Home » Maqaallo »

Xannunka Kolestrolka (Atherosclerosis) – Q.1aad

Maqaalkan wuxuu ku saabsan yahay caafimaad,waana maqaalo dhowr ah oo aan ugu tala galay in aan dadweynaha Soomaaliyeed uga faa’iideeyo arimo u muhiim ah noloshooda,si aan gacan uga gaysto dadaalka loogu jiro in loo guntada dhibaatada ku habsatay shacabkeena,taas oo aan u arko in ay tahay waajib saaran qof walba in uu umadda uga faa’iideeyo wixii uu u soo baratay dartood.

 

Q1aad.

Kolestolka ku jira dhiiga qofka ma aha sidiisa cudur, balse waxaa uu caawin karayaa marka uu dhaafo xad uu alle ugu talo galay in xidada uu ku sameysmo waxa loo yaqaano  (Atherosclerosis) oo ah in xididadu ay xirmaan taasoo uu dhiigu ka xirmo qeybo ka mid ah xubno qofka aad muhiim ugu ah noloshiisa sida wadnaha kelyaha iwm.

Atherosclerosis waa hab ama process uu markaasi waxyaabaha ay ka mid yihiin kolestrolka , kalsium iyo waxyaabo kale oo ah qashin uusan jirku isticmaaleyn ay u dhexdagaan xuubka u hooseeya ee arteriga oo ah xidid dhiiga u qaada xubnaha jirka. Taas oo keenta in arterigu adkaado marba marka uu qofku sii weynaadaba.

Waxaa jira kolestrolka in uu leeyahay noocyo kala duwan laakiin waxaan ku soo gaabinayaa in aan ka hadlo labadan qeybood ee ay muhimka tahay in uu qofku wax ka ogaado LDL kolestrol (low density lipoprotien) oo sabab u ah sameysanka xanuunka ay dadkeenu yiraahdaan kolestrol ayaa haya qofkaa taas oo macneheedu yahay kolestrolkiisa ayaa dhaafay xadiga normalka ah.

Waxaa kaloo jira kolestrol la yiraahdo waa kolestrolka faaiidada leh HDL ( high density lipoprotien) waayo kelostrolka iyo triglyceridku  waxaa ay ka mid yihiin dhismaha unuga ama (cells) unugyada uu jirkeenu ka kooban yahay oo gaaraya malaayiin iyo hormonada jirkeena uu xambaarsan yahay kuwaas oo haya shaqooyin kala duwan oo muhimad u leh nolesheena.

Kolestrolka waxaa uu ku xiran yahay cunada uu qofku cuno iyo sida uu beerku u soo saaro maadadan. Klosrolka waxaa jirka dhexdiisa uu ugu kala socdaalaa isaga oo ku dhegan proteinska sida albumin haweenka waxaa jirkooda ku badan kolestroolka nooca faaiidadadiisu badan tahay ee HDL ka.

Marka kolestrolka la eegayo waxaa muhiim ah ogaanshaha xiriirka HDL iyo LDL taasoo kororka midkood uu sababo ama difaac ama dhibaato. HDL ka oo kordha waxaa saameyntiisu tahay difaac ka hotag halka kan labaad waa LDL uu leeyahay waxyeelo.

 

Waxaa loo cabiraa sidan  soo socota;

· Koletrolka dhiiga hadii uu ka yar yahay 5,0 millimol per liter waa sida ugu wanaagsan.

· Hadii uu gaarayo inta u dhexeysa 5,0 – 6,4 millimol per liter  wax yar ayuu markaa sareeyaa.

· Inta u dhexeysa 6,5 – 7,9 millimol per liter waa ka sii sareysaa ama waa sareyn dhexdhexaad ah.

· Hadii uu markaa ka sareeyo 7,9 waa sareyn aad ah oo waxyeelo keenta hadii aan lala tacaalin.

Kororka ama cudurka waxaa qofka uu ugu dhici karaa laba hab mid waa dhaxal oo waalidka  ayaa u soo gudbiya ama generation hore ayaa u soo gudbiya  tankale waxaa sababi kara bay ada uu ku nool yahay.

Qofku ma dareemi karo in kolestrolkiisu kordhay iyo in kale laakiin waxaa uu dareemaa saameynta ka dhalatay xiranka xididada dhiiga u kala gudbiya jirka taasoo uu dareemo waxyaabaha soo socda.

· Xanuun u ka dareemo naaska hoostiisa  ilaa xaga gacmaha ayuu u fidaa xanuunka xaga sarana ilaa dhuunta waa marka uu sameynayo wax shaqo ah sida in uu jaranjaro korayo ama exercise kale (angina pectoris).

· Hadii xanuunku yimaado adiga oo nasanaya oo aan wax shaqo ah heyn waxaa ay taas calaamad u tahay in xaga wadnaha uu jiro xiran xidada enerjiga iyo oksojinta siiya.

· Waxaa kaloo jiri kara hurdada oo yaraata war wareer dareemid iyo xanuun muruqa xaga lugta hoose.

Waxaa aan tusaale u soo qaadan karnaa marka uu qofku haleelo xanuunka in uu marba marka dambeeya ay sii yaraato sahlanaanta uu dhiigu ugu kala socdo jirkiisa oo markaa uu yaraado marinka dhiiga  waxaa la bar bar dhigi karaa sida tubada biyaha qaada u xiro kalkaha hadii lagu sii daayo oo aan anti kalk loo isticmaalin markaa sidaa oo kale ayay daawadu muhiim ugu tahay in uu qofku u qaato sida loogu tala galay oo uu dhakharku faray (compliance) sidaas daraadeed raac talada dhakhtarka oo muhimad u leh caafimaad wanaagaaga hadii kale waxaa dhaceysa marka uu dhiigu gaari waayo xubnaha noloshaado  muhiimada u leh oo ay markaa qaar ay  daciifaan amaba dhintaan sida kelyaha , wadnaha iyo wixii soo raaca.

 

Waxaan qeyb kale uga hadli doonaa sida loo daaweeyo xanuunka.

WQ: Abdirahman A. mohamed

Cand, Science

amanxg@hotmail.com

xasanali11 @ hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.