Home » Faallo »

Magaalada Hargeysa oo weli ay ka socdaan Guryaha gubanaya

Qoysas badan ayaa dibadda jiifa kadib markii 27 guri ay gubteen –

Maalmihii aynu kasoo gudubnay Waxaa gudaha Magaalada Hargeysa ka soo ifbaxay Arrin anfariir ku riday ummadda halkan ku dhaqan, marka aan sidaa leeyahay sababtu waxay tahay amaba aan dhihi karaa waa arrin ku cusub hargeysa oo aan horey loo arag.

Qof walba oo ku nool halkan haddii aad weydiisana uusan si sax ah kuugu jawaabi Karin Maxay tahay arrintu? Waxa ay arrintu tahay amaba ay salka ku haysaa gubasho, wax cusubna maahan gubashadu oo horay ayaa loo arkay guryo gubanaya balse arrinta yaabka leh ee la garan la’yahay ayaa ah qaabka ay u gubanayaan guryuhu.

Bal ka waran adiga oo ku sugan gurigaada daaradiisa amaba banaanka hore ee gurigaada haddii aad aragto gurigaagii oo saqafka kore olol ka bixinaya oo gubanaya, isla markiiba su’aasha kugu soo maaxanaysa ee aad isweydiineysaa waxa ay tahay, Tolow maxaa guriga gubay? Isala markiina jawabaata ugu fudud ee niyadaadu ku siineysaa waxa ay tahay “koley korontaa ka kacday oo gubtay”, hase yeeshee howshu sidaa ka badalan.

Gudaha Magaalada Hargeysa waxaa lagu arkay tiro guryo ah oo gubanaya, gubashadaasna Bulshadu waxay ku sifeysay dhowr arrimood arrimood oo kala ah:-

In guriga la doonayo in la gubo la yimaado xiliga uu qobowgu jiro ee habeenkii deetana lacalaamadeeyo, oo wax midab leh la mariyo, dabadeedna marka Maalintii qoraxdu soo kululaato oo qoraxdu qabato midabkii guriga la mariyey uu gurigu iskii isaga gubto.

In guriga la doonayo in la gubo, marka la calaamadeeyo kaddib Marka la gaaro barqadii lagu soo tuuro, shey aad u yar oo Gumaca rasaasta oo kale ah, deetana uu gurigu sidaa ku gubto.

Qaar kale oo bulshada ka mid ahina waxa ay qabaan amaba ay aaminsan yihiin in arrintani ay tahay, in marka hore guriga la calaamadeeyo kaddibana Aalad hub oo meel dheer laga soo riday lagu gubo guryaha.

Marka loo fiirsado qaabka ay u gubanayaan guryuhu ugu horeyn waxaa kuu soo baxaysa in gubashadaas ay qeyb libaax leh ku leedahay qoraxda, waayo wali lama arag xilli qabow jiro amaba ay tahay habeen guriyo gubanaya.

Balse arrintaa waxa ka sii darani waxa ay tahay gobasho horay waa loo arkay oo waxaa guban jiray guryo ka sameysan cooshado, jiingado iyo IWM, balse hadda waxa gubana waxaa ugu badan guryo u badan Filooyin ama sar!!.

Howlaha gubashada ee hargeysa kuma koobna kaliya xaafad si gooni ah loo bartilmaameedsanayo ee maalin waliba ama laba maalin kaddiba waxa ay ka oogan tahay xaafad cusub.

Xaafadaha ka tirsan Magaalada Hargeysa ee guryaha badan ay ku gubteen waxaa ka mid ah Xaafadda New Hargeysa, October, Axmed Gurey, Cabaaye iyo kuwo kale, guryaha ku gubtay halkaasna waxaa lagu qiyaasay in ka badan 27 guri.

Howshii gubashada Marka ay bilaabatay Maalmo kaddib waxaa gudaha Magaalada ka dhacay Dibad bax looga soo horjeedo arrintaasi, waxa ayna dadkaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen hanalaka badalo Taliyaha Ciidanka maadaama uu ku guul dareystay inuu wax ka qabto arrintan, iyo in Dowladdu magdhaw siiso dadkii ku guryo beelay dabkaasi, iyadoo dibaxaasina uu ka dhacay Xaafadda New Hargeysa oo ahayd halka arrinta gubashadu ka bilaabatay.

Marka ay soo ifbaxday arrintani ayaa waxaa ka halday Masuuliyiin aad u fara badan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Taliyaha guud ee ciidanka police-ka Somaliland Gen. Cilmi Rooble Fure Cilmi Kabaal, Suldaan Yuusuf Maxamed Xiirey iyo Masuuliyiin kale kuwaa dhamaantood sheegay in howshani wax laga qaban doono oo ay socdaan baaritaanno ku aadan arrintani.

Guryahaasi marka ay gubteen kaddib dadka ku dhaqan Magaalada waxaa la soo daristay cabsi ku wajahan in guryohooda la gubo, subax walibana aroorta hore waxa uu shaqsi waliba ku kallahaa in uu gurigiisa ka eego calaamado, waxaadna subaxa hore aad ku arkeysaa dad saran saqafka sare ee guriyaha kana fiirinaya waxyaabo sababi kara gubasho ku timaada guryaha.

Arrintu intaa kuma ekaane howshii gubidda guryuhu waa ay sii socotay gurigii ugu dambeeyey waxaa Maalintii shalay oo ay taariikhdu ku beegneed isniin February 28 2011 uu ku gubtay xaafadda October ee degmada Axmed dhagax, kaa oo ka dhigaya tirade guryaha gubtay 28-guri.

Hadaba guraha gubtay, waxaa lagayaa in ay ku hani beeleen oo ay halkaasi ku waayeen guri iyo Allaabo badan dad markaasi aan awoodin in ay Allaabo kale iibsadaan amaba ay gurigoodii dib u dhistaan, haddaba dadkaa yaa wax u qabtay?.

Tan iyo markii ay soo bilaabatay arrintani ayaa Maamulka Somaliland waxa uu xabsiga u taxaabay dad lagu tuhmayo in ay lug ku leeyihiin Falalkani oo u badan dhallinyaro kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Su’aalaha la is weydiinayaa waxa ay tahay arritan cusub Maxaa la iskugu howli waayey oo wax looga qaban waayey?

Marka laga soo tago hadalada ay masuuliyiinta Dowladda oo sheegay in ay wax ka qabanayaan arrintani islamarkaan xabsiga dhigay dad laga shakisan yahay ayaan waxaan jirin talaabo kale oo ay qaaday xukuumaddu, sidoo kale arrintan ayaa wax ka qabashadeeda aysan ka qeyb qaadan Warbaahintu Marka laga reebo buun buunin ay arintaasi ku sameysay.

Waxaan isweydiinayaa Ma la waayey Wariyeyaal arintaan u dhaba gala oo warbixin dhab ah ka keena?

Waxaan kaloo aaminsanahay in arrintan ay sii socodoonto haddii aan wax laga qaban!

Haddaba Ugu dambeyn waxaan leeyahay Aqriste yaa looga fadhiyaa in arrintan ay wax ka qabato??

Haaruun Yuusuf Khasaaro
Hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Magaalada Hargeysa oo weli ay ka socdaan Guryaha gubanaya "

  1. CAWIL says:

    WAA IN LARAADIYAA XAQIIQADA YAA KADANBEEYA ANIGA WAXAY ILATAHAY WAA DAD LAWADA YAQAANO SIYAASIINTA MAALQABEENADA BOOLISKA AYAA KA DANBEEYA

  2. Reer Hargaysa iska ilaaliya qolooyinka iibiya qalabka dhismaha waxay u badan tahay in ay iyaga ka dambeeyaan guruyaha la gubayo waxaa laga yaaba in suuqa ka yara xumaaday oo doonayaan in laga iibsado qalabka guryaha lagu dhiso. bal iska yara eega qoldaas iibisa qalabka dhismaha waa uun iga talo.