Home » Warar »

Minneapolis: Shir Su’aalo Lagu Waydiinayey Madaxda Dawladda oo Ka Dhacay Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center

Waxaa lagu qabtay xarunta Abuubakar As-Saddique Islamic  Center (Qolka shirarka/Aroosyada) shir uu soo qaban qaabiyey xafiiska xuquuqda shacabka iyo xoriyadooda oo lagu casumay hay’adaha sharci ilaalinta qaybaheeda kala duwan oo dhan. Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya bulshada soomaalida iyo laamaha dowlada ee  kala duwan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin badan oo soomaali ah iyo inta badan hay’adaha sharci ilaalinta ee gobolka Minnesota oo ay ka mid yihiin (Homeland Security  office of civil rights & civil liberties, FBI, US. Attorney’s office, TSA, ICE, CBP, USCIS, CRCL) hay’adahan oo dhamaantood loogu yeeray inay ka warbixiyeen waxyaabaha ay ka qabtaan ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo hay’ad kasta inay dhagaysto dareenka bulshada.

Waxaa shirka furay Sh. Abdulaziz Sugulle oo kamid ah Mas’uuliinta xarunta Abuubakar oo ka warbixiyey khidamaadka ay xaruntu bixiso iyo ahmiyada ay ugu fadhido bulsho weynta soomaaliyeed. Wuxuu sheekhu tilmaamay in ay xiriir fiican la leeyihiin hay’adaha kala duwan ee ka jira xaafada sida Philips Neighborhood oo ah xaafada ay xaruntu ku taalo. Wuxuu tilmaamay in kulankan uu ka mid yahay hababka lagu xoojinayo isfahamka bulshada Soomaalida iyo bulshada kale ee Reer MN.

Waxaa  laga wada hadlay in laga soo bilaabo intii ay dhacday 9/11 dadka Muslimiinta ah ay dhib badan ka soo gaarto wadankan dhinaca socdaalka, gudbida xuduudaha, culays kaga imaanayey hay’adaha dambi baadhista iyadoo dhibaatooyinkaas ay abuureen cabsi baahsan oo saamaysay shacabka soomaaliyeed. Ninka mas’uulka ka ah xafiiska cadaalada ee Minnesota (US Attorney’s Office) Mr. Todd Jones ayaa ka hadlay laba arimood oo muhiim ah. Wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey waxa loo yaqaano (Material Support) oo ah u kaalmaynta urur ay dowladu maraykanku u aqoonsatay argagixiso taas oo ku imaan karta buu yiri wajiyo badan sida adigoo lacag u dira, hub siiya, qalab kale ku caawiya, amaba lafahaaga ku tabaruca. Wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in dadku ogaadaan in ay dad badan si fudud dambigan loogu qaadi karo uuna gudo balaaran yahay. Wuxuu sidoo kale ka hadlay in shaqooyinka ay qabtaan ay ka mid tahay in ilaaliyaan xuquuqda dadka muslimka ah oo aan wax lagu yeeli Karin “kaliya inay yihiin Muslim, amaba ay cibaadaystaan, amaba dhalashadooda iyo meesha ay ka soo jeedaan” Taas ayaa wuxuu ku tilmaamay in ay tahay “Hate Crime” oo si aan kala hadh lahayn wax uga qabanayaan.

Waxay tilmaantay gabadh soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay in “oday qaraabadeeda ah oo ay casho u samaysay ka furi waayey guriga, mudo dheer kadib markii uu ka furayna u sheegay in uusan habeenkii guriga furin oo uu ka cabsado FBI-da” Taasi waxay tilmaamaysaa ayey tiri fardowsa oo hadalkeedii sii wadata cabsida ay bulshadanadu ka qabto hay’adaha dambi baadhista” wakiilkii hay’adda  E. K. Wilson oo ka jawaabayey hadalkaas  ayaa wuxuu ku celcilyey in ay muhiim tahay in bulshadu ogaato “in qofkii aan dambi gelin aysan jirin wuxuu ka cabsado” wuxuuna codsaday in fariintaas dadka la gaarsiiyo.

Waxaa meesha isna ka hadlay Police Chief-ka Saint Paul oo ka hadlay sida ay bulshada ula shaqeeyaan iyo waxyaabaha ay u qabtaan isagoo markaa xusay dhacdadii naxdinta badnayd ee lagaga ganacsanayey gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed. Wuxuu yiri “mar hore ayaan helnay dacwada gabadh yar oo 13 jir ah oo hooyadeed na soo gaadhsiisay, wuxuu yiri ma tilmaami karo dhibaatada gabadhaas lagu sameeyey, hadii aan idiin sheegana igama rumaysanaysaan xumaanta lagu sameeyey” wuxuu sheegay in baadhitaanka dambigan uu qaatay todobo sano ayna iska kaashanayeen afar gobol oo maraykanka ku yaala oo Minnesota ay ka mid tahay, waxaana ugu dambeystii ku guulaysanay buu yiri inaan 27 qof dambi ku soo oogno oo laga abaal mariyo. Arintaas waxaan ku gaadhnay buu yiri bulshada oo aan is aaminay oo aanu wada shaqeynay.

Waxyaabihii aad looga wadhadlay waxaa sidoo kale ka mid ahaa dhinaca Immigration-ka oo la sheegay in ay dadka ka daahiyaan qaadashada citizen-ka, (Passport) amaba dadka waawayn oo ay ku adag tahay barashada afka ingiriisiga loo diido inay citezanka helaan. Gabadha haysata laanta socdaalka (Immigration-ka) ee Minnesota oo madasha ka hadashay ayaa tilmaantay inay jiraan qaabab dadka da’da ah ama naafada aha amaba ay ku adagtahay barashada ingiriisigu mari karaan oo sharciga lagu siin karo iyagoo aan imtixaanka luqada ingiriisiga ku baasin, waxayna tilmaantay in codsigaas sameeyaan markay dalbanayaan sharciga.

Ninka ka socday xafiiska Sheriff-ka ee Minneapolis Mr. SDerwin Ellis oo si gooni ah codsi ugu soo gudbiyey maamulka Masaajidka ayaa codsaday in ay baahi wayn u qabaan cid ka haqab tirta maxaabiista soomaalida ah arimaha diiniga ah uuna codsaday in loo soo diro cid khudbada jimcaha u akhrida maadaama ayuu yiri ay dadku maalin kasta naga codsanayaan isagoo raaciyey in ay fududaynayaan dhamaan wixii tashiilaat ah ee loo baahan yahay.

Kulankan ayaa guud ahaan ku dhisnaa in hay’adahu ay sharaxaan waxyaabaha ay bulshada u qabtaan iyo sida ay xil isaga saaraan ilaalinta nabadgelyada guud ee dadka ku nool gobolkan ee soomaaliduna ka mid yihiin, waxayna ku codsanayeen in ay is fahan ka dalbaan bulshada Soomaaliyeed ee reer Minnesota wada shaqayna ay ka helaan. . Shirka waxaa ka soo qayb galay Ururo badan oo Soomaaliyeed, goobtana ka jiidiyey hadalo iyo Su’aalo.

Masaajidka ayaa markasta oo ay la kulmaan madaxda Dolwlada u gudbiya cabashoyinka bulshada Soomaaliyeed ee ay matalaan, dhinac kasta oo ay noqoto, waydiiyana Su’aalo ad-adag,  sidoo kalana dadka Soomaaliyeed u sheega inay diinta ku dhaganaadaan illaahayna ay caabudaan markasta iyo Meelkasta. Shirkan ma’ahayn mid guud oo dadka oo dhan u furaa, sababtana waxay ahayd xafiiska shirarka noocaan oo kale ah soo qaba qaabiyey oo sidaas u qabta, iyo Masaajidka oo u arkayey inay koobnaanta ku mira dhal badan tahay, si madaxda dowlada fursad dheer loogu helo, lana waydiiyo su’aalo badan oo shacabku ka cawdaan.

Hassan Jama (xasan dhooye)

Maamulaha AAIC

abubakarcenter@gmail.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Minneapolis: Shir Su’aalo Lagu Waydiinayey Madaxda Dawladda oo Ka Dhacay Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center "

  1. Gorgor says:

    Awdel Stat oo looga dhwaaqey USA magaciisa waa hajiro hajoogo dowlad
    goboleedka cusub hargeysa maanta qarax baa ka dhacey oo sabab u ahaa
    Awdel Stat oo ay reer borama ay ku dhawaaqdeen guul somaliya

  2. ali mahdi says:

    Acww eeba weynaa. Mahad oo dhan. Iska leh daaha kaqaada. Akhbaarta midaan oo. Kale. Ah waayo was muhiim. Walaahu. Waliyu. At-towfiiq

  3. goobdoon says:

    Maashaa allaah ilaahay ha idinka abaalmariyo khidmadiina aad ummadda masaakiinta ah ee badweynta soo dhexgashay u haysaan, ee xag diin iyo xag dawladba leh, waa wax loo baahan taas oo kale, Abuubakarna magaciisu ha jiro oo ha joogo.