Home » Warar »

Xarakada Al-Shabaab oo sheegtey in Hanjabaada ay xiligaan u dirayaan Kenya ay ka Duwanaan doonto Hanjabaadyadii Hore

Afhayeen Xarakada Al- Shabaab  Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere oo maanta (Feb 27, 2011) shir Jaraaid u qabtey Saxaafadda ayaa digniin kulul u direy Dowladda Kenya oo uu sheegey in ay si weyn ugu lug leedahayDagaalada ka soo cusboonaadey Degmada Buulo Xaawo isagoo sheegey in Dowladda Kenya ay saldhig siisey Ciidamada Itoobiya ee Madaafiicda ku garaacaya Magaalada Buulo Xaawo.

Afhayeenka Xarakadda AL Shabaab wuxuu shirkiisa Jaraaid ku  yiri”Hanjabaada ay xiligaan Dirayaan waa ka duwan tahay tii hore waayo kenya si cad baa dalkeeda looga abaabulayaa dagaalada ka socda Magaalada Buulo Xaawo” wuxuu intaa sii raaciyey” waxaan u soo jeedinaynaa dadka Soomaliyeed in ay ka feejignaadaan talaabooynka ay qaadi doonaan ee ku wajahan Dalka Kenya ”

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Cali dheere  wuxuu sheegey in wixii dhibaato ah ee ka dhaca Kenya ay Masuuliyadeeda qaadi doonto Dowlada Kenya wuxuu kaloo uu sheegey in  in dhibaatada iyo Shirqoolada lagu hayo ummada Soomaaliyeed ay horseed u tahay Dowlada Kenya isagoo soo sheegey in Dagaalada ka soo cusboonaadey Degmada Buulo Xaawo haatan laga soo abaabuley Gudaha Dalka Kenya

“ Wax badan waxaa lagu cel celiyey Kenyaa loo Hanjabey laakin maanta hanjabaada tii hore si aad ah bay uga duwan Tahay oo hore uma dhicin wax dhibaato ah oo loo geystey Kenya laakiin maanta Kenya iyadaa Dhibaatada u yeeratey” ayuu yiri  wuxuu sii raaciyey Afhayeenka” Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha la socda waxay dhufeysyo ka sameysteen Magaalada Mandheere Dowlada Kenya qayb weyn bay ku leedahay dagaalada lagu hayo Magaalada Buulo Xaawo”

Shiikh Cali dheere wuxuu soo hadal qaadey Xasuuqii loo geystey dadka soomaaliyeed ee ku noolaa waqooyi Bari  Kenya gaar ahaan kii ka dhacay Garoonka Wagalla oo ay ku dhinteen dad fara badan oo soomaaliyeed  wuxuu u soo jeediyey dadka soomaaliyee ee ku nool dalkaas in ay ka feejignaadaan  dhibaatooynka ay wadaan Ciidamada kenya isla markaan ay Caruurtooda ka ceshedaan in la Askareeyo si ay duulaan ugu soo qaadaan Deegaanada ay ka taliyeen ee Gobolka Geddo   wuxuu kaloo uu sheegey Afhayeenka in Xerooyn kuyaala Kenya lagu soo tababarey Ciidamada haatan dagaalka ka wada Magaalooyinka Mandheere iyo Buulo Xaawo waxayna Dowlada Kenya dagaaladaas ka Ciyaareysaa door aad u weyn

Wasiir ku xigeen ka tirsan Dowlada Kenya oo lagu magacaabo Maxamuud Maalin ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey in Deegaano ka tirsan Dhulka soomaaliya ee Kenya ay soo gelisey Ciidamo Itoobiyaan kuwaas oo uu sheegey in  ay qabsadeen Saldhigii Booliska Mandheere,Kastamka, Mandheera iyo Xarumo kale oo ay Dowladda Kenya leedahay wuxuuna u soo jeediyey Dowladda Kenya in ay si dhaqsiyo leh u soo farageliso waxa ka socda Mandheere isla markaana ay deg deg uga saartp Ciidamada Itoobiya Degmada Mandheere.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Xasuuqii Wagalla (Qoraallo hore)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.