Home » Announcements, Warar »

Dhibaato naxdin leh oo haysta wiil Soomaaliyeed oo badbaado u baahan

Buuhoodle (Radiolaascaanood)—-Jaamac waa 23 jir ka soo jeeda qoys raacato ah oo degga baadiyaha u dhaxeeya Buuhoodle iyo Laascaanood Jaamac waxaa Bakteria kaga beerantay lugta midigta taas oo ku fidaysay jidhkiisa mudo hada gaadha shan sano.

Sawiro dheeraad ah halkan ka daawo (Digniin: dumarka uurka leh iyo dadka aan xamili karin sawirada naxdinta leh fadlan ha furin)

Jaamac waxa uu kasoo jeedaa qoys aan dhaqaalo xigto u ahayn isla markaana aanay nooga muuqanin tiro ama ciidan u qaybsama hayntiisa iyo raad caynta noloshooda kale

Jaamac waxaa laga qabtay jeeniga midig ee lugta ka dibna waxaa muddo lagu sheegayay Fiix,Hudhe,iyo waliba faaliyayaal iyo fooxiyayaal alle ka fog oo ku tilmaamay in uu dilay bahal hoose taasina keentay in khuraafaadkaa la aamino oo sidiisa loo daayo.

Arintaasi waxa ay sababtay in lagu dayaco xanuunkii mudada intaa le’eg qoyskoodana ay isu raacday ilbaxnimo la’aan ,dhaqaale xumo taasina ay kalifto in ay ku dhowrtaan cudurkii waxaa kale oo aan marna helin Maxamed Ayaanle Ducaale oo wiilka aabihiis ah cid ku dhiiri galisa in uu dhakhtar uqaado

Siduu noo sheegay Maxamed wuxuu arkaa wax yiraahda waxaad haysato shan laabkeed ayaa ku baxaysa taas oo iyaduna noqotay mid rajadii wiilka quus ka galisa

Hadaba xogaha war baahinta iyo waajibaadkooda ayaa sababay inmaalin kahor ay nasoo gaadho xogta Jaamac Maxamed Ayaanle oo 23 jir ah iyo Daabiyadii uu duleedkeeda yaalay goobtaas oo u dhaxaysay Banyaal iyo Dhilaalo

Hadii daabiyadii aanu tagnay nalooga tilmaamay waxaanu ugu tagnay meel nagu qaadatay in aanu waqti 3km ah usocono halkaas oo aanu ugu tagnay qoyska Maxamed Ayaanle iyo geedka uu geerida ku sugayo Jaamac yare oo sida muuqaalkan hoose ka muuqata ka durugsan guriga waxaa aanuna utagnay Jaamac iyo aabihii oo geed ku wada sugan

Runtii dhinaca dabaylka oo aan iska taagay waan hayn waayay urta Jaamac hase ahaatee waxaan ugu adkaystay da’ada Jaamac yare iyo Jahliga nolosha kasii wada ee geerida u daayay

Jaamac xuskiisu wuxuu aha mid dhamaystiran qalabkii iyo labiskayagiina wuxuu kusoo celiyay mooral nololeed markaan dib uraaco waraysigii aabihii aanu ka rabnay iyo sida uu jawaabaha qaarkood uga boobayay ama uu uguba saxayay

Hadaba iyada oo lagu jiro bil Ramadaan oo ah bishii barakada iyo khayrka wuxuu cudurk Jaamac yare iyo heerka uu marayo xiligay kaga bogan karaa eegmada muuqaalka hoose

Waxuuna qofkasta oo muslim ah oo qalbigiisa naxariisi ku jirto uga baahan yahay Jaamac yare caawimo,wax tar iyo halkii dabiib ugu dhow deeq iyo arinba

Inkasta oo uu warka Maxamed iyo cudurka Jaamac yare ee aanu laso kulanay intaa ku eg yihiin waxaanu u kordhinay bal in uu Maxamed Ayaanle noo sheego cida ugu dhow ee lagala soo xidhiidhi karo iyo ciwaankiisa inkasta oo ay ku adkaatay oo ay ku adkaatay arintaasu waxa aanu isla saxnay maskaxdiisana kayimid Bashiir Daahir Cilmi oo aanu anaku markii danbe xidhiidh lasamaynay isago oo amaanadaa loo igamaday balan qaaday ciwaankiissa iyo talephone kiisuna hoys ku qoran yihiin shakhsi ahaan ay ehel dhow yihiin Mamaxed Ayaanle na uu door biday in cidii wax tar iyo hor ilaahy iyo maalin aakhiro wax ugu gaysanaysa in ay kala soo xidhiidho ciwaankaa.

Sawiro dheeraad ah halkan ka daawo (Digniin: dumarka uurka leh iyo dadka aan xamili karin sawirada naxdinta leh fadlan ha furin)

albashiir19@gmail.com / ama tellka +25224490000 Bashiir Daahir Cilmi

Cidii kaloo dibadda sadaqad lagu daaweeyo wiilkaan ka geeysanaysana waxaad isna kala xidhiidhi kartaan axmed maxamed cali qodax Email.qodax32@hotmail.com

Telefoon=00965,97935094 Kuwait

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dhibaato naxdin leh oo haysta wiil Soomaaliyeed oo badbaado u baahan "

  1. abukar says:

    as/c walaal ilaahay qayr ha idin siiyo laakiin wiilka qaabka loo dawayn karo maadna xusin dadkiisana wax xiriir ah kama haysaan

  2. c/fatax dhere says:

    s/c ilahey ha u fududeeyo wilkan maskinka ah,hana ku sabro dhibkaas,ilaa inta ilaaheey faraj kheyr qaba ka furaayo s/c

  3. jeyte says:

    Allaha Caafiyo wiilkan