Home » Warar »

Ciidamada AMISOM oo Magaalada Muqdisho ka geystey Duqeynii ugu weyneyd

Shiikh Shariif oo u tacsiyadeeyey Ciiddamada Burundi iyo Uganda oo Dhimasho ka soo gaartey Dagaaladii ugu dambeeyey

Banaanbax looga soo horjeedo Hadalka Shiikh Shariif oo ka dhacay Muyqdisho

  • “Doolar Qaate Doonimeyno” “Shiikh Shariif Waxa uu ka damqadey Dhimashada soo gaartey Ciidamada Amisom, aad baan uga xunahay in uu ka damqan weeyey Xasuuqa loo geysanayo shacabka Muqdisho”,

Ciidamada Amisom oo la sheegey in ay nabad ilaalin u joogaaa soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa khamiistii (March 10, 2011) waxay sameeyeeen Duqeyntii ugu xooganeyd oo dhinaca Madaafiicda gaar haan Madaafiicda loo yaqaan BM-ka waxaana lagu waramey in ay duqeeyeen goobo ay degenaayeen dad rayid ah oo ku yaal Magaalada Muqdisho .

Goobaha la duqeeyey waxaa ka mid ah Xaafadda Gubta , Yaaqshiid, Wardhiigleey iyo Kaaraan waxaana la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 7 qof oo ay ku jiraan Caruur aad u yar yar inkastoo Afhayeenka Ciidamada Amisom uu sheegey in goobaha ay duqeeyeen ay ahaayeen Baro ay lahaayeen Xarakada Al Shabaab oo ku yaal Garoonka Istadium M,uqdisho iyo Xaafada Gubta hase yeeshee dad degen Xaafadaha la duqeeyey ayey noo sheegeen in ay ahaayeen Goobaha la Duqeeyey Goobo ay degenaayeen Dad Rayid ah.

Ciidamada Amisom ayaa iyagu markasta Madaafiic la beegsada Goobaha ay degen yihiin Dadka Rayidka ah ee Magaalada Muqdisho inkastoo Ciidamada Amisom ay ku marmarsiyoodaan in ay duqeeyeen Saldhigyo Milatari oo ay leeyihiin Xarakada Al Shabaab ayaa hadana dadka qaar waxay aamisan yihin in aysan jirin Saldhiyo ay leeytihiin Xarakada Shabaab waayo waa ciidamo ku Milmey Shacab oo aan lahayn Goobo loogu soo hagaago.

Ka sokow Duqeynta Waxyeelada Shacabka waxaa sii dheer Burburka ay geysanayaeen Madaafiicda ay ridayaan Ciidamada Amisom iyadoo dadka ay ka wada dheregsan yihiin in Ciidamada Amisom ay duqeeyaan Suuqa Bakaaraha oo ay ku ganacsadaan dad Riyad ah hase yeeshee Afhayeenka Ciidamada Amisom markasta waa difiraa in ay duqeeyaan iyadoo markasta Gawaarida Gurmadka Deg deg ah ay dhawaacyo ka soo qaadaan Suuqa Bakaaraha iyadoo Bishii Hore Madfac ku dhacay qaybta Sarifka lacaha Qalaad ay ku dhinteen 12 qofood oo ahaa dadkii halkaa ku ganacsanayey sidoo kale Caruur fara badan baa markasta ku dhinta ama ku dhaawacma Madaafiicda ay tuurrayaan Ciidamada Amisom kuwaas oo ka buuxa Isbitaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Arbacadii soo kormeerey Jiida hore ee Dagaalka ayaa waxaa uu u tacsiyeeyey Ciidamada Burundi iyo Uganda ka dib markii ay Khasaaro ka soo gaartey Dagaaladii ugu dambeeey ee ka dhaca Magaalada Muqdisho isagoo sheegey in Shacabka soomaaliyeed aysan illoobi doonin Taariikhdana Xusi doonto Ciidamada Burund iyo Uganda oo dhiigooda u daadiyey in soomaaliya ay hesho Nabad iyo Xasilooni hase yeeshee Banaanbax looga soo horjeedo hadalka Shiikh Shariif ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Kaxda ee Degmada Dharkeeenley kuwaas oo ku dhawaaqayey “Doolar Qaate Doonimeyno” “Shiikh Shariif Waxa uu ka damqadey Dhimashada soo gaartey Ciidamada Amisom, aad baan uga xunahay in uu ka damqan weeyey Xasuuqa loo geysanayo shacabka Muqdisho, waxaan leenahay Shiikh Shariif ha soo booqdo Isbitaalada Muqdisho oo ay buux dhaafiyeen Dad fara badan oo ku dhaawacmey Madaafiicda Anisom kuwaas oo ay ku jiraan Caruur”.

Guntii iyo Gunaadadkii Dadka ku nool Magaalada Muqdishi waxaa heysta”Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna” kii wax Tarey iIloobi Maayaan kii wax u dhimeyna Taariikhdaa Xusi Doonta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Ciidamada AMISOM oo Magaalada Muqdisho ka geystey Duqeynii ugu weyneyd "

  1. asc waa mahadsantihiin dhamaan bahda somalitalk wlh waa ayaandaro iyo uur ku taalo aan go,een in gaalo xun uu u tacsiyeeyo nin madaxnimo iyo islaanimo sheeganaaya shacabkii uu masuuliyadooda qaadayna maalin iyo habeen howl iyo hurdo gabeen hoobiyuhuna liganyahay .maatada marastiyo agoomaha marna uusan udiirnaxeyn, waxaan leeyahay ogow in ilaahey kugula xisabtamidoono oo alle kuweydiindoono waxaa aadsameyneyso,taariikhda somaaliyed aad baali mugdi ah kagaleysid. balankeenu waa maalinka alle hortiisa loo wada gartago!!

  2. dhaman hambalyo iyo mahadcelin hawsha aad gudanaysaan intaa waxa ii dheer hadii aan kadhiibto fikradayda in aad afka somaliga sifiican loo tafatiro inta aanu u soo gudbin aqrista yaasha waxana idinku borinaya in aad horey uga sii socotann hawsha qimaha badan eeed u dhabar adeegteen mahadsanidiin

  3. Ali says:

    Somaliyeey maxaa isbedelay oo maanta looga qaylin la yahay duqaynta iyo xasuuqa ay kawadaan Somaliya ciidamada Itobiya iyo kuwa AMISOM.
    Shalay Oohinta iyo Baroorta iyo mudaaharaadyada dalka gudihiisa iyo dibada kala go ma lahayn . Raggii hormuudka ka ahaa qaar kamid ah xilal ayey maanta ka hayaan Dowlada Sheekh Shariif .
    Shariif wuxuu u tacsiyeeyey ciidamada Uganda iyo Burundi askartii ka dhimatay . Somalidana dhaawaca xataa ma soo booqan .

  4. Abdinur says:

    SCW/Waxaan aad ugu xumahay markastoo nidaam dowlo soo dhawaado
    waxaa jira in yar oo ka goryimaado waa maxaay sababta?
    Hadii aan ka jawaabo waa kuwii 20 sano ee dowlad la.aanta hantida
    ka helay marka waxaan leeyahay yaan warkooda la dhageysan