Home » Warar »

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Italy

Wafti uu hoggaaminayo Dr Faroole ayaa gaarey dalka Talyaaniga, safarkaas ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland oo u qoraa sidan:

Halkan ka Daawo Sawirada Booqashada Roma

PRESS RELEASE

February 28, 2011

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Italy

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maalintii Isniintii booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Roma ee caasimadda dalka Italy.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa gediga dayuuradaha magaaladaasi ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka socda Safaarada Somalida ee dalka Italy uuna horboodaayay Amb. Nur Xasan Xuseen (Nur Cadde) oo ah Safiirka Somalia u jooga Italy iyo Belgium, waxaana wehlinayay Madaxa soo dhaweynta Safaaradda Somalia ee Italy, Md. Aweys Abukar Aweys.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Maamul-Wanaaga Md. Maxamad Farax Ciise (Gaashaan) iyo Wasiiru-dowlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.

Wafdiga Dowladda Puntland ayaa kulamo muhiim ah kula balansan Mas’uuliyiin kala gedisan oo ka socda Dowladda Italy, sida Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Baarlamaanka Italy.

Dhanka kale, Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muddo todobaad ah joogay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Ethiopia iyo Safiirka Somalia ee dalka Ethiopia, Md. Siciid Yusuf Nur, ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii soo dhaweeyey wafdiga.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Ethiopia uuna horkacayay Rai’sul Wasaaraha Meles Zenawi.

Arrimo badan ayay labada dhinac ka wada hadleen, sida xoojinta iskaashiga amniga, ganacsiga iyo siyaasadda ee labada dhinac, iyadoo Dowladda Puntland ay mowqif cad ka istaagtay daandaansiga iyo gardarradda uu ka wado qeybo ka mid ah Gobolladda Puntland gaar ahaan deegaanka Buuhoodle maamulka la magacbaxay Somaliland.

Sidoo kale, Wafdiga Puntland ayaa qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka (USA) u qaabilsan arrimaha Somalia, Amb. John Yates, iyadoo arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen taageeridda Maraykanka ee gobollada nabdoon ee Somalia iyo weliba dhamaadka xilliga Xukummadda iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka KMG (TFG).

Safiir-ku-xigeenka dalka Ingriiska (UK) u jooga dalka Ethiopia, Amb. John Marshall, ayaa booqasho ugu yimid Wafdiga Puntland iyadoo arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahayd cambaarayn ay Dowladda Puntland usoo jeedisay daandaansiga iyo gardaradda maamulka la magacbaxay Somaliland uu ka wado mandaqada.

 

Sawirka Bidix: Nuur Cadde iyo Faroole

 

Halkan ka Daawo Sawirada Booqashada Roma

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.