Home » Warar »

Ururka SAAC oo Tababar ku saabsanaa Sawir qaadida iyo sameynta Filimada u qabtey Xubno ka kala socdey Qaybaha Bulshada

Hotel SAHAFI-One ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Tababar ku saabsanaa qaabka loo sameeyo Filimada iyo sida loo qaado Sawirada, waxaana loo qabtay Tababarkaasi qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay u badnaayeen suxufiiyiin, waxaana soo qabanqaabiyey Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Somali Arts and Culture Foundation (SAAC).

Tababarkaan waxaa cashiro ka bixinayey Khabiir ku xeel dheeraa dhinaca sameynta Filimada iyo habka loo qaado Filimada oo lagu magacaabo Qeys C/qaadir Hurdaaye, waxa uuna sharaxaad dheer ka bixiyey habka ugu wanaagsan ee lagu soo saari karo filim isku dubaridan isla markaana qancin kara bulshada daawaneysa.

Macalin Qeys waxa uu si aad ah u faahfaahiyey  heerarkii ay soo martay filim qaadida iyo sawirada, waxa uuna sheegay in maanta adduunku ku talaabsaday hab casri ah oo lagu magacaabo (Digital) taas oo sahashay in la sameeyo filimaan tayo leh oo ka wanaagsan kuwii hore, isagoo sheegay in xitaa ay fududaatay helitaanka qalabkii sahli lahaa in la qaado filim tayo leh ama sawiro soo jiidasho leh,

Macallin Qeys ayaa mar uu ka hadlayay erayga (Director) oo ah Agaasime waxa uu ka bixiyey fisiraad aad u weyn isagoo sheegay in Agaasimuhu yahay ninka mas’uulka ka ah marka filim la sameynayo isla markaana mas’uulka ka ah in uu doorto cidda ka qaybgaleysa filimka iyo booska uu ka jilayo, sidoo kale Agaasimuhu waa ninka qaadanaya lacagta ugu badan marka suuq geynta filimka lagu guuleysto.

Qeys ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya hawlaha filimada ay aad ugu liitaan habka sameynta Filimada , isagoo sheegay in Soomaaliya laga heli karo waxyaabo badan oo laga sameyn karo Filimo tayo leh oo soo jiita indha caalamka, isagoo u soo jeediyey ka qaybgalayaasha siminaarka in ay raadiyaan fursado ay ku sameyn karaan filimo.


Intii uu Tababarkaan  socday ayaa waxaa qadka taleefanka uga qaybgalay guddoomiyaha Ururka SAAC Siciido Sheekh Axmed (VIP) oo ku sugan dalka Belgium Caasimaddiisa Brussels, waxayna u mahadcelisay intii isku soo dubariday siminaarkaasi, waxayna sheegtay in siminaarada noocaan oo kale ah ay socon doonaan si ay u soo saaraan dad sameyn kara filimaan ka qayb qaadta horumarinta wadanka sida nabadda, dhaqaalaha, bulsahada iyo waxbarashada. Waxaana gebagabadii Tababarka  ka hadlay Fartuun Xasan Sobraal oo ka socotay Hay’adda SWDC oo iyana u mahadcelisay intii isku soo dubariday siminaarkaas, waxayna sheegtay in hal maalin looga bogan Karin hawsha filim sameynta, waxaa kale oo ka hadlay maamulaha guud Qaaradda Afrika ee ururka SAAC Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo-Kiin) oo sheegtay in Tababarada  noocaan oo kale ah la badin doono si loo helo dad ku firfircoon habka sameynta filimada waxayna ballan qaaday in siminaarada xiga lagu qaadan doono cashiro akhris ah iyo gacan ka sameynta filimada.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.