Home » Warar »

Farmaajo oo la kulmay 250 Xildhibaan, codsina u jeediyey

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa Axadii la kulmay in ka badan 250 xildhibaan kana codsaday in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay wada shaqeyn dhow yeeshaan, sidaas waxaa cadeeyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo u qornaa sida hoos ku qoran:

Halkan ka dhegeyso kulanka

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_april.mp3]

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la kulmay in ka badan 250 xildhibaan kana codsaday in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay wada shaqeyn dhow yeeshaan

Muqdisho, April, 10.2011——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay in ka badan 250 ka mid ah xubnaha Baarlamaanka isagoo kala hadlay arrimo ku aadan marxaladdaha dalku marayo isagoo ka codsaday in Golaha Xukuumada iyo Golaha Baarlamaanku ay yeeshaan wada shaqeyn dhow.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasiiru dowlaha Xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay xildhibaanada uu ka codsaday in la iska illaaliyo wax kasta oo wax yeeleyn kara horumarka iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.

“Mudanayaal kulankani waa kulan muhiim ah, sababtoo ah ma ahan inaan isku aragno hoolka Baarlamaanka oo kali ah ee waa inaan kulamo joogto ah yeelano” ayuu yiri R.wasaaruhu isagoo uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyey ee ay dowladdu gaartay dhanka Amniga, Siyaasada, Dhaqaalaha, Dib-u-dhiska, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qeybo kale.

“Golaha Wasiirada shirarkeena runtii waan kaga hadalnaa naf hurnimada ama iskaa wax u qabsada ay ku shaqeeyaan xildhibaanada Baarlamaanka maadaama aad qaarkiin 10 sano tihiin xildhibaano oo aad Qarankiina u shaqeyneysaan, haddana ay idin heystaan duruufo dhanka mushaaraadka, amniga iyo dhibaatooyin kale oo badan” ayuu mar kale ku yiri R/wasaaraha oo u xaqiijiayay Mudanayaasha Baarlamaanka golahooda wasiiradu ay waqtiga u haray ay u shaqeyn doonaan sidii dalka looga samatabixin lahaa dhibaatooyinka dhan kasta ah.

Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada Mudane Maareeye oo ugu dambeyntii xildhibaanada la hadlay ayaa sheegay in kulankani uu yahay midkii ugu horeeyey balse ay xigi doonaan kulamo kale oo ay fikraddaha isku dhaafsan doonaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada Baarlamaanku, wuxuuna u balan qaaday in guddiyada Baarlamaanka loo sameyn doono Xafiisyo iyo Miisaaniyad u gaar ah si ay ugu fuliyaan howlaha Qaran ee loo xilsaaray.

Halkan ka dhegeyso kulanka

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_april.mp3]

 


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Farmaajo oo la kulmay 250 Xildhibaan, codsina u jeediyey "

  1. Abdullahi says:

    Asalaamu calaykum waraxma tulaahi wa barakaatuh.

    Salaan ka dib aniga ka qof ahaaan afkaarta aan ka maqlayo Ra’isul wasaare Farmaajo iyo xukuuumadiisa, ee ku saab san UN iyo duul shisheeye halaga kaaftoomo, aad iyo aad ayaan ugu riyaaqay waana la dhacay fikirkaas, waxaana dhab ah in UMAD kastaahi ay xaq u leedahay i ay ayada garato gu’aansatana MASIIRKOODA. hadii laga tuulayo arintaas UN xaq ma u lahan in ay marba dhinac noojiidaaan, maalina nin noo soo magacaabaan, waxaaanse u arkaa Mahiga iyo ragii ka horeeyay in ay AHAAYEEEN rag CV iyo MASHAARIIC nagu qaadanaya oo hadii ay GADOONTO iyo hadii ay TOOSTO somaliya aysan dani ugu jirin. Hadaan nahay Somali maxaaa diiday in aan DANTA guud ka fakarno AAYATIINKEENANA gu’aan saliima ka qaadano. waxaase aad iiga yaabiyay SOMALI oo dhan maxaa ay ugu tiirsanyihiin UN. mida kale waxaan lagu dhibtoon laguma dheefsado, hadiii Ra’iisul wasaare FARMAAJO iyo xukuumadiisa ka go’antahay in ay ka dhabeeyaan SARA UQAADISTA IYO RAJO SOOCELIN umada Somaluyeed, dhibaa LOOMARAYAA EE haka baaraandagaaan DHIBINDAAABYO BADAN.

    Mida kale Baarlamaanka yaa Mushaar siiiya? Ciidanka yaa Mushaar siiya?
    Xukuumada yaa dhaqaaleeya?
    intaas hadii ay UN naga soo gasho waxaan filaa GO’AAN ma qaadan karno. ma ogi hadii aan dhaxda marada ku xiraneeno oo aan nahay dad WADANIYA oo mustaqbalka fog tiigsanyo.

    Mahadsanidiin

  2. Abdikafi says:

    Aniga waxay ila tahay in xukuumadb hada jirta ay tahay mid lasaan qaadi karta siyaasada gobolka, waayo waxay ka feejigan tahay shirqoolada loo maleegayo umada somaliyeed iyo waxyaabaha lala damacsanyahay ee burburka iyo qaran dumiska ah in somaliya waligeed danahooda aysan aqoosan cagaheedana aysan ku is taagin larabo. Marka waa in muwaadin kasta uu taageeraa xukuumada somaliya laguna taageeraa haday noqon lahayd xaga aqoonta, tira yarida golaha wasiirada, tayadooda waxqabad. Sidaa dareed waxaa habonn in halka sano ay sheegatay xukuumada loogu daro, si loo tijaabiyo wax qabadka ay ku taamayso xukuumadu. Qodobka labaad ee mowqifkayga shirka Nairobi shirkaasi waa mid lagu bahdilayo umada somaliyed qof walba oo somali ah ee wax gartana waa ogyahay in kenya iyo itobiya dan somaliyed aysan wadin iyo wakiilka Qm Mahiga ninka layiraahdo. Marka somalidu waan in ay hurdada ka toostaa oo ayadu isku tashataa danahooda aqoonsadaan wabilahi towfiiq.

  3. Cumar says:

    Ujeeddada uu doono ha lahaado Formaajo, balse waxaan ku taageereynaa inuu ku dadalaalayo mar un in madaxa ciidda laga ceshto. Iyadoo aan hore u sifeynay in uusan waxba ka duwaneyn mucaaradkiisa siyaasadeed iyo ka hubeysan toona markaan aragnay inuu ku dhacay tubtii barnaamijkii gaboobay.
    Weligeedba dadku wuxuu kala ahaa ku liita oo gumeystaha kabaha u sida quursi iyo mugdi jecel kaas oo xil iyo hodotinimo sidaa ku raadsha iyo ku ka doorta gobanimo aad ceyr ku tahay kol ay ahaato.
    Kama danbeys Formaajo iyo Asxaabtiisa waxaa idin la qumman inaad barnaamijkiina jahadiisa si qoddo dheer u beddeshaan idinkoo ka duulayo waxa na hoday waa dhaqaale doon iyo xil jaceyl dhiigg kursi lagu fuullo haddana lagu ilaaliyo.(Waa xeellad gabowday). Waryaada dhalinta hubka laysugu dhiibay waa kuweenna; Badankooda waa baahi dhaqaale darteed 997 kunkiiba, 2 waa kuwa jibbeysan jihaad khaldan madax maray oo daacad bay ka tahay 1ka soo harayna waa xil doon iyaga ku adeeganaya.
    Jawi cusub qorshe jiho cusub wata oo sawir cilmeyeysan si fudud loo dheehan karo si wacanna u fuli kara keenna caalamka iyo shacabka ay taageeri karaan, kasoo diinta iyo dadkeeda, dalka iyo qaranimadiisa gumeyisga Mahiga iyo kuwa la mid ah looga sabata bixi karo, ama ayagaa idin dhalay oo rimoodkontrolka idiin hayey dee caasinimada iska daaya oo ajiiba sidaana ku badiya qeylo dhaantiina qorshaha gaboobay ee gummaadka iyo karaama seegga.