Home » Maqaallo »

Farxadda iyo soo dhoweynta Bisha Barakaysan ee Ramadaan | Daadurey

Dunida Muslimka ayaa waxay farxad aad u saraysa ku soo dhoweynayaan  Bishan Barakaysan ee Ramadaan , sida uu alle uu Qu’aanka Kariimka uu ugu bayaaniyay meelo badan Alle wuxuu yidhi” Kuwa Alle iyo Rasuulkiisa rumayayow, waxaan idinku Waajib yeelay Soon ,sida aan ugu Waajibiyay kuwii idinka horeeyey” iyo Suurado badan iyo Axaadiis dhammaantood ka hadlaya fadliga ay leedahay bishaan barakaysan ee Ramadaan, waana bishii uu Alle Qur’aanka Kariimka ahi soo dejiyay isla markaana Nebi Maxamed CSW resaalada loo soo dhiibay, sidaa darteed waxaa haboon in bishaani Ramadaanka ee barakaysani Qur’aanka akhristiisa la badiyo si ajarkaaga uu u noqdo mid badan.
 
Haddaba, Dadka waxaa ugu khayr badan sida uu yidhi Nebi Maxamed CSW Qofka inta uu cimrigiisa dheeraado oo uu camalkiisuna wanaagsanaaday , Camalka aannu samaynayno waa inuu noqdaa mid adiga iyo rabbi oo keliya idiin gaar ah ee uusan noqonin is tustus ama ha lagaa sheego, sidoo kale wuxuu yidhi Nebi Maxamed CSW “Soomku wuxuu gaashaan u yahay naarta inuu kaa badbaadiyo “meelo badan oo Qur’aanka ka mid ah ayuu Alle ku yidhi ” Waannu idin Imtixaanaynaa si aannu idiinku ogaano kuwiina idinkugu Camal Wanaagsan ”
Marka waxaannu halkaa ka ogaanaynaa in nicmada ugu weyn ee uu Alle na siiyey inay tahay inuu inaga dhigay Ummad Muslimiin ah .
 
Caa’sha Ilaahay haka raali noqdee ayaa waxaa laga soo weriyey in”Nebiga CSW in  Xaalad waliba uu ku sugnaa uu Alle Xuskiisa badan jiray”
marka waxaa inoogu sugan ku dayasho Nebi Maxamed CSW, in bishaan barakaysan ee Ramadaan aanu badino Xuska Alle wax badan .
Guryaheenana ka bilownaa in bishaan Ramadaanka ahi Cibaadada loo Istaago Xuska Alle iyo Salaadaha iyo Soomkana lagu Sabro ,Sababtoo ah kuwa ku sabraa Alle wuxuu u ballanqaaday inuu ajar Xisaab la’aan ahi  uu siin doono, sabarka ha loo badiyo Cibaadada Alle .
 
Saddex baryo (Duco) Ilaahay ma soo celiyo:
 
1. Ducada Waalidkaaga (Hooyada iyo Aabaha )
2. Qofka Soomn (Bisha Ramadaan)
3. iyo Qofka Musaafirka (Safarka ah)
 
Waxaa kaloo jira iyadana oo in la Xusuusnaado llo baahan yahay mar walbaa waa Shan arimood oo Muhiim ah sida uu Nebi Maxamed CSW uu inoogu sheegay Xadiis ” Shan arimood intaysan kuu Imaan Shan arimood kaga faa’idayso”
 
1. Inta aad nooshahay uga faa’idayso inta aysan Geerida kugu Imaan.
2. Inta aadan Bukoonin waxaad uga faa’idaysataa inaad Caafimaadka Cabtid oo aad Cibaadada Alle gudan kartid.
3. Intaad Firaaqada haysato uga faa;’idayso Cibaadada iyo Diinta Alle intaadan Mashquul noqonin .
4. Intaad Dhallinyarada tahay oo aad Xoogga leedahay uga faa’idayso intaadan Gaboobin oo aad Cuslaanin.
5. Intaad wax haysato Zakada iyo Sadaqaada bixi oo uga faa’idayso intaadan Faqri uusan ku haleelin.
 
Waxaa kaloo jira in Nebi Maxamed CSW, Xadiis-alqudisi uu Alle ku yidhi” Bani’aadanka Camalkiisa oo dhami isaga ayaa iska leh Soomka mooyaane , Soomka aniga ayaa leh anigaana ka abaalmarinaya” bishaan fadli walbaa oo aad gudataa waxaad ku helysaa 70 Darajo.
waxaa kaloo wanaagsan in laga fogaado waxyaabaha Soomka Jebiya ama buriya oo dhan kuna dayataa Sunadii Nebi Maxamed CSW.
 
Haddaba, waxaan Qoraalkani ku saabsanaa Farxadda iyo soo dhoweynta bishan barakaysan ee Ramadaan ku so koobayaa in aannu ka faa’idaysano Khayrka iyo fadaa’isha ay leedahay bishaan barakaysan ee Ramadaan kuwa uu Alle Naarta ka Xureeyana uu Alle inoogu darro dhammaanteen, Soomaali oo nabad ah , Shacab is jecel, iyo Dowlad Caadil ah in uu Ilaahay inagu gaarsiiyo Sanadkan Sanadkiisa .
 
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
           Abdulkadiryusuf@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Farxadda iyo soo dhoweynta Bisha Barakaysan ee Ramadaan | Daadurey "

  1. maxamed cumar says:

    ok aad ayaan ugu faraxsanahay bilashada bisha ramadaan