataan Nairobi si caalamku ugu aqoonsado inay yihiin guddigi doorashada qaranka Somaliyeed.
    Ayaga oo la ogyahay inaysan qarsoonayn guddoomiyaha baaralamanku inuu yahay musharrax madaxweyne.
    Halkaas waxaa ka cad Guddoomiyaha oo dhawr jeer jagada uu hayo ka tegey khilaaf uu lugaha kula jirey awgeed haddana si sahlan isaga kala taallabay jagooyin muhiim ah oo qaranka haadana aan maqlaynay gawaari qaali ah inuu u qaybinayay xildhibaanno ku feker ah in uu awooddi qaranka iyo sharcigiba gacanta ku duubtey asaga oo adeegsanaya dhaqaale,

    Haddi xukumaddu awood dawladeed dul dhigtey si loo soo celiyo nadaamka iyo kala dambeynta, cid walibana shaqadeeda loogu tilmaamo habraaca shaqada qarankana cid waliba awooddeda wax ka baxsan inaysan sameyn karin, waa arrin aan anigu la dhacsanahay.

    Xilliga uu guddomiyaha baarlamaanku baabuurta qaaliga ah qaybinayo shacabkiisi uu wakiilka ka ahaa oo meesha ku fadhiyey in in ay abaar dubatey oo naf go’ayso baahi darteed iyo harraad miyuusan ogeyn.

    Waxan lerennahay NGO ma aha qaranka Somaliyeed, loollan jago loo loollamana Somaliya waa ka daashayee sharciga nin waliba inta uu u oggolyahay shaqada ha uga ekaado illaa inta shacabka Somaliyeed ka helayaan fdursad ay ayagu codkooda ku doortaan qofka ay rabaan kana maarmayaan baarlamaankakaan qabiilka 4.5 lagu soo dhisay oo markiba laba u kala safanaya.

    Madaxweynahana waxan leennahay dalka doorasho lagama qaban karo hadal maaha mana lagaa yeelayo keligaana dalka taladiisa iskama ihid ee indhaha kala qaad.waa in guddi madax bannanarrintyaqiimaysaloo saaraa haddi ay gio’aamiyaan in doorasho la qabtona aqbal sida ugu dhakhso badan, guddi doorasho qaranna waa loo baahanyahay ka hor intaan doorashada la sameyn guddigana si sharci ah oo laga wada raalli yahay iyo shaqsiyaad u qalma oo heer qaran ah hallaga soo xulo.arrinkana si wada jir ah halloo sameeyo inta aan la gaarin august oo hadhow talo fara ka bixin. Hana la joojiyo nin waliba goonnida uu keligii wax isaga wato ama ku saleynta go’aankiisa damaciisa shakhsiga ah ama hebel iska dhci waayo masuuliyaadda aad u wada dhaarateen waa danta shacabkaas dhibaateysan inaad ka shaqaysaan ee maaha danahiinna iyo jagooyinkiinna inaad ilaashataan..