Home » Warar »

Golaha Wasiirada DFKMG oo Qaadacay Shirka Nairobi ee ay Qaban qaabinayso Qarammada Midoobay

iyo Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG oo Magacaabey Guddigii Doorashooyinka –

iyo Cawad Axmed Casharo oo ka Digey shirka ay qaban qaabineyso Qaramada Midoobey –

iyo Shir lagu qabanayo Nairobi oo Golaha Wasiiradu sheegeen in DFKMG aysan ka qaybgalayn shirkaas — (Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada 31.03.2011)

Warbixin:

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Magacaabey Guddigii Doorashooyinka ee Baarlamaanka

Waxaa Dhawaan la filayaa in Magaalada Nairobi uu ka furmo Shir ay qaban qaabadeeda leedahay Qaramada Midoobey kaasoo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka ee Dowladda Federaalka KMG, waxaana ka qaybgalaya Xubno ka kala socda Dowlada Federaalka, Maamul Goboleedyada , Ahlu Sunna , Bulshada Rayidka iyo Siyaasiyiin Caan ah oo la sheegay in ay ka kala imaanayaan dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya  Mr. Mahiga oo shaley soo gaarey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Casuumaad uu soo gaarsiiyey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyadoo Wakiilka laga soo xigtey in uu sheegey in Shirkaas aan lagu  soo dhisi doonin Dowlad Soomaaliyeed balse uu noqon doono mid looga arrinsado arrimaha soomaaliya gaar ahaan arrimaha kala guurka ee Dowladda Federaalka.

Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shir jaraaid oo uu qabtey Kulankii uu la yeeshey Mahiga ka dib wuxuu sheegey in ay soo dhaweynayaa kulanka ka dhacaya Magaalada Naroibi  isagoo sheegey in loo baahan yahay in laga baxo Kumeel gaar isla markaana la dhiso dowlada Rasmi ah oo aan ku meel gaar ahayn. Laakiin shir ay yeesheen golaha wasiirada ayaa waxaa ka soo baxay warsaxaafadeed ay ku sheegeen in DFKMG aysan ka qayb galayn kulanka ka dhacaya Nairobi (Hoos ka akhri warsaxaafadeedkaas.)

Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha Siyaasada ayaa waxaa soo gaaraya Waraaqo fara badan oo la sheegey in ay ka imaanayaan Maamul Goboleedyada iyo Ahlu Sunna  kuwaas oo doonaya in ay ka qaybgalaan Shirka Magaalada Nairobi iyadoo Gobolada qaar ay ka yimaadeen ilaa waraaqo gaaraya lix oo mid weliba uu sheeganayo maamul u gaar ah, sidoo kale markii ay Qaramada Midoobey ay shaacisey in la qabanayo shirkaan ayaa waxaa sidoo kale khilaaf ka dhexdhaliyey Ahlu Sunna iyadoo Maamul gaar ah kaga dhawaaqdey  Magaalada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud waxayna dooneysey in si gaar ah loogu casuumo Shirka Magaalada Nairobi , sidoo kale Ahlu Sunnada Gobolka Geddo ayaa iyana dooneysa in ay si gaar ah uga qaybgasho Shirka Nairobi.

Sakeriye Xaaji Maxamuud  oo ka mid ahaa Aas-Aasayaashi Isbaheysigii lagu soo dhisey Magaalada Casmara ee Dalka Erereteriya ayaa wuxuu sheegey in Qaramada Midoobey ay ka shaqeyneyso in Gobolada Soomaaliya kala qaybqaybiso islamarkaana ay Qorsheyneyso in ay  dagaalo ka Abuurto Gobolada Soomaaliyey “Qayb qaybintaan hore ayaan u soo aragney shacabka waa ka digtoon yahay waxa ay wado Qaramada Midoobey  “ayuu yiri Sakeriye oo sheegey in Qaramada m Midoobey ay iska indha tireyso Xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka soomaaliya isagoo u soo jeediyey ummadda Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan hagardaamooyinka ay waddo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ka mid ah ayaa waxay sheegeen in Qaramada Midoobey ay waddo kala qayb qaybinta shacabka soomaaliyeed sidoo kale waxay sheegeen in Qaramada midoobey ay dooneyso in ay burburiso Dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay sheegeen in uu u taagan yahay Dowladnimada Soomaaliya sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Cawad Axmed Casho oo ah Gudoomiyaha Warfaafinta ee Golaha Baarlamaanka  ayaa sheegey in baarlamaanka soomaaliya uu u taagan yahay sidii uu xal ugu heli lahaa dhibaatooyinka haysta isagoo ugu baaqey Qaramada midoobey in ay faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah dadka soomaaliyeed.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa hore daboolka uga qaadey mar uu u waramayey Xildhibaanada Baarlamaanka in doorashada Madaxweynaha ay ka dhaceyso Magaalada Muqdisho”Waa markii ugu Horeeysey dalka gudihiisa lagu qabto Doorasho Madaxweyne taasina waxay soo afjari doontaa Doorashooyinkii lagiu qaban jirey Dalka Dibadiisa “ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la sheegey in uu yahay Musharax u tartamaya Jagada Madaxweyninimada Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa manta (Khamiis 3/31/2011) magacaabey saddex Guddi  waxaa Gudiyadaas ugu Muhiimsanaa Guddiga Doorashooyinka waxaa Gudoomiye u aha Cali Jaamac Jangeli , Cabdikariim Axmed Cali ,Cabdi Sheegow Sagaar iyo Xildhibaan Saciid Xasan Cismaan, wuxuuna Guddigaan uu ku soo beegmey Xili uu khilaaf Xoogan uu u dhaxeeyo labada Shariif.

Qaramada Midoobey  ayaa waxaa la sheegey in ay dooneyso in la yareeyo Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka ka dib markii Qaramada Midoobey ay sheegtey in aysan u hayn Dhaqaale ku filan, waxaana sida la sheegay arrintaan Qaramada Midoobey ka dhaadhiciyey Qaarka mid Bulshada Rayidka ah iyo Maamul Goboleed Pundland, waxayna soo jeediyeen in Xildhibaanada laga dhigo 120 ama 150 iyadoo Bulshada Rayidka ah ay sheegeen in Caqabada ugu weyn ee hortaagan Dowladnimada Soomaaliya ay tajhay Tirada badan ee Xubnaha Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

Muqdisho, March, 31.2011——— Shirkii caadiga ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday shirka la sheegay inuu ka dhacayo bisha April 2011 magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Goluhu wuxuu soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augastina Mahiga, wuxuuna garwaaqsaday culeyska uu xilliga kala guurka ahi ku hayo ummadda Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay iaan shacbigeena ka gudbinno xilligaasi.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib, goluhu wuxuu go’aansaday in dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya aaney ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu caqabad ku noqonayo horumarkii laga sameeyey dhanka sugida amniga, dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha iyo bulshada iyo maamul wanaagaba.

Dowladda Federaalka KMG ah waxay wadaa inay wadatashi la sameynayso odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta, haweenka, maamulada iyo bulshada rayidka ah si loo xalliyo tabashada shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, loogana wada shaqeeyo danta guud ee dalka, dadka iyo diintaba.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan go’aankan dhaxal galka ah si looga fogaado wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo danaha guud ee ummadda.

Waxaa hubaal ah in waqtigii yaraa ee ay jirtay xukuumadan cusub ay gaartay guulo la taaban karo oo saldhig u ah ka gudbida waqtiga kala guurka ah, balse ay u baahan yihiin dhameystir.

Jaangoynta siyaasada Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah xukuumada Federaalka ee Dowladda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxaan ugu baaqeynaa ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo dhamaan beesha caalamkuba inay nagu ixtiraamaan mas’uuliyidda Dastuuriga ah ee uu goluhu leeyhaya, naguna taageeraan howlaha culus ee ay ku jirto dowladd Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Dowladda Ingiriiska

Muqdisho-Khamiis, 31 March 2011) Waxaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Moxamed Farmaajo xafiiskiisa ku soo booqday Ergeyga Dowladda Ingiriiska, Matt Baugh.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Dowladda Ingiriiska booqashadiisa iyo imaatinkiisa caasimadda dalka ee Muqdisho. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska kaalmadooda joogtada ah gaar ahaan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxuu uga mahadceliyey dowladda Ingiriiska sida ay arrimaha Somalia ugu soo jeesteen oo ay markhaati ka tahay in shirkii 10-ka March ka dhacay golaha Ammaanka ee UN-ka in dowladda Ingiriiska ay u soo dirtay shirkaas Wasiirkooda Arrimaha Afrika.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa qaaliga ah uuna sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu markii ugu horreysay ay tahay oo uu ku soo booqdo xafiiskiisa ee magaalada Muqdisho. Ergeyga ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha socdaal uu ku soo maray Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday dowladda Ingiriiska inay ku dadaalaan sidii Dowladda Somalia looga saacidi lahaa arrimo badan si loo soo celiyo amniga iyo dowlad wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin kooban ka siiyey Ergeyga dadaalada socda iyo go’aankii 27-kii March ay golaha wasiiradu ku gaareen in doorashooyinka madaxda qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah si aan hakad u gelin horumarka la taaban karo ee dhanka amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Ergeyga Ingiriiska waxey isla garteen in loo baahanyahay in caalamka iyo Dowladda Somalia ay sii wadaan wadahadalkooda iyo la tashiyadooda ku wajahan sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah. Waxey kaloo isla garteen in loo baahanyahay sidii gar-gaar bani’aadanimo loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Golaha Wasiirada DFKMG oo Qaadacay Shirka Nairobi ee ay Qaban qaabinayso Qarammada Midoobay "

  1. SHACABYAHOW MAXAAD DOONAYSA?
    Mar haddii ay halkaas marayso, waxaay aheed inaay Shacabka Soomaaliyeed hadlaan oY sheegtaan waxa ay rabaan waxa ay diidanyihiin, haddii kale maalinkasta waa iska dabowareeg iyo meeshii aan kasoo bilownay.
    Farmaajo iyo xukuumadiisa ma arko inaay wax badan qabteen,hadana in xukuumad cusub lagu badalo waxaan dib ugu noqonaynaa meeshii sanad kahor aan joogney iyo iskadabo wareeg horleh. Su’aal: SHACABHAYOW MAXAAD DOONAYSA? GOORMAAD HADLI DOONTAAN?

  2. Goodax Barre says:

    Somaliya Wxaa xukuma Mahiga oo xal mayaalo oo aan aheen in
    Ethopia ay soo dhexgasho oo ay rag ay wadato meesha ay keento sida
    geedi oo raba inuu ku soo noqdo shati tigree iyo farmajo oo la fahmey oo noqdey ciyaal Orfane ma sidaan baa noo danbeysey

  3. Mire says:

    Soomaaliyeey maxaa xal ah marka xaalku waa kasii darayaa ee bal Hala is weydiiyo oo si qoto dheer haloo fekero waxaan waa dhaan dabagaale allow inagu toosi talada suuban. Dabeyshaan gobolada waxay hada ka babaneysaa SL Awdal Land. Waxaan ku talin lahaa walaalayaal aan Danteena garano oo isu imaano soomaaliweyn allow soo celi Amiiin.