Home » Faallo »

Laas Geel Goob dalxiis:

3 kun oo sano Nabi Ciise ka hor dad lahaa cilmi u suurageliyey in ay taariikh u reebaan dadka maanta nool

Soomaalidu waxay tiraahdaa (cimrigaagu dheeraada geel dhalayuu ku tusaa) oo loola jeedo in ay suuragal tahay in adduunka dushiisa kula kulanto waxyaabo kaa yaabiya, kuwaas oo qaarkood kugu kordhiya waayo-aragnimo indhaha kuu sii furta, dadka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood marka la cabirayo heerka uu la leg yahay fikirka maskaxdoodu gaari karto oo talo iyo tusaale ku soo bandhigi karaan, waxaa ugu horeeya (Maanku ciroole) oo loola jeedo qofka caqliga alle ku maneystay ee cilmiga ku darsaday, (Madax ku ciroole) oo ah qof da’ weyn oo waayo badan u soo joogay sidaasna ku leh waayo aragnimo iyo (Majo ku ciroole) oo ah qof lugtiisa soo mariyey ama ku soo safray meelo badan oo ka mid ah arlada alle balaariyey gaar ahaan meelaha taariikhiga ah sida deegaanka Laas-Geel oo ugu badnaan Waqooyi bari 55Km u jirta Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Axaddii la soo dhaafay ee taariikhdu ahayd 13-ka bisha March 2011 ayaa koox weriyayaal ah oo aan ku jiro booqanay deegaanka Laas-Geel oo leh taariikh fac weyn, waa dhul aan laheyn keyn isla markaana dhagxaantu ku badan tahay, marka laga yimaado dhulka banaan waxaa jira buuro ka sameysan dhagax oo ku yaala deegaankaas, waxaa kor u foolnay buur dheer oo leh qaro waaweyn halkaas waxaan ku aragnay godad buurta ku dhex yaal iyo farshaxan ama sawiro ku xardhan gidaarada buurta, waxaana ku noolaa buurtaan dad aan si rasmi ah loo garaneyn hadday soomaali ahaayeen iyo in ay faraaciin ahaayeen sida uu ii sheegay Jaamac Axdar Maxamed oo ka tirsan ilaalada deegaanka Laas-Geel ee loo dalxiis tago.

“Waxaa kal hore 2002 halkaan soo gaaray quburo ka socday Dowladda Faransiiska oo daboolka ka qaaday waxaad arkeysaan ee ah farshaxanka ku sawiran gidaarada ama dhagxaanta buurtaan iyago ka helay alaabo qadiimi ah, sidoo kale waxay baaritaano ku sameeyeen qaar ka mid ah lafo laga helay qabuuro halkaan ku yaala, waxay caddeeyeen in halkaan dad ku noolaayeen 3 kun oo sano nabi Ciise (CS) ka hor, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin Karin dadkaasi waxa ay ahaayeen” ayuu yiri Jaamac Axdar oo mudo 9 sano ah ilaalo ka ahaa Laas Geel sida uu sheegay, inkastoo markii ugu horeysay 1945 la helay aasaarta Laas Geel sidoo kale waxaa baaritaan kale lagu sameeyey sanadkii 1983.

“Godadkaan ku yaala buurta dhexdeeda waxay hoy u ahaayeen dadkii halkaan ku noolaa, meelaha qaar waxay u sameysan yihiin sida hoolal oo kale sidaas darteed aragtidayda waxaan u fahmay in dadkaasi u isticmaali jireen goobo ay ku wada hadlaan ama ku shiraan” sidaa waxaa isna yiri nin ku soo gaabshay magiciisa Cali oo sheegay in uu mudo 4 sano ah shaqadiisu ahayd in uu dalxiisayaasha soo tusiyo deegaanka Laas-Geel, isagoo sheegay in deegaankaan ay ku yaalaan Ceelal laga waraabiyo Geela isla markaana erayga Laas loo yaqaano Ceelka halkaasna uu ka soo jeedo magaca Laas-Geel.

Intii aan halkaas ku sugneyn, waxay indhaheygu qabanayeen dalxiisayaal ajnabi ah oo si weyn ula dhacsanaa muuqaalka Buurta Laas-Geel, John waxa uu ka mid ahaa dadkii ajnabiga ahaa ee aan halkaas kula kulmay, waxa uu ii sheegay in uu ka yimid Magaalada New York ee dalka Mareykanka isla markaana uu halkaan u yimid dalxiis, waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay deegaanka Laas Geel oo uu ku tilmaamay goob cajiib ah isla markaana uu dareemayo jawi nabdoon oo suuragelinaya in loo dalxiis tago goobo taariikh leh.

Waa markii iigu horeysay oo aan tago Laas-Geel oo I cajab gelisay igana yaabisay maadaama indhaheygu aysan horey u qaban Farshaxan iyo sawiro ku xardhan Buur dusheed kuwaas oo daliil u noqon kara jiritaanka dhowr kun oo sano ka hor dad lahaa cilmi u suurageliyey in ay taariikh u reebaan dadka maanta nool. Waxaa la yaab igu abuuray qaro waaweyn oo aan markii ugu horeysay indhaha saaray marka laga reebo keliya inaan filimada ku arki jiray godadka iyo qaraha ku yaala Laas Geel oo kale, waxaana dhihi karaa booqasha Laas Geel waxay qayb ka noqoneysaa Majo ku Ciroolenimadeyda aan sidaas u balaarneyn.

Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Dirham)
cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Laas Geel Goob dalxiis: "

  1. Bashiir Abuxudayfah says:

    Asc: Waa arin farxad leh runtiina waa Taariikh baarid u baahan .

    Haddiise aan waxyar ka dhaho , reer miyinimadaydii waxyaabihii aan arki jiray runtii way la mid ahaayeena ama u dhawaayeen arintaan Laas Geel .

    Xaqiiqdii aniga waxaan ku soo barbaaray dhulka Soomaaliwayn qayb ka mida , waa Galgaduud ama Mudugba , halkaa oo ah dhul qalaxana in badan ayaan geel ku soo raacay . Dabcan geel haddii aad ul u noqotana dhul waad mari .

    Xaqiiqdii way jiraan meel (Qawlaamo ) ah oo aan arkay middiise iigu yaabka badnayd waxay ahayd mid afkeeda aw la ekaa balac ahaan 5 mitir oo isku weer ah halkaas marka laga galana hoos loogo daadegaa , ilaamaa marba marka ka danbaysa loo sii dhaadhacaa dhul bacaad ah oo qaboow ah , run ahaantii astaamo Taariikheed kuma aanan arag markaana kama fekerayn , waxaanse hubaa waxyaabo aan isleeya astaamo Taariikheed way noqon karaan , waxaa ka jiray , meel Sina Dhaqo la oran jiray oo dhagag sidii weelashii u tabcan lagu arki jiray . Waa dhagax waawayn oo sidii baafafkii u salbalaaran xaqiiqdiina dhagaxdaa , waxay ahaayeen nuuc gaara ama naqshad la dareemi karo in la sameeyay , waxaa kale oo jiri jirtay in mararka qaar ceelal duugan la helo , markii la qudana lagu arki jiray waxyaabo astaamo hore ah , oo ay ka mid ahaayeen , alaab iyo waxyaabo dadka reer miyiga ay garanayaan , guud ahaan waxaa hubaala dhulwaynaha Soomaaliyeed in haddii la baaro Taariikh taalo siiba dhulka Bari ee xeebta ku teedsan laga bilaabo Ceelbuur ilaa Bari , kusii soco , Barbara iyo Saylac , hoos iyo koofurna dhanka Baraawe iyo Muqdisho ayaa iyana Qadiim ah , marka waxaa loo baahanya rag Kaamirooyin duurkaa la gala . Si waxyaabo astaamo ah u soo helaan .

    Waxaa kale oo cajiib ahayd , in dhagaxaan dahab ah laga heli jiray Guraha ama meelaha dhagaxa ah oo dhagaxdaa ay dahab saafiya ahaan jireen , eeg dhulka maahan banaanka ayay yaal yaalaan . wax walba oo qani ku nahay Qatooyinaan ka noqonay !!!!!!!!!!!