Home » Warar »

Naadiga Hal abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho ku xusey Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo


Xuseen Kadare” Haddii aan la heli lahayn Awoodii Dowladii Maxamed Siyaad Afka Soomaaliga lama Qori lahayn”

Xaflad si heer Sare ah loo soo Agaasimey ayaa waxay ka dhacdey Hotel Saxafi labo ee Magaalada Muqdisho waxayna Xafladaas ku saabsaneyd Xuska Maalnta Caalamiga ah ee Afka Hooyo ee 21 Feberaayo waxaana ka soo qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Hayadaha Samafaslka , Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Abwaaniin , Qorayaal  iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada

Halkan ka daawo sawirada

Ugu Horeyn waxaa halkaa Warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha  Naadiga Pen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya  Cabdi Naasir Macalin Yuusuf oo sheegey in tan iyo markii dhidibada loo taagay Naadiga Pen uu wax weyn ka qabtey sidii loo sare marin lahaa Afka hooyo isagoo sheegey in uu Naadiga qabtey Wacyigelin ka saabsan sidii Afka hooyo loo Hormarin lahaa iyadoo intii ay socotey Xafladaas  Halkaa laga akhriyey Qoraal uu soo direy Gudoomiyaha Cusub ee Naadiga Pen Mudane Aadan Balalow waxaana akhriyey Sacdiya Cabdiraxmaan Garabey oo ka mid ah Xubnaha Naadiga Pen

Khudbada Gudoomiyaha  wuxuu ka Hadley sida Bulshada looga baahan yahay in ay Hormarsato Afkeeda maadaada dal aan lahayn Af , Dhaqan iyo Taariikh uusan Horumar gaari karn

Xubnihii halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf  oo isna sheegey in Abwaanada Soomaaliyeed ay qaybka qaateen sare u qaadida Afka Soomaaliga iyo weliba Suugaantiisa isagoo sheegey in qaybaha kala duwan ee Bulshada looga naahan yahay in ay ka qayb qaadato sidii Afka hooyo uu ula tartami lahaa Afafka kale ee Dunida

Waxaa kaloo ka mid ahaa Xubnihii halkaa ka Hadley  Furtuun Cabdi Salaan Xaaji oo ah Gudoomiyaha Hayada INXA sheegey in Xaflad Sannadkii mar la qabto aysan ka qayb qaadaneyn Sare u qaadida Afka Hooyo waxayna kula dardaarantey Naadiga  in loo baahan yahay in Xafladaha noocaan oo kale  sannadkii dhowr jeer la qabto

Waxaa kaloo xafladaas ka hadaley  Ustaad Mustafa  Dheeg oo ka mid Macalimiinta Jaamacada Muqdisho ahna shakhsi si aad ah u daneeya in afka Hooyo uu ka mid noqdo Afafka Calamiga wuxuu si aad ah ugu dheeraadey Taariikhda Afka Hooyo isagoo sheegey in afka soomaaliga ay ku hadlaan Maaliyiin qof kuwaas oo ku nool Soomaaliya ,Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya wuxuu kaloo uu sheegey in  Afka soomaaliga uu haatan ka mid yahay afka Sadexaad ee Qaaradda Afrika maadaama ay ku hadlaan Malaayii qofood

Waxaa ka Hadley  Munaasabadaas Xuseen Shiikh Axmed Kadere oo ka mid ahaa Guddii loo xilsaarey in ka soo Baaraadegaan sida ugu haboon ee loo qori karo Afka Soomaaliga wuxuu kaloo uu sheegey in muddo dhowr jeer la isku dayey in Afka soomaliga la qoro balse wuxuu sheegey in lagu fashilmey hase yeeshee wUxuu daboolka ka qaadey in af soomaaliga la qori lahayn  haddii aan loo heli lahayn Awood

Dr Xuseen Shiikh Axmed Kadare wuxuu sheegey in afka Soomaaliga uu yahay af Taariikh leh sidoo kale wuxuu sheegey in Afka soomaaliga uu yahay af Hodon weliba uu ka horeeyo Afaf badan oo dunida ka jira isagoo u soo jeediyey Naadiga in si weyn uga qaybqaato sidii afka soomaaliga uu uga   mid noqon lahaa afafka  ugu horreeya ee Dunida

Xafaladaa ayaa intii ay socotey waxaa gabayo Buraaburo ka jeediyey Abwaan Maxamud Maxamed Farey Abwaanad Dahabo Shikh kuwaa oo kciyey Dareenka ka qaybgalayaasha  waxayna ku dheeraadeen Sida Bulshada looga fadhiyo in ay kor u qaado Afkeeda

Ugu Dambeyn waxaa Xafladaa ka Hadley Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna aad u faahfaahiyey sida afka soomaaliga uu yahay af Balaaran oo uu sheegey in ay ka buuxaan  ereyo Fara badan oo aan la heli Karin Afafka kale wuxuuna u soo jeediyey Naadiga Hal Abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed in si siman u hergiliyaan Suugaanta iyo Dhaqamada ka jira Guud ahaan dalka soomaaliyeed isagoo sheegey in si weyn loo liidey Lahjadaha iyo Suugaanta ka jirata Koofurata Soomaaliya iyadoo gabagabdii shakhsiyaad uu Naadiga Sannadkaan uu u gartey inuu Gudoonsiiyo Shahaado Sharaf waxaa ka mid ahaa Xuseen Shiilkh Axmed Kadare , Maxamed Amiin, Sahro Cumar Maalin iyo Xubno kale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.