Home » Warar »

Markab Dagaal oo uu Mareykanku leeyahay oo doonaya in ay soo furtaan Mawaadiniin u dhashey Maraykanka oo burcad badeed la soo aadey Xeebaha Soomaaliya

Dooni kuwa  lagu Dalxiiso ah oo la sheegey in ay wateen Dalxiisayal u dhashey Wadanka Mareykanka oo tiradoodu tahay 4 Ruux ayaa lagu waramey in ay afduubteen Kooxo Burcadeed Soomaali ah, waxaana Doontaas laga sheegay in laga watey meel ku dhaw Xeebaha Cumaan iyadoo Ciidamada Ilaalada xeebaha Cumaan ay damceen in Gacanta ku soo dhigaan Doontaas hase yeeshee waxaa la sheegey  in Ciidamada Cumaan ay arkeen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo aad u Hubeysan  islamarkaana dusha u  fuuley Doontaas.

Doonta ayaa la sheegey in lala soo jaheystey dhinaca xeebaha dalka soomaaliya, waxayna doontaan afduubkeeda uu ku soo beegmey xilli sadex maalmood ka hor xeebaha ku dhow dalka cumaan laga soo afduubtey Maraakiib laga leeyahay dalka Malta iyo Yaman  waxaana lala soo aadey xeebaha dalka soomaaliya  wuxuuna tirada Maraakiibta lagu haysto xeebaha soomaaliya ka dhigeysaa 34 Marakab oo dhamaantood laga doonayo lacag madax Furasho ah oo aad u  fara badan.

Kooxda Wadata Doontaan ee Dalxiisayaasha  ayaa waxaa muddo Todobo Sanno ah ku safrayeen Xeebaha dunida waxaana haatan u qorsheysnaa in ay maraan Xeebaha soomaaliya oo waayadaan ay aad ugu badneyd Qafaalshada  Maraakiibta Ilaa hadana ma jiraan Wax laga qabtey kooxahaas  iyadoo la og yahay in maraakiib fara badan oo laga leeyahay Midowga yurub ay ku sugan yihiin Xeebaha Soomaaliya mana jiraan wax ay ka qabteen Burcad badeedka. Waxaana dadka soomaaliyeed ay ka dheregsan yihiin inmaraakiibt ashisheeye ay xeebaha soomaaliya u joogaan in ay urursadaan Khayraadka Badda Soomaaliya.

Doonta ay Saarnaayeen Mawaadiniinta Mareykanka ayaa waxaa lagu Magacaabaa  S/V QUEST waxaana looga digey Doontaan in ay joojiyaan Safarada ay ku marayaan Xeebaha Dunida gaar ahaa Xeebaha soomaaiya  hase yeeshee 2011 ayey sheegeen in ay wadan doonaan Safarkoda Dhinaca Badda iyadoo laga wada dheregsan yahay in Sannadkii Hore laba lamaane oo u dhashey Ingiriiska laga sii daayey kooxo Burcad badeed Soomaali ah kuwas oo haystey Muddo sannad ku dhawaad.

Sawirka: http://www.svquest.com/

Dhanka kale  maalinkii Khamiista ayaa Maxkamad ku taal dalka Mareykan ay nin Soomaali ah ku xukumeen 34 Sanno ka dib markii lagu  eedeeyey in  uu ka mid aha dhalinyaro soomaliyaad oo la sheegey in ay afduubteen Marakab laga leeyahay Maraykanka oo markii dambe ay soo weerareen Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya waxaa weerarkaas ku dhintey 3 ka mid ah kooxihii Burcad Badeedka ahaa  waxaana Nolol lagu qabtey wiilkaan dhaliyarada ah ee ay Maxkamadu Xukumay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.