Home » Warar »

Waftiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka qayb gelaya shirka Nairobi ogolaansho kama haystaan labada gole

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in “Wafdiga hadda ka qeybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka kama heystaan labada gole sharciyadii iyo awoodii matelaadda.” Warsaxaafadeedka hoos ka akhri:

Halkan ka dhegeyso shirka jaraa’id

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraaid_apr12.MP3]

Shir Jaraa’id

(Muqdisho, Talaado 12 April 2011) Shir ay isagu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XFKMG ah Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa looga hadlay shirka ka bilowday Nairobi, Golahu waxey isku raaceen arrimahan:

Dowladda Federalka KMG ah ee Somalia aad iyo aad bey uga xuntahay arrimaha siyaasadeed ee ay UNPOS hadda wado. Waxaan aaminsanahay UNPOS iyo beesha caalamkuba inay wadashaqeytoodu ay tahay mid loo maro labo wado si loogu guuleyso nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo kala ah:

1. Axdiga Fedraalka KMG ah. Axdiga ayaa si cad u qeexaya in Dowladda FKMG ah, hay’adiisa fulinta ay mas’uul ka tahay siyaasadda iyo dhaqangelinta.

2. Geedi socodka nabadda Jabuuti waxuu sidoo kale dib u xaqiijineysaa hay’adaha FKMG ah inay yihiin aasaaska wadajirka Soomaaliya, taasoo la doonayo inay beesha caalamku ku dhaqmaan xaalad kasta iyo waqti walba ee geediga nabadda.

Waxaa cad in kulanka wadatashiga ee ka dhacaya Nairobi 12ka iyo 13ka April 2011 uu bilowga qabanqaabada iyo abaabulkiisaba ay leedahay UNPOS tanoo ka soo horjeeda aragtiyada iyo soo bandhigidda ee Dowladda FKMG ah, taasoo si ku celcelis ah loogu bandhigay UNPOS iyo beesha caalamkaba.

Dowladda FKMG ah iyo Somalida kale ee talada ka wada dhaxeysa marnaba lug kuma laheyn qabanqaabada fikirka, macluumaadka iyo ajendada shirka Nairobi. Marka tan la fiiriyo, waxaa la rabay inay ahaato wadatashi iyo dib-u-heshiisiin Somalida dhexdeeda ah, sidaas daraadeed, waxaan aaminsanahay inay tani ay ka soo horjeedo rabitaanka shacabka, Axdiga iyo heshiiskii nabadda ee Jabuuti.

Sidoo kale, bulshada soomaliyeed waxey si ku celcelis ah u caddeeyeen sida ay uga soo horjeedaan kulankan Nairobi, ha noqoto Somalida gudaha dalka iyo kuwa dibedda ee qurbojoogta ah.

Wafdiga hadda ka qeybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka kama heystaan labada gole sharciyadii iyo awoodii matelaadda. Labada Goleba waxey si guud iyo si gaar ahba ugu caddeeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka sida cad ee ay uga soo horjeedaan ka qeybgalka shirka. Tan oo ay wehlisay 100 xildhibaano oo saxiixooda u geeyey Guddoomiyaha oo ay ku caddeynayaan inay ka soo horjeedaan ka qeybgalka shirka oo uu iska indha tiray.

Marka tan la eego, ka qeybgalka shirkan waxuu ka soo horjeedaa siyaasadda dalka, waxuuna keeni karaa inuu dhaawac u keeno danaha dalka, waxuuna horseedi karaa in hay’adaha Qaranka uu ku yimado burbur. Sidaas daraadeed, waxaan cambaareyneynaa falkan isaga ah, waxaana ugu baaqeynaa wafdigan inay ka soo baxaan shirka ay hadda ku jiraan. Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa shacabka soomaaliyeed iyo xildhibaanada matala shacabka inay diidaan oo ay cambaareeyaan falkan si isku mid ah.

Si aysan u dhicin is-faham la’aan, waxaan caddeyneynaa oo aan ku celcelineynaa in Dowladda FKMG ah ay ku dhisan tahay dib-u-heshiisiin iyo nabadeyn oo dhan walba ah. Tani waxaa markhaati ka ah tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday 100 kii maalmood ee ugu danbeeyey.

Waxaan aaminsanahay guulaha iyo horumarka somalida ay gaartay ay caddeyneyso sida ay uga go’antahay inaan ugu guuleysano ujeedooyinka aan wadaagno si loo hubiyo inaan danaheena u fulino kuwa shacabka soomaaliyeed iyo kuwa bulshada caalamkaba. Waxaa kaliya oo looga guuleysan karaa cadowgeena Al-Shabaab, burcadbadeeda iyo gaajada si wadajir ah iyo wadashaqeyn buuxda ee dhexmarta soomaalida iyo bulshada caalamkaba. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay sii joogteeyaan dadaaladooda ay ku saacidayaan shacabka soomaaliyeed xilligan taariikhiga ah iyo inay xushmeeyaan sharafta iyo qaranimda dalka.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Waftiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka qayb gelaya shirka Nairobi ogolaansho kama haystaan labada gole "

  1. Magan says:

    Waxay ila tahay Labaatankii sanno ee la soo dhaafay Soomaali maanta maalin ay uga dhawdahay sharaf iyo karaamo ma jirto. Waana iska cadahay kuwa doonaaya somaliya in ay gumaysi ku sii jirto oo kala daad sanaan iyo kala qoqob qolo qolo .
    waxaa dhihi lahaa maanta oo kale waxaa haboon in caqliga laga shaqaysiiyo oo qabyaalada laga tago waayo qaran iyo qabiil is ku mid ma aha meelna ma wada galaan. qaramada midoobay waxay doonayaan inay nagu qaabilaan qabiil qabiil . dawladuna waxay ka shaqaynaysaa waliba ragaan hadda jooga meesha in qaranimaddii la soo celiyo. soomalidu waxay ku maah maahdaa (nin xilqaaday eed qaad ) .
    waqti aad iyo aad u adag ayaa la marayaa waxaana maanta oo kale loo baahan yahay in dadkeena dhika iyo silica ka dhargay inaan sidii ay uga bixi lahaayeen ku dadaalno ugu yaraan ninwalba wuxuu qaban karo ha qabto. eedaynta aanu iska dayno !!!

  2. ali says:

    Haddii la yiri dowlada wakhtigeedii waa dhamaan rabaa ee ha laga wada tashado siddii loo diyaarin lahaa doorasho cusub sabab loo diido ma garanaayo . ninkii ku fekera in uu kursiga iska sii haysto meesha wuu ku ceeboobayaa .
    Caqligii Teknokaraatka qurbejoogta waan aragnay markaan fursad ha la siiyo aqoon yahanka dalka gudihiisa jooga .

  3. Omar says:

    Marki aan u fiirsadey magacyada xildhibaannada shirka Nairobi ka qayb galay marka laga reebo dhawr ka mid ah. inta badan waa raggii magacyadoodu aad uga soomuuqanayay heshiiski badda.
    bal qof walboow maxaa kuu muuqanaya soo uma eka in raggii baddu aysan quusan oo mar kale rabaansaxankasiyaasaddainaysoorogtaansi halki ay ugasii wadaan hawshii ay hore u billaabeen ee heshiiska badda iyo heshiisyo kale oo badanba.
    Su’aasha kale waxay ahayd miyaan is moodsiiyey mise ergeygi hore ee qaramadamidoobay waxa uu ka mid ahaa adki eedda loo soo jeediyey markaa ergeygaan isnama ku biirey mise waa waxaan anigu iska suureystey.

  4. Togane says:

    Gole wasiiro meesha ma joogaane qurbahooda ha isaga laabtaan intay nacamleeynta meesha u fadhin lahaayeen.

    Golaha Farmaajo Co. Sidaan idiin mootney noqon wayseen ee waxaan idinkula talin lahayn in aad meesha isaga tagtaan oo qoysaskiina idin jooga qurbaha ku laabataan Soomaaliyana Soomalida degan ayaa u tashan!