Home » Warar »

Golaha Wasiirada DFKMG: “Waa in doorashada dib loo dhigo ilaa Agoosto 2012”

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada DFKMG ayaa sheegay in ay sii adkeenayaan “go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah illaa iyo Agoosto 2012” iyo “In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka”.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan:

War Saxaafadeed 030/2011

Go’aanka Golaha Wasiirrada

(Muqdisho, Axad, 24 April 2011): Shir ay yeesheen Golaha Wasiirradda maanta 24ka April, 2011, uuna shir guddoominayey Ra’iisul-Wasaaraha Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday xaaladda adag ee uu dalku ku jiro.

Hadaba Golaha Wasiiraddu:

• Markii ay tixgeliyeen xaaladda nabadgelyo xumo ee waddanku ku sugan yahay;

• Markii ay tixgeliyeen guulaha iyo horumarka ay dowladdu ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta Al-Shabaab;

• Markii ay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo, lana dhameystiro;

• Markii ay tixgeliyeen duruufta adag ee dalku ku jiro: abaaro ba’an, barakac baahsan, dagaal dhimasho iyo dhaawac maalin walba sababaya, jabka ku dhacay Al-Shabaab & Al-Qaacida iyo sida ay u kala daadsan yihiin;

• Markii ay tixgeliyeen go’aannada iyo baaqyada ka soo baxaya dowladaha ciidamadoodu dalka joogaan, qaar ka mid ah beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed;

• Markii ay tixgeliyeen go’aankii ay horay u gaareen Golaha Wasiirraddu ee ahaa in dib loo dhigo waqtiga doorashooyinka Madaxda Dawladda muddo hal sano ah si aan loo wiiqin horumarka amni ee ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah loona dhamaystiro hawlaha ka dhiman xilliga kala guurka;

• Markii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay Dawladaha Bariga Afrika madaxdoodu la garab istaageen go’aankii Xukuumadda ee ku aaddanaa in doorashooyinka Madaxda Dowladda dib loo dhigo muddo hal sano ah;

Haddaba, Golaha Wasiirradu:

1. Waxey go’aamiyeen in xaaladda waddanka uu ku jiro aanay suurtogal ahayn in doorasho la qabto waqtigan;

3. Wuxuu sii adkeeyey go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah illaa iyo Agoosto 2012, si ay ugu suuragasho in la dhamaystiro hawlaha amni iyo siyaasadeed ee socda;

4. In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka Soomaaliya;

5. Ugu danbeyntii Golahu waxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed, iyo beesha caalamka inay taageero buuxdo nagu siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan.

Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta Xafiiska Xiriirka Warfaafint

Address: MIPT Headquarters, near Villa Somalia, Mogadishu, Somalia Tel: +252-50-941 040 Email: tfgsomalia@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Golaha Wasiirada DFKMG: “Waa in doorashada dib loo dhigo ilaa Agoosto 2012” "

  1. Ordaaye says:

    Waxaan la yaabaa maxay madaxda Soomaalida mar walba u baraarugaan saacadda u dambaysa. Qoladaan ku qanacday inay wasiiro noqdaan waxay ogaayeen inuu waqtigu ku egyahay Agot 2011.

    Kursi isku dhejin looma baahna, hadaad wax qabateen waad mahadsan tihiin, meesha baneeya dad badan ayaa dibadda jooga oo laga yaaba inay idinka fiicnaana lahaayeen, iyagana fursadda siiya.
    Dad wanaagsan hadaad tihiin kii yimaadaba wuu idin magacaabi.

    Waxaa dhib ah in kursiga qori la idiinkaga qaado intaad isku dhejisaan.

  2. WAA SOO DHOWAYNAYNAAA BAAQA DAWLADDA TFG DA

    WAXAN KU DAARI LAHAYN

    1-BARLAMAANKA FARAHA BADAN WAA IN LA YAREEYA LAGANA DHIGAA QIYAASTI ILAA 240.

    2-WAA IN WADA SHAQAYNTA IYO DADEJINTA MAAMULKA EE HEER GOBOL,DEGMO LA XOOJIYA HAWSHAAS WASARADDA ARIMAHA GUDHU WAA IN AY WAJAHDA SI DHAKHSO AH.
    3-WAA IN OO LAXA LAGUNA XISAABTAMA DHIBATADDA HAYSATA SHACABKA SOMALIYEED EE AY HAYSATO ABAARTA ,COLAADDA,KHILAAFYADDA BELEED.
    4-WAA IN RAGGA BARLAMANKA KU JIRA EE CADAYSTAY KHILAAF ABUURKA,KHIYANADDA DHAQALE WAX LAGA QABTA

  3. khamiis says:

    asc waraxmatullah
    horta waxaa is waydiin mudan Baarlamankaan lasheego maxay u hayaan
    Dadka iyo Dalkaba?
    illaa hadda wax ay uqabteen majiro waayo mid kaliya oo Gobolkuu kayimid tagay ama tagi karo majiro
    waxaan culays ka aheen oy qabteen majiro
    markoodii horana wax doortay iyo wax dirsaday malahan
    waxay ka kooban yihiin labo group
    250 kii hore waa hogamiye kooxeedyadii iyo tuugo
    250 ka danbana waa kuwii dibadaha katagay oo ku fail garoobay
    kuwaas oo dayacay ciyaalkoodii iyo xasaskoodii
    wax la is barbar dhigi karo mahan iyaga iyo Shariif lasoo gamay iyo Armaajo wayo waaba ladoortay kuwaan
    waxay astaahilaan in lawada xirxiro kurtood waa NIJAASO waxaan Baarlamanka lagu sheegaayo oo uu SAKIIN horboodaayo

  4. ali says:

    Dowlado shisheeye cidna mudada uma kordhin karaan .
    Howsha waxay u taal somalida wixii ay yeeli lahaayeen .
    Waxay ila ahayd Wasiirada “Teknookaraatka” in ay somaliya ka caawini doonaan ku dhaqanka demoqaradiyada ay ku soo arkeen yurub iyo maraykanka nasiibdarro taas way beenowday .

  5. Omar says:

    madaxweynaha iyo raiisul wasaarihiisa Saddex arrimood midkood ayaa la gudboon.

    In ay toos isugu diyaariyaan doorasho oo haddaba sii diyaar garoobaan marki waqtigala gaaranaisasoosharraxaan.
    2, in ay siyaasadda isaga baxaan oo madaxweynuhu is casilo xukuumaddiisana iyo raiisulwasarihiisana meesha ka baxdaan.
    waayo way arkayaan guddomiyaha baarlamaanku waa nin caadi u diran oo dawlado shisheeye soo dirsadeen damacna la geliyey oo kolley madaxweyne inuu noqonayo ama wax la mid ah loo sheegay. wixi loo soo direyna fulinaya, baryo iyo wada hadalna aan boos uga bannaanyn. Danna kama laha ninkani sida dhaqankiisa ka muuqata wixi burburaya iyo wixi kale. Haddii haddaba Somali iska qaban weydey oo ilaa xilligi imbagaathi uu qori dab ah la dhex wareegayay ummadda Somaliyeed oo labadi dowladda kasoo horjeeddaba saddexeynaayay asagoo mas’uul qaran ah, hadbana maalin gees u ordaayay sida baabuur isteerinki u go’ay, haddii Somali ay iska qaban weydey, baarlamaanki iska qaban lahaana uu aamusiyey,kolley waa nasiib darro ayaan qabaa umadda Somaliyeed ku habsatey ee ragga dhallinyarada ah ee aqoonta leh ee diasporada ka yimid ha u noqdaan meeshi ay ka yimaadeen,waxbana yaan waqtiga laga lumin. Meeshaan waxa yaalal waddan miriray goor hore oo aan diyaar u ahayn in wax loo qabto cadawgiisina u jabay goor hore kolkaa inti ay joogi lahayeen jabkiisa meesha ugu dambeeysa hadda ha iska casilaan.
    midda ugu dambeeysa ee saddexaad waa haddi dastuurku u saamaxayo inuusan ka laba labayn ee madaxweynuhu toos u kala diro Baaralamaanka tirada badan isuguna yeero dhaaman hogganka dhaqanka iyo qaybaha bulshada ee Somaliya oo dhan kuna dhawaaqo shirweyne qaran oo Somali leedahay cid aysan umadda Somaliyeed casuumin oo u yeeranna aysan kasoo qayb geli karin.
    Xoolaha iyo hantida Somaliyeed oo debed iyo gudaba iskaashateyna lagu kharaj gareeyo lagana ilaaliyo shilin ajnabi leeyahay.Cod buuxa oo Somaliyeed, calaf Somaliyeed iyo Caqli Somaliyeedna lagu doorto baarlamaan qaranSomaliyeed oo xalaal ah oo xor ah.kaas oo tiradiisa iyo tayadiisuba ku jaan go’anyihiin baahida iyo awoodda umadda Somaliyeed.
    halkaasna lagu qabto doorasho guddomiye baarlamaan iyo madaxweyneba.

  6. Said says:

    As. waxaa meesha yaalla laba arrimood oo soomaali dani ugu jirto middii la raacaba kuwaas oo kala ah
    1. Arrinta kala guurka haddii ay dhacdo in taasi suurta gasho waxay noqoneysaa dimoqraadiyad ay soomaalidu ku tallaabsatay waayo waxaa la baranayaa micnaha kala guurka iyo danta ku jirta waxaana ka dhalandoonta faa iido ah in aan cidina kursiga isku dhejin markii ay dhacdo arrintan oo kale
    2.Arrinta waqti kordhinta waxay xaq u leedahay xukuumadda hadda joogtaa in loogu daro waqtiga ay codsatay si loo heli meel ay dawladd cusubi timaado waayo waxaa jira dhinacyo fara badan oo ay horumar la taaban karo ka sameeyeen taasina ay siiwadi doonaan haddii loogu daro waqtigaas ay codsadeen waana dan guud ee hala wada eego fadlan halsanona haloo kaadiyo dawladda hadda jirta