Home » Warar »

Golaha Wasiirada DFKMG oo Go’aamiyey in Doorashadii la qaban lahaa Agoosto 2011 Dib loo dhigo ilaa Agoosto 2012

iyo in DFKMG waqtiga loo kordhiyo muddo Hal Sano ah…..

Golaha Wasiirada DFKMG oo maanta (Axad March 27, 2011) ayaa Goluhu  wuxuu go’aamiyay in dhamaan dawlada FKMG ah waqtiga loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo ilaa August  2012.

Shirka Wasiirada DFKMG waxaa ka soo baxay Warsaxaafadeedka u qornaa sidan:

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

Go’aanka Golaha Wasiirada

Muqdisho, March, 27.2011———Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada kaasoo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo loogana dooday Qorshaha Marxaladda kala guurka ah ee uu Dalka marayo.

Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha siyaasadda, sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka;

Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu  wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo August  2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka midka yihiin kuwa hoos ku xusan:-

· Dhismo Ciidan oo Dhameystiran  lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin.

  • Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka  ( Mudo Kooban).
  • Dowlad Wanaag.
  • La Dagaalanka Musuqmaasuqa.
  • Dhameystirka Dastuurka Qabyada.
  • Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta  Dawlad Rasmi ah.
  • Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista  Shaqooyin Dheeriya.
  • Daryeelka Bulshada  & Gaarsiinta Gargaarka.
  • Dib u Dejinta Barakacayaasha.
  • Dib u Heshiisiin Dhameystiran.
  • Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda

Warsaxaafadeedka Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gole_mar2711.mp3]

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada

Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

Sawirada Shirka Wasiirada

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Golaha Wasiirada DFKMG oo Go’aamiyey in Doorashadii la qaban lahaa Agoosto 2011 Dib loo dhigo ilaa Agoosto 2012 "

  1. bilqeyr says:

    Asalamucaleykum waxan salaamayaa shaqaalaha somalitalk iyo dhamaan wasiirada dkm.
    waan ku raacsanahay fikrada wanaagsan ee dhiiragalineysa dadka iyo dalkaba maadama ay somalia marxalad adag ku jirto colaad iyo abaarba iyo wadankii oo gacan adag ku jiro marka waa wax loo baahan yahay in laga taxdiro sidii lagu soo celinlahaa qaran nimo somaliyed oo baahsan .
    anigu waxan qabaa ayadoon shawaabka laga saarin wadanka in aysan dhicin doorasho cusub waayoo waxa qatar galayo wadanka sida iimuuqato haddii laga saaro wadanka ciidamada shawaab in soomaaliya oo idil dib uheshiisiin u imankarto doorashaduna ay wadanka gudahiisa ka dhici karto laakiin shawaab oo wadanka ku jiraa wax hagaagi karaa ma jiro waa sida aan qabo

    waxan dhiiragalin usoo jeedinayaa shacabka somaliyed ee jecel nabada in ay taageeran dowlada km si ay uga saaran ciidamada shawaab wadankana ay nabad kusoo celiyaan waxan rajeynayaa soomaaliya oo midowdo insha’Allaah.

  2. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waa xal runtii ah in leyskugu yimaado meel dhexe, waana ugu hambalyeynayaa Gollaha Wasiirada oo Runtii go’aan sax ah ka gaaray arrinta Jahwareerka ku riday Ummadda Soomaaliyeed, waxaana leeyahay dhallinyarada u guntaday in ay Dhibka ka saaraan Ummadda Soomaaliyeed, waana in laga gudbaa Mindi Mindi ku taagga, waana in lagu taageeraa Xukuumada Xalka ay caawa gaareen, taasoo aan filyo in Taariikhda Soomaaliyeed meel weyn ka geli doonta, cid kastoo ka hortimaada Xalkan asaga ah waa in ay Soomaali meel ugu soo wada jeesataa, arrimaha Soomaalidana waxay u taallaa Ummadda Soomaaliyeed ee cid kale go’aan kama qaadan karto ciddey doonto ha ahaateed, soomali Soomaali baa leh,

    Wabillaahi Towfiiq

    A. Abanur