Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo soo bandhigay hub iyo Rasaas kala duwan iyo Maydad Askar Yugaandheys ah

Iyadoo labo maalmood dagaal qaar uu ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Hodan, Wardhiigley iyo H/wadaag kaas oo u dhexeeya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidamada Uganda oo gacan siinaya kuwa Dowladda Federaalka, waxayna labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu tilmaamay in uu ka mid ahaa dagaaladii ugu qaraaraa ee dhex maray labada dhinac, waxayna khasaare ka soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Labadii maalmood ee dagaalku socday ayaa lagu soo waramayaa in dad gaaraya 30 qofood oo rayid ah ay ku dhinteen, waxaana isbitaalada Magaalada Muqdisho la gaarsiiyey 60 qof oo dhaawac ah, waxaana labada dhinac ka wada sheegteen in ay guulo ka gaaraan dagaalkaasi, hase yeeshee dad ku dhow dhow goobaha dagaalka ayaa waxay noo sheegeen in dagaalka maalintii koowaad meeshii uu ka bilow, qolo weli horumar ka gaartay dagaalkaasi ma jirto, marka laga reebo madaafiic ku habsatay dad rayid ah oo guryahoodii iyo mehradahoodii ugu tagtay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xerada maslax ee Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho waxay ku soo bandhigeen maydka labo Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada Uganda kuwaas oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkii labada maalmood ka socday magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay hub iyo rasaas, raashin gasacadeysan, taleefanada gacanta. Hubka la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qoriga Dhashiiga noocaha garabka lagu qaato, rasaasta BKM iyo rasaas kale oo badan.

Goobta lagu soo bandhigay maydadka askarta Uganda iyo hubkaasi ayaa waxaa joob joog ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan ku biiray Xarakada Shabaab, waxa uuna sheegay in middaani ay tahay guuldaro weyn oo gaartay ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in uu fashilmay iskuday la doonayey in ciidamada AMISOM ku qabsadaan Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in arrintaasi ka hor tageen xarakada Shabaabul Mujaahidin, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Cali Maxamuud Raage ayaa waxa uu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb-qaataan sidii dalka looga saari lahaa ciidamada AMISOM.

Maydadka askarta ciidamada AMISOM ayaa dad careysdan waxay ku dhex jiidayeen dariiqyada Magaalada Muqdisho gaar ahaan qaybta ay Muqdisho ka taliso xarakada Shabaab, iyadoo mar la marsiinayey agagaarka Black Sea ay ciidamada AMISOM ku soo garaaceen madaafiic waxaana halkaasi ku geeriyooday shan qofood oo ka mid ahaa dadkii maydadkaasi jiidayey, sidoo kale dad fara badan ayaan ku dhaawacmay kadib markii madaafiic lagu asqeysiiyey suuqa Bakaaraha iyo agagaarihiisa, sidoo kale Dowladda Federaalka saraakiil u hadashay ayaa waxay sheegeen in ay dagaalka sii wadi doonaan ilaa ay meesha ka saaraan shabaab.

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.