Home » Maqaallo »

MAHIIGA IYO KOOXDIISU CADDOOWGA QARAN-NIMADDA

Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-

Shaki kuma jiro in Danjire-Mahiiga ergayga Wakiilka Qaramadda Midoobeey ee Somaaliya wado oo wuu cadeeystay la dagaalanka jiritaanka Somaaliyeed waxaana markhaati cad u ah qorshaha shirka Shir-qoolka Kenya lagu qaban doono 13/04/2011 ujeedada ka dameeysaana tahay kala dirida dawladda KMG ah iyo soo nooleeynta awoodii qabqablayaasha(gacan ku dhiiglayaashii) iyo abuurida colaado iyo muran hor leh,waana arrin ayaan daradeeda leh laguna burburinaayo guula iyo horumarka kooban oo Dawladu gaarteey gaar ahaan waqtiyadan damme oo eey xoogaa horumar ah ka muujiyeen dhanka amaanka iyo gacan ku heysta Caasimadda Muqdsiho kuna timmi dadaalka iskaashiga Madaxweyne Xurmadle-Sh.Shariif iyo Ra’iisal Waasaare Xurmadle-Max’d C/Laahi Farmaajo iyo Gollaha Xukuumadda inkastoo dhanka Gudoomiyaha Barlamaanka Xurmadle-Shariif Xassan iyo kooxda garabkiisa ah carqalatan weyn ka jirto taasoo wax lagu xumaado ah.

Danjire Mahiiga ayaa muujiyeey xulufeeysi iyo la duubnidda garaabada lidka ku ah hogaaminta Sh.Shariif iyo Siyaasada wax ku oolka ah ee Farmaajo iyo golihiisa oo la oran karo waa kuwii ugu wax qabad wanaagsanaa uguna daacadsanaa xukuumadii dalka soo maray mudada burburka, Mudane-Farmaajo iyo golihiisa Wasiiradu waxeey wadaan qorshayaal iyo tallaabooyin hanaan iyo habsami ilaa hada u socda Dadweynaha Muqdisho ku dhaqana si weyn u soo dhoweeyeen,waxaana meesha ka baxay murankii Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare oo xukuumado badan curyaamiyeey Sida:-Dr-C/Qaasim iyo Dr-Cali Khaliif,Col-C/Laahi Yuusuf iyo Proff-Geedi,Col-C/laahi Yuusuf iyo Col-Nuur Cadde,Sh.Shariif iyo Dr-Cumar C/Rashiid,balse qorshaha Mahiiga iyo tallaabooyinka dhinaca keliya ah ee Mudane-Shariif Xassan ayaa sida muuqata noqonaaya abuurida ama abuuray muraan iyo khilaaf kale inkastoo aan filaayo aqlabiyada xubnaha barlamaanka fadhiidka ah in eey hada wax yare fahmeeyn hadalo cambaareeyn ah iyo tallaabo qaadidna wadaan.

Shirka Shir-qoolka Mahiiga ee Neyroobi maxaa ka soo bixi karaaya hadii eey dawlada KMG ahi meesha ka maqan tahay shakhsiyaadka iyo maamuladda ka qeyb galaaya wataan arrimo iyo qorshayaal u gaar ah oo daneeysi iyo kursi doon ku saleeysan,jawaabta oo kaaban waxba iyo waxba,laakiin ka soo qaad shir magaca somaaliyeed loogu cunaayo xoogaa dhaqaalle ah iyo riwaayad beeneed dadka qaarkood naftooda ku maaweeliyaan,waxaa guusheeda leh si weyn oo bulsho-weynta somaaliyeed aqlabiyadeedu ku diideey kuna cambaareeysay shirkaas iyo baaqyadda,qoraaladda iyo hadaladda cad oo ka soo yeeray Culimaa-udiinka,Aqoonyahanka, Hogaan Dhaqameedka,Ururadda Haweenka iyo Ururdda Dhalinyaradaba ku kala sugan:- Caasimadda Muqdisho,Gedo,Gaalkacayo,Buuhoodle,Bakool iyadoo aan la arkiin banaan bax lagu taagay shirkaas,markaas ka soo qaad mid fashilan isagoo weli bilaabmiin wixii ka soo baxaana qiimo yeelan dooniin,ka qeyb galayaashuna ku muujiyeen naceeybkooda,garasho xumadooda iyo qorshahooda daneeysi-nimo iyo cudurka kursi jaceyl.

Gunaanadka qormadan kooban waxaan ku boorinaayaa xubnaha golaha Barlamaanka qaadida Tallaabo cad oo ku wajihan xubnaha ka qeyb galaaya shirkaas sida weyna u ceebeeyeey Magaca Xildhibaanimadda lidkna ku ah qaranimadda,jiritaanka iyo soo celinta sharaftii,Maqamkii iyo qiimihii dawladnimo,sidoo kalle Dadweynahu waa in eey si weyn uga digtoonaadaan qorshaha iyo ujeedooyinka shir-qool oo shirkaas ka dameeya sidii caadada u aheyd banaan baxyo baaxad weyn ku muujiyaan diidmadooda shirka shir-qoolka Mahiiga iyo Kooxdiisa Qaran-diidka.

 

-SOMAALIYA SOMAALI BAA LEH- –

Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- –
sharifhassan50@hotmail.co.uk
. -Apr-12-2011.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " MAHIIGA IYO KOOXDIISU CADDOOWGA QARAN-NIMADDA "

  1. @war haye

    waxaa ayaan daro ah in aad kutilmaanto sh.shariif iyo farmaajo in ay kadaran yihiin MAHIGA arkaya horumarka ay dowladda soomaaliyeed kutalaabsatay. Shacabka soomaaliyeed ninkii wax uqabanaya hasoo dhaweeyaan hana taageeraan.maahan in cagaha laqabto dowladdii soomaaliyeed ee utafa xaydatay sanadkan in ay waxqabad aan labadii sano ee cagaha lahayey aysan qaban in ay qabato.Maanta soomaaliya waxay iigu muuqataa mid cagaheeda isku taagayso haddii laba qodob lahelo:-

    1.In lataageero oo lagarab istaago madaxda hadda haysa taladda oo soomaali gudo iyo dibadba ay gacan taageero oo ficil iyo odhaahba ah ay siiyaan,dhanka saxaafadda iyo wacyigelintana lagala qaybqaata. kaalinta madaxdana lamuujiyo oo laxuso wixii ayqabteen si ay usii dhiiradaan, hawshana aysan uga caajisin.

    2.Iyo In lasiiyo wakhti kufilan oo ay hawsha kusii dhamaystiri karaan si meesha looga saara qolyaha diinta kabeensheegga ee alshabaab, loona soo nooleeyo ciidankii qaranka oo aad mooddo in uu farmaajo oo aan wakhtibadanba joogin uu soo nooleeyey,kaalin muuqatana uu muujiyey taasna waxaynu kuqaadanaynaa haddii Xukuumaddan oo ah tii ugu tayadda badnayd islamarkaana ugu soomaali sanayd lagana dheehan karayo in ay yihiin rag soomaalinimadda kuxeeldheer,in ay taariikh waxqabad kaga tagaana doonaya lasiiyo wakhti kale oo ay hawsha kudhamaystiraan waxaan qabaa in loo imaan doono mid dhisan oo laga sii ambaqaadi karayo halkeedaas,soomaalidana waxaan kacodsanayaa in ay kadaayaan dowladda iyo xukuumadda hadda jirta gujo nacaska ay waxmaragatadda kadubaaqaysa wanaagga iyo waxqabadka muuqda.

    Allena Saddex qofood soomaalida haka qabto Faroole,Mahiga Iyo Sh.Sakiin oo ah saddexda hadda dibindaabyadooda ay muuqato,waana loosoo wakiishayaasha sidii ay udamin lahaayeen iftiinka dowladnimo ee xamar iyo goboladda qaar kabidhaamay.Mhdsnid.

  2. Cumar says:

    ASC,
    Ustaad Xasan malaha waad kaftameysaa ama baroortaaba dhab kaa ah.
    Walaal dalku maxmiyad buu ku jiraa, xaggeedse joogtay markuu Wallad Cabdalla inta kubbad u sallaxay Wadaadka Sh.Sh. Axmed oo goolwale la’aan inta lala laaday lagu yiri GOOOOL!!!!. Iyagaa keenay haddana xiligii ay eryi lahaayeen sidii qeyrkiisa loo eryay unbaa la wad wadaa. Malaha habeenkaa kuwii u riyaaqay baad ka mid aheyd.
    Ma garan meesha uu kaga tegey raggii ay isku qaddiyadda ahaayeen ee ay Kenya dalkeeda u diidday Jabuutina inay cagta dhigaan looga dhaartay isagoo cufan oo hoosta wax ku wata inuu ku ballan furay?
    Malaha xaduudaheenna badda kii muranka geliyay maba ahayn.
    Ama mashaariicda ubadka Soomaliyeed ee laysku leyn hayo ayaad guul moodaa?
    Ma habka Federaalka lagu dhantaalayo awoodda midnimadeenna kaasoo Xabshida ay qabbaanka u tahay waxma garadkuna lagu fulinhayo kuwa huwan baad raalli ka tahay?
    Laga yaabe waxa loogu yeero dimuquraadiyadda iyo dastuurka kumeelgaarka ee cilminaagi ay kuwaan bisleynayaan inaad u baroor diiqi Ustaad Xasan goor aanan sidaa u fogeyn waxaad arki Alle ma idmee Xisbiga kristaanka Soomalida oo talada haya sidoo kale ururka khaniisiinta oo qaylo siyaasadeed wada iyo (klubyada caweyska) fisqi dhammaantii oo xor ah.
    Haddii aaney is-garan oo aaney miisaamiin maxaa ” logic” suuratagal noqon kara, kuwa naloogu dawgalo ee qiilka ah qoladan moodaysa inay diinta u hiilinayaan una dagaalamayaan (Shabaabka) danta fog ee gumeysiga iyo masaa’ibta ayagaa mas’uulka ka ah.

  3. war haye says:

    walaal mahiga waxaa nooga daran shariif iyo farmaajo hada miyaa aragtay mahiga mase waad ku baraarugtay aaway walad cabdallihii ka horeeyey ilaa 1991 kasoo bilow.
    ilaahay somalida indho iyo caqli ay wax ku aragto hasiiyo aamin